telesom
logo
logo
logo
|

Waxay u Dabbaal-dagaayeen Bishoodii Malabka, Balse Labaax-badeed baa Ninkeedii Kala Gooyey!

 

Lammaane u dabbaal-degayey bisha ugu horraysa aqal-galkooda ee la yidhaa bisha malabka, ayaa si lama filaan ah libaax-badeed u kala gooyey ninkii qoyskaas cusub, kadib markii ay badda u dabbaal tageen.

Gemma Redmond oo 28 jir, ayaa ka hadashay murugada la soo daristay ee ah libaax-badeedka kala jaray ninkeedii oo la odhan jiray Ian, da’diisuan ahayd 30 jir, iyagoo is-qabay toban maalmood oo keliya.

Gemma oo ah macallimad dugsiyada hose wax ka dhigta, ayaa ka sheekaysay dhibaato kala soo daristay safar ay ugu baxeen dal-xeebeedka Seychelles bishii August ee sannadkii hore si ay ugu soo qataan bishooda malabka, waxaanay maalin ku lumiyeen dalxiiskooda xeebta la yidhaa Anse Lazio oo ku taal magaalada Praslin Island, waxaannu ninkeeda Ian u dhaqaaqay inuu raadsado xeeb kale oo wanaagsan oo ay dalxiiskooda ku qaadan karaan.

“Wuxuu dhex galay biyaha. Waxa ku sugnaa 100 qof, dad badanna waxay ku jireen biyaha, wax digniin ah iyo calaamad ah may jirin. Sidaas umabuu sii fogaan; waxay ahayd baa laga yaabaa 20 Mitir intuu naga fogaaday, waxaan akhriyaayey buug aan leeyahay. Markaan maqlay qaylo iyo cod dheer, waxaan xaqiiqsaday in Ian dhibaato ku sugan yahay, waxaan kaxaystay doon, waxana i raacay laba nin si ay iila caawiyaan Ian, waxaanan arkay inuu si xun oo aad u daran u dhaawacmay,” ayey tidhi Gemma oo ka sheekaynaysay waxa ninkeeda ku dhacay.

Mr. Gemma waxay sheegtay in ninkeeda labadii nin ula carareen cusbitaalka, balse markii cusbitaalka la geeyey u geeriyooday dhiig-bax iyo nabarrada soo gaadhay oo halis ah.

Xeer-ilaaye-ku-xigeenka Seychelles Mr. Alan Walsh, waxa uu sheegay in aanay meeshu khatar ahaan jirin, dadkuna dalxiisi jireen, laakiin arrintani si lama filaan ah u dhacday.

 

Ibraahim Khadar Siciid

 

 

1 Comment for “Waxay u Dabbaal-dagaayeen Bishoodii Malabka, Balse Labaax-badeed baa Ninkeedii Kala Gooyey!”

  1. ax,,axey ax,,allah xaanun badenaa oo naasib xuuma yaa raabi,,,waaxa ise raacen ayaago laamane ah ,,waaxay soo noqotaay iyaado kaali ah ,,maskin ,,,nina inne loo soo jiiro maa ogaa walaahi allow toobade naa waafajii amin ,,amin,,,adee ban ogaa xumahaay qodkaa quruxde baaden walaahi caloosha ii waregtaay sorry ,,sorry ,,sis waa waax laga naaxo

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)