Dhalinyarada Reer Somaliland ee Mombasa oo ka hadlay Dagaalada Ka dhacay Degaamada Sool iyo Buuhoodle.
Mombaasa(Togdhnews)- dhalinnyarada reer Somaliland ee ku dhaqaan magalaada mombasa,ee Dalka Kenya ayaa ka hadashay dagaaladii ka dhacay gobolada bariga somaliland,kuwaasoo ka mujiyay dareenkooda sida ay uga xun yihiin dagaladaas.Hadaba Qoraal Kooban oo ay soo saareen dhalinyaradaasi ayaa waxa uu dhignaa Sidan:
"waxanu ka xunahaay dagaalada soo noqnoqday ee khasaaraha kala duwaan geystay, waxanu u soo jeedininaa dawlada iyo waxagaradka in marka hore shuruud la,aan lagu joojiyo xabada oo aan qori caaradi wax lagu xalin, ee lays kugu yiimado miiska wadahadalka oo lagu xaliyo wixi khilaafaad iyo tabasho ee lagu kala cabaanayo,dawladana waxanu ka coodsanayna inay si kasta oo xal lagu heli karo ku dedaasho oo gogashii Nabadda ee ay ku baaqdayna aan marka waxa dhacaan uun la soo hadal qaadine, dedaalka labo jibaarto, waxaan kale oo codsi walaalnimo u soo jeedinaynaa waxgaradka degaanada Sool iyo Buhoodle waxan idiinka codsanaynaa inaad gogosha nabadda ee madaxweynuhu ku baaqay aad ajiibtan. waayo walaalyaal dagaal wax u xalinayaa ma jirto, oo dhiiga daadanaya u joojisaan ilaahay daarti ,waayo dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho"
magaacyada guudiga dhalinyarada reer somaliland ee magalaada mombasa,
Sa,eed hassan abdalla, abdi ali ahmed, hassan mahamed omar,jamac ali yusuuf,Nasra mahamed dahir, Rooda jamac farah, yassiin hassan qaybdiid iyo weriye abdirashiid obsiiye abdulle
Cabdirashiid Obsiiye…TogdheerNews…Mombaasa..Kenya.





walaalayaal waa mahadsan tihiin baaqiina waana arrin wanaagsan in nabadgelyada laga wada shaqeeyo, laakiin waxaad ogtaan inaan dhulbahante u dagaalamayn wax uu tabanayo, laakiin uu u dagaalamayo dhulkiisa iyo sharaftiisa, tan kale ee aad tiraahdeen ogolaada gogosha madaxweynaha horta dhulbahante Siilaanyo uma aqoonsana madaxweyne waxaanu u aqoonsanahay inuu yahay Guddoomiyaha Jabhadda SNM taasoo duulaan ku ah naftayada iyo maalkayaga , waxaanuna aamin sanahay inaanu xaq u lee nahay inaanu dulmiga diidno oo maya nidhaahna.
Haddii Isaaq la baxo ciidamadiisa nabadgelyo waa la helaya, haddii kale dagaalku waa soconaya.
Midda kale waar niman yohow iska daaya cadaalad darada oo xaqa sheega una sheega reer sheekh Isaxaaq inay gar darada iska daayaan, kuwa la socoda ee Dhulbahante taladooda meel baa la dhigay waana la la xisaabtami doonaa ee sidaas la socoda.
aad ayaa u mahadsan tihiin.
Ilaahay ha ina ilaaliyo dhammaanteen.
Daljir