“Sidii barigii mucaaridka la igu ahaa u dhaqmi maayo, waxaan jecelahay wixii talo ah madaxweynaha aniga i beddelay inaan si nasteexa ah ugu sheego” Md. Daahir Rayaale Kaahin
Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa markii ugu horraysay wixii ka dambeeyey intii lagaga guulaystay doorashada madaxtino ee dalka shalay gurigiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay khilaafkii ba’naa ee muddada dheer ka dhex taagnaa xisbiga UDUB dhexdiisa iyo go’ankii Maxkamadda Sare ka soo saartay khilaafkaas.
Md. Daahir Rayaale Kaahin oo shirkiisa jaraa’id shalay ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa, isagoo ay hareero fadhiyeen dhammaan garabkii taageersanaa isaga, iyadoo aanay meesha ka muuqan garabka ay siyaasada isku hayeen ee uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa Md.Daahir Rayaale ku nuuxnuuxsaday in qofkii sharciga xisbiga u hoggaansami waaya aanu sii joogi doonin xisbiga, isla markaana waxa kale oo uu shacabka Somaliland ka codsaday inay ugu codeeyaan dimuqraadiyadii iyo maamul fidintay dalka ka hirgeliyeen mudadii xukuumadda UDUB talada haysay.
“Maanta ujeeddada ugu weyn ee aan u hadlaya waxa weeyaan farriin aan u gudbinayo bahweynta xisbiga UDUB dadkiisa gobollada iyo dalka ku kala filiqsan iyo guud ahaan shacabkaba, arrimo muran ah oo baryahan ka socday warbaahinta, kuwaas oonan marnaba anigu jawaab ka bixin.
Waa ayaan-darro ayaan qabaa maalmahan dambe wararka aad naga maqasheen ee ah in khilaaf iyo dacwado jiraan, xisbigu shuruuc iyo xeerar buu leeyahay, kuwaasana la raacaya nin kasta oo murma aakhirka xeerkaasay ku soo ururaysaa, xisbigu isagoo qaybsan baan imi, waxaan isku dayey inaan isku keeno oon idhaahdo muranka aan dayno, meelna aan ka wada bilawno, hawlo murrashax iyo hawlo caynkaas ah baa la galay, kuwaasoo ahaa aasaaska khilaafka, wax ka beddel xeer baanay galayaan murrashaxiintu, xeerkana shirweynaha wax lagaga beddelaa, loomana raacin nidaamkisii.
Liis hortay looma gudbin diiwaangelinta, markaan imina ku-xigeenkayga waannu isu nimi waxaan idhi liiska aan isla eegno, run ahaantiina anaga oon isla eegin buu liiska gudbiyey, Guddida Diiwaangelintu waxay ku soo jawaabeen guddomiyuhu kol hadduu joogo adigu xaq uma lihid, waxaana isaga ku idhi bal keen liiska aad gudbisay oo ka koobnaa 351 xubnood oon waafaqsanayn xeerkayaga ayaan idhi si khilaafka loo yareeyo kaa gudbi, laakiin guddida fulintaan tiro ku daray 12 xubnood oo rag xisbiga ku jira oo muhiima, taasi way u cuntami wayday saaxiibkayga ku-xigeenka ah, dacwad baannu qoray oo uu leeyahay aniga xaq u leh inaan gudbiyo, kana soo jawaab baa la igu yidhi, waan ka jawaabay oo waxaan idhi hadduu idiin soo gudbiyey intaan maqnaa isaga xaq u leh, haddii uu intaan joogay idiin soo gudbiyeyna aniga xaq u leh ee xeerka eega, xeerkiiba la eegay, waxaana lagu yidhi xaq uma lihid inaad guddoomiyaha oo jooga gudbiso, xubnahaad gudbisayna xeerkiina kuma jiraan, shirweynana laguma ansixin, waxaana lagu yidhi ku eekaada intii xeerku idiin ogol yahay, dacwaduu ku-xigeenkaygu u gudbiyey maxkamadda waa la diiday, jawaab celintaydiina waa la qablay, halkaasay ku dhan tahay khilaafku wax dambe oo laga sii baadhana ma jiro, maxkamaddana go’aankeedu waa kama dambays.
