Imisuu gaadhayey saamiyadii biyo-xidheenka ABBAY ee Hargeysa iyo Burco kala iibsadeen?
Hargeysa, (Togdhnews)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey sannad-guuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii xukunka laga tuuray taliskii Dergiga Itoobiya ayaa shalay lagu qabtay huteel Maansoor.
Xafladan oo ay ka soo qeyngaleen xubno ka tirsan golaha wasiirada, hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka dalka, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, ganacsato, jaaliyada Itoobiya iyo marti kale, ayaa ugu horeyn Brg. Gen. Berhe Tesfaye, oo ah Qunsulka guud ee safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland oo halkaa ka hadlay sheegay, “sannadkii 1988 20kii Ginboot, markii xukunka laga tuuray taliskii Dhergiga, halgan balaadhan oo u hormood u ahaa xisbigii EPRDF, waxuu dhidibada u taagay nidaamka dastuuriga oo ka turjumayey danaha iyo masiirka shucuubta iyo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya,”
Brg. Gen. Berhe, oo ka hadlayey dhinaca nabadgelyada, ayaa sheegay in “Waxa xusid mudan in Xukuumada Itoobiya samaysay dedaal balaadhan oo lagu xoojinayo dhinaca horumarka iyo nabadgelyada gudaha iyo dalalka jaarka, sida dawlada aanu walaalaha nahay ee Somaliland, oo xaqiijintooda kow ka tahay,”
Sidoo kale, Mr. Taye tesfaye, oo ah ku-xigeenka Qunsulka guud ee safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland, oo xafladaa ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday qadarinta ay u hayaan cidkastoo hore gacan uga geystay xilligan u diyaar ah maalgashiga qorshaha xukuumadiisu ku samaysanayso mashruuca biyo-xidheenka ABBAY, isagoo shahaado sharafyo gudoonsiiyey xubno kala duwan ooh ore u maalgashaday
mashruuca biyo-xidheenkaa.
Xubno kala duwan oo ka tirsanaa ganacsatadii iyo martidii kala duwanayd ee xafladaa ka soo qeybgashay ayaa madasha kaga dhawaaqay lacago kala duwan oo ay kaga qeybgaleen iibsiga saamiga mashruuca biyo-xidheenka ayaa waxa ka mid ahaa Axmed Cabdi dheri oo ka soo jeeday caasimada Hargeysa oo iibsaday saami qiimahiisu yahay $2000 kun oo Dollar, iyo Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye) oo ka soo jeeday magaalada Burco oo iibsaday saami qiimahiisu yahay $ 3000 kun oo Dollar.
Ugu danbayn, wasiiru-dawlaha wasaarada Arrimaha Dibedda, Mr. oo xafladaa soo xidhay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in sare loo qaado wax-wada-qabsiga labada shacbi u dhexeeya.
Togdheernews








Recent Comments