Facebook-ga oo la Oggaaday Inuu 40 Daqiiqaba Adduunka Sababo Dambiyo Dilal kala Duwan ah
Dambiyada uu hormoodka ka yahay mareegta Facebook-ga oo xilligan bulshada caalamku si xooggan u isticmaasho, ayaa la shaaciyey inay 40 daqiiqaba hal mar adduunka ka dhacaan.
Sannadkii hore saraakiil adduunka ka kala socda oo arrintan u hawlgalay, ayaa shaaciyey inay diiwaangeliyaan 12,300 (Laba iyo toban kun iyo saddex boqol) oo dambi oo ay ku lug lahayd amma sababtay inay dhacaan mareegta Facebook.
Facebook ayaa bartilmaameed u noqday baadhitaannada dilalka, kufsiga, xad-gudubka caarruurta, afduubka, ugu hanjabida dilka, u caga juglaynta markhaatiyada iyo khiyaamada bartilmaameed u noqday.
Dadka xuuquuqda xorriyatul-qawlka u dooda, ayaa arrintan ku noqotay caqabad hortaala oo ah in dadweynaha caalamka ee mareegaha kulmiya dadka aadka u isticmaala si ka baxsan sidii loogu talagalay u isticmaleen.
Kala badh ciidammada bilayska dalka Ingiriiska iyo Wales, ayaa warbixin faahfaahsan ka soo saaray dambiyada uu masuulka ka yahay Facebook, waxaanay sheegeen in dad badan u isticmaalaan bartan siday ugu soo daban lahaayeen haweenka, dadka cadawadu ka dhaxayso iyo carruurta, taas oo dhib ku noqotay amniga dawladdo badan oo adduunka ah.
Mareegtan ayaa dhanka kale noqotay mid ay aad u isticmalaan dadka adduunka ku nool, taas oo kulmisa dad kala diin, dhaqan iyo dabeecad ah, waana arrimaha ugu waaweyn ee masuulka ka noqda in dambiyada sidaas u culus ay hormood u noqoto.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com





Recent Comments