telesom
logo
logo
logo
|

Diblomaasi ka socday Safaarda Japan ee Kenya iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Booqday Burco iyo Sheekh

 

 

Burco (Togdhnews)- Ku-xigeenka safiirka dalka Japan u fadhiya dalka Kenya oo ay weheliyaan Saraalka Bariga Afrika u qaabilsan hay'adda NRC iyo madax ka tirsan  Hay'adda UNHCR , ayaa  booqosho  ku  yimi  magaalada  Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Weftiga uu hoggaaminayey safiir-ku-xigeenka dalka Japan, waxay xadhiga ka jareen dhismayaal  cusub ka kooban 50-guri oo  ay maalgelisay dawladda Jabaan, isla markaana ay fulisay Hay'adda  NRC,  kuwaaso laga dhisay xaafadda  Aadan  Saleeban  ee  magaalada Burco.

Xafladda   loo sameeyay  xadhig  ka jarista  dhismayaashan waxa ka hadlay Safiir-ku-xigeenka dalka Japan u fadhiya Kenya, waxaannu  sheegay in safarkoodu la  xidhiidhay sidii  ay  xadhiga uga  jari  lahaayeen dhismayaashan ay dawladoodu maalgalisay.

"Waa  markii  u horreysay  ee aan imaado  Somaliland, waanan  ku faraxsanahay  inaan  ka qaybgalo   xafladan loo sameeyay  wareejinta dhismayaasha cusub oo ka kooban  50 guri oo ay ka faa’iidaysanayaan saddex boqol oo qoys, kuwaasoo  dawlad  ahaan   aanu maalgalinay, anagoo     dhaqaalaha  soo dhexmarinayna  Hay’adda  UNHCR, si  loogu caawiyo   dadka soo  barakacay,” ayuu  yidhi safiir-ku-xigeenku, isagoo intaas ku daray in dhismayaal gaadhaya sagaal kun oo guri ay dhiseen Soomaaliya oo dhan.

Sarkaalka Bariga Afrika u qaabilsan Hay'adda NRC Mr.Xasan khayre  oo  isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi;  "Aad ayaan ugu faraxsanahay in 50 guri la idiin dhisay, waxaan rajaynayaa in taasi  noqoto  bilaw kaliya,  aniga runti waxaan ka soo shaqeeyey meelo badan oo  kala duwan, maan arkin maamulka dawladiina ka dhisan dalka, gaar  ahaan  dawlada hoose  ee Burco iyo  maamulka gobolka  siday idiinku dedaalaan meelaha kale kuma arkin, maayirka magaaladu isagaa  nagu khasbay in  guryaha  laga  dhigo  laba qol,  annaguna  waxaannu ku khasabnay in isaguna wax ku darsado, waanu iga aqbalay, markaan imi Burco waxay i xasuusay  in dadka Somaliland  iyo  Soomaaliduba ay yihiin dad  karaamo leh  hadii ay helaan hoggaan wanaagsan.”

Duqa magaaladda Burco Md. Maxamuud Dhegalaab ayaa u mahadcelyay  weftiga ka socday dalka Japan iyo hay’adaha wehelinayey, isagoo tilmaamay inay  waxa muhiima u qabteen, waxaannu yidhi; “Waxa  diinteenu  sheegtay  in qof kasta  wax  wanaagsan kuu  qabta  loo mahadceliyo, sidaas awgeed  waftigan si weyn ayaanu uga  mahadcelinaynaa hawsha ay noo qabteen, waxaana leenahay  halkaas  ka sii  wada oo ka sii kordhiya.”

Badhasaabka gobolka Togdheer  Md. Cabdoo  Axmed Aayir ayaa isaguna weftiga u sheegay  in  baahi  badani  wali  ka jiro  xaafadaha  danyarta ee  dadka barkacayaasha  ahi degan yihiin, loona  baahan  in wax badan loo qabto.

Guddiga xaafadda Burco ee laga hirgaliyay dhismayaashan cusub ayaa dhammaantood u mahadceliyey waftigan, isla markaana guddoonsiiyay hadyad hido iyo dhaqa ah.

Waxa kale oo weftigani booqdeen madaarka magaaladda Burco, halkaasi ay kula kulmeen Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaannu wasiirku weftiga ka dalbaday inay gacan ka gaystaan dib-u-dhiska madaarka Burco.

Sidoo  kale waxay  waftigani  booqdeen   xarumaha  lagu  dhaqanceliyo  carruurta  darbi jiifka ee  ay gacanta  ku hayaan  guddiga xoojinta  nabadda degmada  iyo Havoyoco, sidoo  kale  waxay   mareen  suuqyada iyo  jidadka magaalada Burco  qaarkood.

Dhinaca kale, waxa weftiga uu hoggaaminayey ku-xigeenka safiirka dalka Japan u fadhiya Kenya ay isla shalay booqasho ku tageen dugsiga sare ee xannaanada xoolaha ee Sheekh oo ku yaal degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, halkaasoo dawladda Japan ka wado mashaariic la xidhiidha dhismaha xarun shaybaadh oo loogu tallogalay in lagu baadho xoolaha iyo cuntooyinka, kaasoo aan hore uga jirin Somaliland.

Waxayna weftigu isla shalayba ku soo laabteen caasimadda Hargeysa.

 TogdheerNews..Burco

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)