Waxaan maqlaayey inay rag lahaayeen laba la kala xukumay, maxkamaddu laba may kala xukumin qoraalkeedana kuma qorna, laakiin waxa ku qoran qodob ay yidhaahdeen waxaan ku kordhinay warqad uu ku soo igmaday guddoomiyuhu guddi 35 xubnood ah oo uu guddoominayo guddoomiye-ku-xigeenku haddii loo raaco nuxurkay xambaarsan tahay wax ka soo qaad sharci bay leedahay, go’aana may ahayn waa haddii baa ku jirta, xeerka in wax laga beddelo may ahayn, in murrashaxiin la sameeyo may ahayn sidaasay wax ka soo qaad la’aan u tahay.
Waxaan bahweynta UDUB u gudbinaya wuu soo dhammaaday khilaafkii, xisbigu hawshiibuu galaya, aniga, ku-xigeenkayga iyo xubnahaba sharcibuu xisbigu leeyahay, kaasana loo racayaa, wax muran oo dambe ninkii ku jira isagay u gaar tahay,” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxweynihii hore ee Somaliland waxa uu ka codsaday shacabka inay xisbiga UDUB ugu coodeeyaan taariikhdii hore ee uu dalka ku lahaa, isla markaana ay dimuqraadiyada ku xasuustaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xisbigii dimuqraadiyada bilaabay ee hirgeliyey ee dalkan dhismihiisa iyo fidinta maamulka dalka ka sameeyey, wuxuu ummaddan ku leeyahay hiil, hiilkaasna ummadda mustaqbalka waannu ka sugaynaa.
Md. Daahir Rayaale, waxa kale oo uu ka hadlay musharraxiinta jagada madaxweynenimo iyo go’aankiisa ku aadan, waxaannu yidhi; “Arrinta murrashaxiintayada haddaan ku soo noqdo, maanta ururro ayaa laga dhigay xisbiyadii iyo kuwii dambe ee la sameeyeyba, markaannu soo baxnaanannu ka hadlaynaa, wax murrashax oo jira ma jiro waqtigan xaadirka ah, xisbi aahan musharaxnimada markaannu doorashada degaanka ka gudubnaanu ka hadli doonaa.”
Intaa kadib waxay wariyayaashu weydiiyeen su’aalo dhawr oo ku saabsan khilaafka UDUB ka dhex taagan, waxaanay u dhaceen sidan;
S: Guddoomiye waxaad halkan ka sheegteen sharciyadaad marteen, waxaana idinka maqan garab dhan, waxaanad tidhi waxaannu doonaynaa inaannu xisbiga dib u abaabulno oo soo kicino, qaybta idinka maqan ma la kulunteen, habkeedse ku daawaynaysaa dildilaaca idin soo dhexgalay?
“Waa ballan, waxaanan jecelahay in ku-xigeenkaygu sharciga u hoggaansami doono, sharciga hadduu u hoggaansamo xisbiga cid loo sheeganayaa ma jirto, garabana maanaan ahayn, kuna sheegi maayo garabo, xisbiga bahweyntiisu way ka badan tahay kooxda madaxda ah ee meesha joogta, ninkii xisbiga sharcigiisa raaca wuu ka mid ahaanaya, ninkii aan u diyaar ahayna waxa uu u fasax yahay meeshii kale ee uu tegayo, laakiin xisbiga laga ogolaan maayo inuu qofna sifo sharci darro ah ugu dhex jiro,” ayuu yidhi Daahir Rayaale.
Md.Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka gaabsaday inuu si waafi ah uga jawaabo su’aal laga waydiiyey aragtida uu ka qabo shirka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgashay dalka Turkiga ee lagaga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxannu ku jawaabay; “Sidii barigii mucaaridka la igu ahaa u dhaqmi maayo, waayo nin madaxweyne ahaa baan ahay,waxaan jecelahay wixii talo ah madaxweynaha aniga i beddelay inaan haddan sax u arko la garab qabto, haddaan talada khalad u arkana si nasteexa ah isaga aan ugu sheego oon idhaah halkaa ha laga leexdo.”
S: Md. Daahir Rayaale dadku waxay iswaydiinayaan, maadaama uu hore u ballanqaaday inuu hoggaanka xisbiga wareejinayo, kuna guul-darraystay doorashadii muxuu wali u wareejin la’a yahay, mise damac siyaasadeed baa kugu jira oo ku saabsan musharaxnimada xisbiga?
Md. Rayaale waxa uu yidhi “Taa aniga sidaas idhi, xisbigana meel cidlo ah kaga tegi maayo, meel la hubaan kaga tegi doonaa.”
TogdheerNews..Hargaysa





Recent Comments