telesom
logo
logo
logo
|

Dr. Gabboose oo ku eedeeyey maamulka Madaxweyne Siilaanyo inuu u xuub-siibtay cabudhin iyo cadaadis

 

Hargeysa (Togdhnews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Daakhiliga, ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulka xukuumaddiisa inay u xuub-siibteen kali-talisnimo i, cabudhin iyo cadaadis kula kacay bulshada.

Dr. Gabboose waxa uu cafis ka waydiistay ololihii uu u galay sidii Madaxweyne Siilaanyo kursiga madaxweynenimo ugu fadhiisan lahaa, isagoo sheegay inuu yahay khaladkii ugu weynaa ee uu noloshiisa galay.

“Muwaaddin kasta oo reer Somaliland ah, maaha in lagu gafo caddaaladdiisa iyo xaqiisa. Haddii mid innaga mid ah sharaftiisa iyo karaamadiisa lagu gafo dhammaanteed waa la innagu gafay, markaa waxaan la qabaa bulshada reer Somaliland in ficilkii shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ka dhacay uu ahaa ficil wuxuushnimo ah, waxaannu dhaawacay geeddi-socodkii iyo hab-dhaqankii dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku soo caano maashay muddada dheer,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo waraysi siiyey shalay telefishanka madaxbannaan ee HCTV.

 “Cabdiraxmaan Cabdiqaadir wuxuu ahaa nin halgankii dalka naftiisa u huray isagoo yar ilaa maanta marna dalkan dhinac ugamuu bixin si uu halgankiisa uga qaybqaato. Xisbiga KULMIYE wuxuu ahaa xisbi qaran, mid cid leedahayna maaha. Wuxuu ku bixiyey maalkiisa, waqtigiisa iyo naftiisa, waxana ka soo gaadhay dhaawac bani’aadamka ugu xun oo laf-dhabarku ka jabay si uu Siilaanyo si marxabo leh ugu soo dhoweyn lahaa kursiga.

Marxabayntii iyo soo dhowayntii waxay dhashay inuu Madaxweyne Siilaanyo yidhaa hadduu shirka dhex fadhiyo Cabdiraxmaan Cabdilqaadir iman maayo. Waxaas oo dhan waxa ka weyn, masuul xisbi ka mid ah khalad wuu geli karaa, dembina wuu geli karaa, anshaxna waa la marin karaa. Xisbi kasta xeerkiisa waxa ku qoran in guddi anshax-marin la horgeeyo. Annagu UMMAD ahaan waxaannu ognahay inuu musuqmaasuqa xukuumadda Siilaanyo ka socda wax ka sheegay, sidaasna bulshadu waxay u arkaysay inuu u hiilinayo madaxweynaha oo uu u hiilinayo xisbigiisa, laakiin waxa meesha ka soo baxay nidaam cusub oo keligii-talisnimo ah oo xoog iyo cabudhin ah.

Haddii wax laga sheego, haddii wax la iga sheego iyo haddii sidaan wax u arkayo loo arki waayo xabsiga la galayaa. Bilihii u dambeeyey waad ogaydeen inta qof la taxaabay ee aan loo eegin qaranimadii sharaftii iyo dadnimadii. Markaa waxaannu u aragnaa in dimuqraadiyaddii Somaliland lagu xadgudbay. Waxaannu u aragnaa in indhaha caalamku shaashadaha ka dawanaayeen.

Waxa kaloo aannu aamisanahay in khad cas la hoos-mariyey siday arrimaha Somaliland maanta u socdaan oo aan u socon sidii xukuumaddii aannu dhaliilaynay ee Daahir Rayaale.

Waxa nasiib-darro ah Siilaanyo siddeed sannadood ayuu dhaliilayey maamul jira oo uu lahaa waxba sidan ah, isagiina daqiiqad qudha oo dhaliil ah ayuu gubanayaa, dadkiina bahdil iyo xadhig kula kacayaa.

KULMIYE waxaan leeyahay isagaa karaamadii iska qaaday, isagaana is dhaawacay, sidaasna saaxadda siyaasadda kaga baxay. Haddii lay weydiin lahaa khaladka ugu weyn eed noloshaada gashay ee markaad keligaa tahay dib u qoomamayso waxa weeye Siilaanyaha maanta kursiga ku fadhiyo inaan u ololeeyey. Waxaan u arkaa inaan dadkii Somaliland dunuub weyn ka galay. Waxaan u arkaa jidka uu maanta arrimuhu ku socdaan in dalku mugdi ku sii socdo,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Dr. Gabboose.

TogdheerNews.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)