telesom
logo
logo
logo
|

Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Dayactirka Lagu Samaynaayo Jidka Diyaaradaha Madaarka Hargeysa+Sawiro

Hargeysa(Togdheernews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay madaarka Hargeysa oo dib-u-habayn weyn lagu samayn doono dariiqa diyaaraduhu maraan.

 

Mashruuca dib-u-habaynta madaarka oo ay maalgelinayso dawladda Kuwayt, ayaa fulintiisa waxa si rasmi ah u bilaabay shirkadda Shiinaha ah ee la yidhaa China Hona Group oo hore ugu guulaysatay qandaraaska lagu dayac tiraayo madaarka.

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasabada ka hadlay,  ayaa sheegay in mashruucan dawladda Kuwayt ka caawinayso ee dib-u-habaynta iyo dayactirka lagu samaynayo madaarka uu noqon doono mid madaarka laga dhigaayo mid u dhisan sida madaarada caalamiga ah, isaga  xusay in hawshoodan ay ka marakacayso waxqabadka xukuumadoodu hirgelisay intay xilka haysay.

 

Md. Maxamed Xaashi Cabdi, waxa uu intaas ku daray inay dedaal xooggan u galeen sidii mashruucan loo hirgelin lahaa madaarada Hargeysa iyo Berberana looga dhigi lahaa qaar heer caalamiya.

Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay dadaal xoogan u galeen sidii dibu casriyayn loogu samayn lahaa Madaarka Cigaal International Airport iyo ka Magaalada Berbera.

 

Madaxweynaha  Siilaanyo oo isagu dib u habaynta madaarka dhagax dhigay, ayaa u mahadceliyey dawladda Kuwait iyo shirkadaha hirgelinaya dayactirka, isaga oo tilmaamay in mashruucan uu yahay mid horumar u horseedaya dalka iyo bulshadaba, waxaannu yidhi; “Waxaan ku faraxsanahay dib u habaynta dariiqa diyaaraduhu maraan lagu sameeyey iyo dhismayaasha kale ee aan ku soo arkay madaarka ee casriyeynta weyn lagu sameeyey, waxaan mahad ballaadhan u celinayaa in alle intii ka qaybgashay, maalgelinaysa, wax nagala qabanaysa ee dhaqaalaheega galinaysa sida dawladda Kuwayt ee naga maalgelinaysa, hawshana wax nagala qabanaysa aad iyo aad baan shaqaalaha, shirkadaha iyo cidii kale ee ka qaybgashayna mahad ballaadhan ugu soo jeedinaya, waxaanay inoo noqon doontaa horumar weyn oo la taaban karo, kuna soo kordhay dalka iyo dadkaba.”

 

Togdheernews/Office Hargaysa

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)