Carruurta Gacantooda Qudha Isaga Jarta oo aad ugu Badanaya Algeria iyo Arrimaha ka Dambeeya
Dadka iyagu gacmahooda isku dila ayaa kor u kacay dalka Algeria sida lagu shaaciyey warbixin laga diyaariyey arrintaas, kaas oo soo bandhigtay in sannadkii 2011 ee ina dhaafay oo kaliya ay qudha gacmahooda iskaga jareen2,191 qof oo ku nool Algeria, kuwaas oo 300 ka mid ah ay dilkooda u badheedheen.
Warbixintan ayaa walaac ka muujiyey in dilka noocan ah uu aad ugu sii badanaayo carruurta da’doodu tahay 15 jir, kuwaas oo tiro ka fajicisay shacabka iyo dawladda Algeria ay bil qudha qudha iska jareen.
Dawladda Algeria, ayaa caddaysay inay aad uga welwelsan yihiin tirada dadka gacmahooda isku dila ee kor u sii kacaysa.
Wasiirka Arrimaha Diinta ee dalka Algeria Abu Cabdullah Ghulamallah, ayaa isagu qiray in tirada dadkan is dilayaa ay tahay mid cabsi abuuraysa, wali aan wax dagaal ah lala gelin, lagana hortegin carruurta iyo dadka qudha gacantooda iska goynaaya.
Khubarada xuquuqal-insaanka dalkaas, ayaa sheegay iyagu sababta carruurtu isu dilayaan inay tahay nolol adag oo la soo wajahday, isla markaana arrintaasi sabab u noqotay in carruur aad u da’ yar ay isku dilaan habab halis ah oo ay ka mid yihiin is-deldelaan, isa-sumayn iyo in meel dheer la iska soo tuuro.
bishii March ee sannadkan oo kaliya ayey qudha gacmahooda iska jareen 15 carruur ah, saddex ka midah waxay u dhasheen magaalada Tii Ouzou oo ku taala waqooyiga badhtamaha dalka Algeria.
Waxyaabaha kalee dadka arrimaha u dhuun daloola ka yaabiyey waxa ka mid ah inay indhahooda ku soo arkeen saddex carruur ah oo ka soo wada jeeda xaafad, isla markaana maalin keliya isku meel isku deldelay, iyadoon wax caddaymo ah laga helin in dadka kale arrintaa sameeyeen, balse farahooda laga helay.
Arday badan oo u dhalatay dalka Algeria oo ah waddamada islaamku aad ugu xoogan yahay, ayaa qudha iskaga dhex jara fasaladooda amma ardayda horteeda.
Prof. Samia Kattoush oo ah khabiir aad ugu takhasustay cilmiga bulshada (Sociology), ayaa tilmaantay in waqtiyadan ay adag tahay sida looga soo kabto arrimahaas argagaxa leh.
“Marka loo fiirsado aragtiyaha cilmiga bulshada, markaad bulsho ku dhex nooshahay, goob-joogna u tahay rabshado baaxad badan, bay’adaasi waxay saamaynaysaa dabeecadaada, waxaanay kugu qaadanaysaa sannado inaad noqoto qof caadi ah,” ayey Prof. Samia u sheegtay telefishanka Al-Arabia ee afka Carabiga ku hadla.
Mrs.Kattoush waxay aad u diiday in carruurtu naftooda sahaydaan, balse waxay is-dilkooda ku sababaysay dhawr arrimood, waxaanay tidhi; “Qoysku waa qodob muhiim ah, waalidiinu waxay mashquul ku yihiin nolol-maalmeedkii, mana siiyaan daryeel ku filan carruurtoda, waqtiyada badankoodana waa dibad wareeg, waxay ka fikiraan in siday carruurta hadyado ugu keenaan, balse arrintasi ma shaqaynayso.
Dugsiga laftiisu waa arrin muhiim ah, madaama dugsiyada badankoodu ay xakameeyaan xirfadaha farshaxanimadu ku dheehan tahay ee carruurta, isla markaana aanay siin fursado ay ku cabbiri lahaayeen dareenkooda iyagoo xor ah, arrimahana waxay carrurta u horseedaan inay naftooda halligaan, iyagoo dareensan inay dembiilayaal yihiin oo aanay nolosha ku guulaysan.
Kombuyuutarka iyo internetku waxay ka dhigaan carruurta qaar ka takooran bayadda ku xeeran, waxaanay ku qanacsanadaan inay ku nooladaan duni khiyaali ah, tanna aakhirka waxay u horseedaa inay diiqad dareemaan is-dilkana ku xigsiiyaan.””
Ibraahim Khadar Siciid





Recent Comments