telesom
logo
logo
logo
|

Ibraahim Dhegaweyne oo Dhaliilihii ugu Cuslaa u Jeediyey Xukuumadda Somaliland

 

“Car waakaasi nabad ha ku gaadhsiiyaan dalka muddadii loogu talogalay, anigu xaqiiqada ayaan ogahay, doorasho ayeynu ka hadlaynaa ee waa ta laga werwereegayo”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UDHIS

Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka hadhay ee UDHIS Md. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne), ayaa dhaliilihii ugu cuslaa abid u jeediyey xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo uu ku tilmaamay inay marayso heer ka liita tii maamulkii nacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

Muj. Dhegoweyne oo hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo shalay qaar ka mid ah ururradii siyaasadda ee dhacay ku qabteen huteel Xaraf, waxa uu ka sheegay in xukuumadda talada haysa ku sifowday musuqmaasuq, boob, been iyo caddaaalad-darro, isla markaana marayso meel qaranimadii dalku halis tahay, sidaa darteedna ay u muuqato inay ka hoosayso nidaamkii kelitaliskii Siyaad Barre.

“Waxan aynu ka hadlaynaa waa sharcigii ummadda u dhexeeyey, haddii sharci la waayo iyo waxa ummaddu ku kala socoto bini’aadamku wuu lumayaa, dawladdana maanta inoo joogtaa sharci bay meesha ku timi oo aynu ku dhisnay, kuna ixtiraamaynay, xaqii bini’aadamku lahaa ee waxna wuu dooran karaa, waana la dooran karaa weeye, wixii kale oo dhan waynu ku sii daynay lacag ha xado, qamadi iyo mucaawano ha gurato, dhulka ha boobto, been ha inoo sheegto ilaa idaacadeenii iyo telefisheenkii ayey beentu ka baxaysaa; tii Maxamed Siyaad Barre hoos bay ka martay. Dhulkiinnii ayaa laaluush lagu bixinayaa, qarannimadiinii ayaa la isweydiinayaa, colaad aan damayn oo taa saaka (shaqaaqadii shalay ee wershada kabista) iyo dhiig la daadiyo ayaa taagan.”

“Car waakaasi nabad ha ku gaadhsiiyaan dalka muddadii loogu talogalay, anigu xaqiiqada ayaan ogahay, doorasho ayeynu ka hadlaynaa ee waa ta laga werwereegayo, caddaaladdu waa ta laga werwereegayo, in dhiig faraha la idiin geliyo ayaa la rabaa, u malaynmaayo dalkani inuu wada joogo inay doonayaan waa xaqiiq,” ayuu yidhi Ibraahim Dhegoweyne.

Waxa kale oo Muj. Dhegaweyne uu ku eedeeyey Madaxweyne Siilaanyo in aannu daacad ka ahayn daminta colaadaha ka taagan dalka, isagoo tusaale u soo qaatay shaqaaqooyinkii ka dhacay degaannada Ceelbardaale iyo Kalshaale oo uu sheegay in talooyin isagu uu u geeyey Madaxweynuhu qaadan waayey.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha UDHIS waxa uu naqdiyey tallaabada xukuumaddu kaga ansixisay Baarlamanka ka qaybgalka shirarka Soomaaliya oo uu ku sifeeyey mid furtay albaab habeen walba koox ka gasho Muqdisho, waxaannu soo jeediyey in talo midaysan laga yeesho arrimaha Soomaliya.

“Albaab kaloo Xamar ah ayaa la innagu furay oo habeen walba waataa cid guure ku sii socoto. Waar doorasho lama rabo oo caddaalad lama rabo oo dalkani inuu jiro lama rabo ee waxan aynu ka hadlaynaa waa meel soke; waa baaba’eenii oo in nin waliba Xamar guure ku tago ayaa la inala rabaa.

Maba diidanin Xamar ee bal aynu talo uun ku tagno. Waa ummad Soomaaliyeed oo heshiisiintooda iyo wanaaggooda innaga ayaa ugu sokayna Xamar cid Ilaahay abuuray. Waa la ina dilay odhan mayno oo lama inama dilene waxbaynu iska celinay, in aynu ku ciil qabnana maaha ee dhibtooda wax baynu ka qabanaynaa oo waa dad inala dhashay, dawaynteeda ayeynuna leenahay,” ayuu raaciyey hadalkiisa Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne).

TogdheerNews..Hargaysa

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)