Xukuumadu Maxay ka tidhi Iska Hor imaadki ka dhacay Hargaysa ee gaystay Dhimasho iyo dhaawac
Hargaysa- (Togdheernews)- Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u wada qabteen wasiirka arrimaha gudaha Duur, Wasiirka Gaashandhiga Cadami, Taliyaha Ciidanka Qaranka Shaqale iyo Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland ayaa ka war bixiyeen iska horimaadki maanta dhexmaray ciidanka qaranka iyo dad shicib ah.
Ugu horeyn shirka jaraa'id waxa ka hadlay Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Isamacil Shaqale isaga oo ka warbixiyey dagaalki saaka ka dhacay hargaysa waxaana uu yidhi" Saaka 5:30 Subaxnimo ayaa xeradda Ciidanka Qaranka weerar ku soo qaadeen Ciidan Beeledyo, halkaas oo afarta jiho ay kala dhaceen hubka noocyadisa kala duwan, iyadoo halkaasi ka dhashay khasaare, Nafeed waxaanu taliyuhu sheegay in Ciidanku qabtay dad iyo hub."
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha Booliska Somaliland waxaanu sheegay khasaaraha halkaasi ka dhashay "waxaa ciidanka qaranka ka dhintay 3 Askari , 4 askarina waa dhaawac, 1 qof ayaa ku dhintay xabad seeraaro , lab qof oo ka tirsan shacabkana ku dhinteen waxaanu ka qabanay 28 qof oo 8 qof dhaawac tahay. Aad ayaan uga xunahay dhacda maanta dhacay."ayuu yidhi taliyuhu
Waxa isana halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Cali Cadami waxaanu sheegay in aanay maanta ahayn in la dagaalamo oo wax kasta lagu dhameyo wada hadal iyo wada xaajood iyo is afgarad ee aanay ahayn in maanta xabad la is waydaarso oo dad shicib ahi nafwaayaan.
Wasiirka arrimaha Gudaha Duur ayaa sheegay " Waa ayaan daro in maanta dhexdeena dad tiro intaas le'eeg inaga dhintaan , waana arrin aanu aad uga xunahay "
Togdheernews.com
Hargaysa/Office





Recent Comments