Mourniho oo loo kordhiyey Heshiishki iyo Drogba oo shaaciyey in uu ka tagaayo Chelsea.
Weeraryahanka kooxda kubbadda cagta Chelsea Didier Drogba ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isaga tagayo kooxda, waxaana la filayaa inuu ku biiro koox ka dhisan dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Shanghai.
Didier Drogba ayaa isagoo ilmeynaya ku wargeliyay John Terry iyo Frank Lampard inuusan xilli ciyaareedka soo socda garoomada la geli doonin, wuxuuna sheegay in uu qaatay go’aan adag.
Drogba oo la joogay Chelsea 8 sano ayaa u mahadceliyay hoggaanka iyo taageerayaasha kooxda oo uu tilmaamay inuu la soo qaatay waqti wanaagsan, isagoo kula guuleystay Premier League, FA Cup iyo Champions League.
Cayaaryahanka oo 34 jir ah ayaa la rajeynayaa inuu ka garab cayaaro saaxiibkiis Nicolas Anelka oo xilli cayaareedkii hore ku biiray naadiga Shanghai, wuxuuna toddobaadkii qaadan doonaa £200,000.
Geesta kale Kooxda kubbadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa shaaca ka qaadday inuu tababaraheeda Jose Mourinho la sii joogi doono ilaa sanadka 2016, kaddib markii uu kordhiyay waqtiga heshiiskiisa.
Jose Mourinho ayaa heshiiska uu kula joogo Real Madrid wuxuu ku ekaa sanadka 2014-ka, wuxuuna oggolaaday inuu ku kordhiyo labo sano oo hor leh.
Tababare Mourinho wuxuu sanadkii 2010 ka soo tegay Inter Milan, markaas oo uu ku soo biiray Real Madrid, hase yeeshee waxaa jiray warar sheegayay inuu kooxda ka tegi doono dhowaan.
Mourinho wuxuu Real Madrid kula guuleystay horyaalka Spain, waxayna ku qaadday 100 dhibcood oo ah rikoodh ku cusub horyaalka La Liga. Waa macallinka keliya ee wada qaaday horyaallada Portugal, England, Italy iyo Spain.
Togdheernews.com





Recent Comments