Guddiga Xoojinta Nabadda oo Kulan u Qabtay Guddiyada Xaafadaha Burco
Burco (Togdhnews)- Kulan ay isugu yimaaddeen Guddiga Xoojinta Nabadda ee Degmada Burco, guddiyada xaafadaha magaaladaas iyo xubno ka tirsan golaha degaanka oo lagaga hadlayey sidii dadweynuhu kaalintooda uga qaadan lahaayeen bannaynta goobo uu xidhay geedka loo yaqaan Garanwaaga, ayaa lagu shalay qabtay magaalada Burco.
Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Jaamac oo ka mid ah degaanka Burco oo ugu horreyn kulankaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday inay dawlad hoose ahaan kaalintooda ka qaadanayaan hawshaan, bulshadana looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan.
"Qorshahani waa mid lagu bannayno dhulka iyo jidadka uu xidhay geedka garanwaagu, meelaha madowna lagu xidhayo laydh, waxana laga bilaabayaa xaafadaha 15 May iyo Ceel-gooni, sidaa awgeed doorka looga baahan yahay guddiyada xaafaduhu wuxuu noqonayaa inay kaalintooda ka qaataan oo bulshada xaafadda ku baraarujiyaan inay ka qaybqaataan si loo banneeyo dhulkaa xidhan, dawlad hoose ahaanna waxaannu kaga qaybqaadanaynaa cagafcagafyadayada iyo gaadiidkayagaba,” ayuu yidhi xildhibaanka oo xusay in hawshaasi tahay mid faa’iido iyo waxtar weyn u yeelan doonta guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Burco.
Mr. Maxamuud Cali Dacar oo ka mid ah guddiyada xaafadaha ee kulankaas ka qaybgalay, ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, waxaannu sheegay inay ka qaybqaadan doonaan hawsha bannaynta jidadka magaalada.
“Xaafad ahaan waannu u baahnayn bannaynta dhulka iyo jidadka uu xidhay Garanwaagu, waxaanay noqotay meelo lagu baadho dadka oo hablaha lagu kufsado oo tuugta hoy u noqotay, markaas aad baannu ugu faraxsanahay arrintan haddaannu nahay guddigii xaafadda, diyaarna waannu u nahay inaannu ka qaybqaadano,” ayuu yidhi Dacar.
Waxa kaloo uu u mahad-celiyay hay’adda DDG, Guddiga Xoojinta Nabadda iyo Dawladda Hoose ee Burco.
“Dhibaato weyn ayuu nagu hayay geedka garanwaagu , waxaannu naga xidhay dhulkii iyo jidadkii oo dhan oo xataa ma hayno meel aannu marino maydka qofka dhinta, labaatankii sanno ee u dambeeyayna halis badan ayuu nagu hayay, balse maanta haddii la gurayo aad baannu ugu faraxsannahay oo waannu ka qaybqaadan doonaa hawshan.” Sidaana waxa tidhi marwo Shuun Jaamac Geeddi oo ka tirsan guddiyada xaafadaha Burco ee hawshan laga bilaabi doono.
Marwo Shuun waxa ay intaa ku dartay in goobaha garanwaagu ka baxay ku qarsoon tahay miino, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la kaxeeyo kooxaha miinada baadha, “Maadaama hore miino ugu qaraxday carruur yaryar oo ka mid ah dadweynaha xaafaddaas deggan.”
Hawlgalka lagu bannaynayo goobaha iyo jidadka uu xidhay geedka garanwaaga ee magaalada Burco, waxa fulinaya Guddiga Xoojinta Nabadda, waxana maalgelinaysa hay’adda caalamiga ah ee DDG, iyadoo ay gacan ka gaysanayso dawladda hoose ee Burco.





Recent Comments