telesom
logo
logo
logo
|

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha oo si Ba’an uga Dayrisay Tacadiyada ay Geystaan Liyuu Booliska Kililka 5aad ee Itoobiya

 

Nariobi (Togdhnews)- Hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha ee magaceeda la yidhaa Human Rights Watch ayaa si ba’an uga dayrisay tacadiyada ka dhanka ah shacabka ee ay gaystaan ciidanka Liyuu Booliska ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya.

Warbixin Human Rights Watch ka soo saartay hab-dhaqanka Liyuu Booliska oo ay ku tilmaantay maleeshiyaadka hubaysan oo aanay caddayn shuruucda ay ku shaqayso, waxay ku sheegtay tacadiyo isugu jira xusuuq, jidh-dil, dhac iyo xadhigba si joogto ah ugula kacaan shacabka ku dhaqan degaannada Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Hay’addu waxay warbixinteeda si adag ugaga hadashay xasuuq bishii March maleeshiyadani ka gaysatay degaanka Gaashaamo oo ay sheegtay inay si aan sharciga waafaqsanayn ku khaarajisay toban qof oo shacab ah, kadib markii dadweynaha tuulada Raqda ku nooli iska difaaceen weerar Liyuu Boolisku ku qaadeen, halkaasna ku dileen toddoba ka tirsan Liyu Booliska.

“16-kii iyo 17-kii bishii March waxay Liyuu Boolisku weerar ku qaadeen afar tuulo, kadibna waxay xasuuqeen 10 nin oo ay ka kaxaysteen tuulada Raqda, kuwaas oo 9 ka mid ah dileen, 24 kalena way afduubeen, waxaanay dhac u gaysteen daraasiin dukaamo iyo guryo ah,” ayey hay’addu ku tidhi qoraal dheer oo ay ka soo saartay tacadiyada kooxda Liyu Boolisku geystaan.

Human Rights Watch waxay xustay in malleeshiyaadka Liyu Boolis oo ka amar qaata dawlad-goboleedka Soomaalida Itoobiya aanay caddayn shuruucda ay ku shaqeeyaan, balse sida ay ilo xogogaal ah u caddeeyeen ay tababarka, dirayska, hubka iyo mushaharkaba ka helaan dawladda dhexe ee Itoobiya oo u soo marisa maamulka Kililka 5aad.

“Dilka dhawr ka mid ah Liyu Booliska marmarsiiyo uma noqonayo in kooxdani tacadiyo axmaqnimo ah u gaystaan shacabkooda, falalkaasina ay gaysanayaan Liyuu Boolisku waxay muujinayaan inay jirto baahi degdeg ah in dawladda Itoobiya kaantaroosho malleeshiyadan bilaa sharciga ah,” ayey tidhi Ku-xigeenka Agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch oo magaceeda la yidhaa Leslie Lefkow.

Waxa kaloo Human Rights Watch ku eedaysay Liyu Booliska Ismaamul-goboleedka Itoobiya inay si joogto ah shacabka Soomaalida ugu geystaan tacadiyo isugu jira dil, jidh-dil, xadhig iyo dhac ka baxsan shuruucda caalamiga ah.

 TogdheerNews.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)