telesom
logo
logo
logo
|

Eng Maxamed Xaashi oo Xukuumada ku canbaareyey ka qayb galka Shirarka Soomaalida.

Hargesa (Togdheernews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa daboolka ka qaaday in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland uu qalooc weyn iyo faragelin shisheeye soo galeen, isaga oo sheegay in Somaliland ay ceeb ku tahay inay meel la fadhiistaan dawl aan ummaddeeddu kalsooni buuxda ku qabin.

Eng. Maxamed Xaashi oo maanta gurigiisa ugu waramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu daboolka ka qaaday in shirarka Somaliland ka qaybgashay ahaayeen qaar lagu khaldamay oo aan mansab dawladeed lagaga qaybgelin, isaga oo tusaale u soo qaatay in shirarkii dhawaan Soomaaliya loogu kala qabtay Ingiriiska iyo Turkiga markii kadinka laga galay ay noqdeen madaxda Soomaaliland qaar masuuliyiinta Soomaalya madax u tahay.

 

“Kolkaynu dawladnimadeenii la soo noqonay waxaynu la nimi fikir aynu odhanayno waynu ka wada hadlaynaa Soomaaliya wixii inaga dhaxeeyey iyo sidaynu u wada noolaan lahayn oo aynu u wada noqon lahayn laba dawladood oo jaar ah, waana arrin aad iminka moodo inaan aad loo fasirin, waynu wada hadlaynaa uun baa la yidhaa, laakiin maxaynu ku wada hadlaynaa, maaha xorriyadeenii iyo wixii burburka aynu u marnay, wixii dad inagaga dhintay iyo intii xoola la inagaga dhacay, wixii inagu dhacay in maanta si yar uun loo yidhaa way soo noqonayaan wax meesha ku jira maaha, waxaynu ka wada hadlaynay waxay ahayd inaynu noqono laba dawladood oo jaar ah, inaynu ka wada hadalno wixii inaga dhaxeeyey, hadday yihiin daaro safaarado ah oo dibada sidaynu u kala qaadan lahayn iyo jaar wanaagsan u noqon lahayn, u noqosho Soomaaliya kolaba may ahayn waxaynu ka wada hadlaynay.

Waxa aad moodaa in mawqifkii wax iska yara beddeleen iminka, markii hore iyaga shisheeyaa ku dhex jiray, waxaad moodaa innagana iminka shisheeyihii inuu daraf inaga soo galay, sababta oo ah iminka shirarka cusub ee la wado waa shirar ay hoggaaminayaan dawladdo shisheeye. Dawladaha shisheeye hoggaanka ay hoggaaminayaan arrintii waxay ka dhigeen waxaynu heshiinayno, madaxda Soomaaliyana sidaasay uga hadashaa.

Shirkii London marka laga soo bilaabo iyo kii Istaanbuul ee Turkiga waxaad arkaysaa fooftaan habaab inuu ina soo dhexgalay, iyaga taladooda markii hore ajenebiba u hayey, taladii wada hadalkana hintaaq baa ku yimi, waxaanad moodaa in loo qaatayba inaynu ka wada hadlaynaba jiritaankii Somaliland iyo gonni-isu-taageeda, arrintuna sidaa may ahayne waxay ahayd taan soo sheegay ee ah wixii inaga dhaxeeyey inaynu ka wada hadalno oo jaar wanaagsan noqono.

Shirkii London markaad kaga soo bilawdo inagu waxaynu beddelnay siyaasad ahayn lama hadli karo ilaa ay dhistaan dawlad dadku soo dhistay oo lagu kalsoon yahay.

 

Tan iminka markaad eegto (Soomaaliya), dawlad wax ka go’aanba maaha, waana loo talinayaa maanta, kolkaa taladaa aanay iyagu hayn, dad wax lala geli karo maaha oo markaad telefishannada daawato waxaad arkaysaa dadku siduu u dhibaataysan yahay, carruur madax waaweyn oo mijo yar yar, mana eegi karaysid sida runta ah dadkaasi sida uu yahay, iyaguna (Madaxda Soomaaliya) kolkay shirarka tegayaan suudhadhkii u dambeeyey iyo xaragada, dumarkaa yidhaa; isku aayaba ma nihin, dad isku waayaba ah maaha sida runta, xaragadaasi iyo waxaasay iyagu ku jiraan iyo intay dhoof dhoofayaan, waxaaban u malaynayaa intuu Shariifku dhoof dhoofaayo inay dadkaa dhibaataysan wax u qaban lahayd, dad isku nooca oo dadkoodii danaynaya oo dan ummaddood haya maaha nimanka meesha madaxda ka ahi.

