Mombasa: Jaaliyada Somaliland oo Shir isugu yimi +Sawiro
Mombasa-( Togdheernews)- Shir looga hadlayay Danaha dadka Reer Somaliland, ee ku dhaqaan wadanka Kenya ayaa lagu qaabtay Hotel sarova whitesands.
Shirkan oo isku imaadeen jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Mombasa , kuwaasoo oo ay kaga hadleen sida ay xaqooda uga heeli lahayeen dowladda Kenya.
Shirkaas wuxuu xanbaarsanaa macluumaad gaar ah waxaana kasoo qayb galay xogahayaha Wasaarad Arrimaha Dibada ee Dalkani Kenya Mudane Cabdi Raxmaan Cabdulaahi iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan ganacsatada Somaliland ee Kenya.
Ganacastadi , Dhalinyaradi iyo Waxgaradkii kasoo qayb galay waxay isku raaceen midnimada iyo wada jirka Jaaliyada Somaliland, kuwaasoo ahaa ku dheeraday inaan tariikhda aan ku lenahay wadanka oo aaynu soo marnay in hada aan xilal ka qabano wadanka waxayna sheegen inay ku deedalayaan sidi aay isugu wada xidhnan lahayeen reer somaliland dhamaantod ayna ka shaqeyn doonaan danaha umadda somaliland.
Xafladaas oo aad loo soo Agaasimey ayaa waxa ka soo qayb galay Xuseen Xasan oo ah Ganacstada Somaliland ee Mombasa, Afhayeenka Jaaliyada Mombasa Xasan Xaaji Maxamed iyo Maamulaha Shirkada Dahabshiill Jamal Siiciid ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay si salmi ah, waana shirkii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Mombasa.
Cabdirashiid Guulled
abdurashiidsheeko_7788@hotmail.com
Togdheernews/Mombasa










Recent Comments