telesom
logo
logo
logo
|

Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland ma waxa hortaagan aqoonsi la’aanta iyo shuruuc la’aanta?

 

Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka hadlay muddada waddanka Somaliland soo jiidan karo maalgashiyo caalami ah, isla markaana shirkadaha ajaanibka ah ku soo dhiirran doonaan suuqa xorta ah ee dalka.

Md. Cabdi Dirir Cabdi oo waraysi siiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters, waxa uu sheegay in Somaliland meelmarisay sharciga bangiga dhexe oo 24 March 2012 ay ansixiyeen Golaha Wakiillada, isla markaana madaxweynuhu digreeto ku dhaqan-geliyey, isagoo xusay in ilaa afar bilood gudahood lagu ansixin doono xeer kale oo oggolaanaya bangiyada ganacsiga si loo soo jiito maalgashiyo heer caalami ah.

“Waxaannu rajaynaynaa in xeerka bangiyada ganacsiga (commercial banking act) la ansixin doono ilaa saddex ama afar bilood gudahood… marka la diyaariyo sharciga bangiyada ganacsiga, waxaannu rajaynaynaa in Somaliland soo jiidan doonto maalgashiga caalamiga ah, iyadoo suuqa xorta ah soo jiidan doono maalgashadayaasha ajnebiga ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland.

Mr. Dirir waxa uu sheegay in bangiyo ay ka mid yihiin CAC bank oo laga leeyahay dalka Yemen, Salaam African Bank oo xaruntiisu Jabuuti tahay, Banque de Depot Credit Djibouti iyo Swiss Financial Investment oo dalka Switzerland ah ay hadda diyaar u yihiin ama qarka u saaran yihiin inay ka hawlgalaan Somaliland.

Madaxda dawladda Somaliland ayaa inta badan sheega in aqoonsi la’aantu sabab u tahay maalgashi la’aanta ka jirta dalka, balse Guddoomiyaha Baanku waxa uu aaminsan yahay in Somaliland maalgashiga caalamiga ah soo jiidan karto haddii la diyaariyo shuruucda iyo xeerarka oggolaanaya baananka ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

 

 
TogdheerNews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)