Baanka adduunku waxa u soo saaray in 170 milyan oo dollar oo lagu caawiyey inay 30 milyan oo dollar xisaab celin ka keeneen, 140 milyan baa maqan, waana lacag fara badan oo dadka wax badan u qaban lahayd, niman maanta ummadda danteedii haya maaha, ummad talo ka go’dana maaha.

Mawqifkaas cusub ee aynu galnay ee la leeyahay aynu la shirno oo dhex fadhiisano, bal waxaad ka soo qaadaa shirkii London madaxweynaheenu wuxuu tegay isagoo madaxweyne ah, shirka markuu galay ilayn la inama ictiraafsanee shariifkaa inoo madaxweyne ahaa siday iyagunaba u fikirayaan, kolkii Wasiirkeena Khaarajigu iyo weftigiisu tageen Istaanbulna waxa inoo madax ahaa iyaga, waayo dadkan isu yimi Soomaaliya uun bay dawlad ahaan u aaminsan yihiin, kolkaa khasaare ayaa halkaa inoogu jira oo ay tahay inaynu mawqifkeenii hore  oo ahaa dad ummaddu soo dooratay oo ummadda danayna oo wax ka go’aan inaynu wada hadal la galno, wada hadalkeenuna noqdo siday horeba u qabnay ee ahaa laba dawladood oo jaar ah inaynu noqono, taasay arrinteenu ahayn.

Kolkay ka hadlayaan arrimaheena waxay yidhaahdaan cid walba wax baa gaadhay, waanay yasayaan dhibaatadii ay inagu sameeyeen, waxaana weeyaan iyagu iyaga is gaadhsiiyey, inagana dawladii dalka ayaa dhibaatada ina gaadhsiisay. Waxa ay aad u yareeyaan xasuuqii inagu dhacay ee dadka badan ku dhintay ee carruur iyo dumar iyo cid walba lahaa, waxaanay waxba ka soo qaaday xoolihii badnaa iyo magaalooyinkii la gurtay ee aynu u nimi iyagoo haawanaya, halkaasna waxa ku jira quudhsi siday arrintaa uga hadlaan.”

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu intaa ku daray in bulshada caalamku lafteedu marin habowsan tahay oo ay Somaliland ku jujuubayaan dad dawlad dhisan kari waayey, waxaannu yidhi;”Caalamku inu habowsan yahay oo xataa uu khalad ku jiro waxaad ku garanaysaa Soomaali weyn baynu raadinaynaa, waxaynu nidhi labadeenii dawladeed ee ugu horreeyey ee xorriyada qaatay, iskuna darsaday halkaa ha laga bilaabo oo Soomaalida Keyna, Jabuuti iyo Soomaaliya degta ha isu timaado, xaaladaasi way is beddeshay maanta oo Soomaalidii Kenya si wanaagsan bay ula qabsadeen Kenya nabad baa dhacday, horumar bay ku tallaabsadeen, doorashadiibay ku jiraan, meel wanaagsan baanay marayaan, tii Itoobiya sidoo kale, Jabuuti istiqlaal bay heshay, waana dawladahaas waaweyn ee maanta calanku u taagan yahay, inagu labaatankii sannadood baynu ka soo kabanay dhibaatooyinkii ina gaadhay oo doorasho, kobcin dhaqaale iyo horumar baynu ku jirenaa, kolkaa afartii gees gees uun baa dhibaatadu ka taagan tahay waana kaas Soomaaliya, kolkaa kii Soomaliya ee xumaa ayaa caalamku leeyahay ha la isku kiin keeno oo Soomaali weyn dib u abuura oo dabadeedna halkii ha ka bilaabanto waa mushkilad, jujuub iyo waxani wax soconaaya maaha.

Dawladahan yidhaa waxa baannu danaynaynayaa IGAD ha noqoto amma kuwa kale ee waxaad moodaa inay meel aan loo baahnayn oo qara ay jafayaan, ta ina haysataana waxa weeyaan sidaynu arrintan uga baxnaa, waxana weeyaan inaynu fikradeenii hore ee ahayd kolkay wax noqdaan, waayo iminka wax maaha, xataa in lala fadhiisto ayaa ceeb ah, kolkaad aragto siday yihiin ee xoolihii ummadda u lunsanayaan, waxaanad moodaa in xaaladeenii wada hadalku inaga yara qaloocsatay, laakiin waxaan odhan lahaa aynu arrintaa dib ugu noqono oo danteenii u soo noqono oo kolkay wax noqdaan oo dad masuuliyiina noqdaan waxaynu is odhanayno aynu is nidhaahno.”

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)