telesom
logo
logo
logo
|

14 qof oo soomaali ah oo xukumay Masar

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun ku ridday ku dhowaad 14 qof oo qaxooti Soomaali ah kuwaas oo ay ku eedeysay inay isku dayeen in ay dooni ka raacaan magaalada xeebta ah ee Alexdria.

Dadkan ayaa waxay isugu jiraan kuwa haysta kaararka aqoonsiga qaxootinnimada ee UNHCR iyo kuwa aan laheyn kararkaas, waxayna maxkamaddu ku xukuntay kuwa aan haysan sharciga lagu joogo dalka Masar in dib loogu celiyo dalkooda.

Maxamed Cali Warsame oo ay walaalo yihiin mid ka mid ah dadkii la xukumay ayaa Bar-kulan u sheegay in dadkan markii la qabanayay ay doonayeen in ay qaab tahriib ahaan ku galaan talka Talyaaniga kuwaasoo uu sheegay in ay isugu jireen dad la xiray, kuwa baxsaday iyo kuwa lagu xukumay musaafurin.

Faadumo Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah dadka ay maxkamadu sii daysay ayaa Bar-kulan u sheegtay in ay marin habbaabiyeen kooxo muqallasiin ah oo u sheegay in ay geynayaan Talyaaniga kaddibna ay ciidamada booliska ee Masar ku qabteen xeebta magaalada Alexdria.

Waa markii ugu horreysay oo ay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Masar ay isku dayaan in ay ka tahriibaan magaalada xeebta  ah ee Alexdria, waxayna arritan ku soo beegmeysaa xilli waddankaas ay ku sii badanayaan dhallinta tahriib doonka ah.

 

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)