telesom
logo
logo
logo
|

‘Dhalinyaro Badan baa Markaan Tagay wadankii igu Tidhi Ma Xil Baad soo Doontay…..Arintaasi Waa Mid Jirta….Waraysi..Gudoomiyaha Qurbo jooga UK.

 

Lodon (Togdhnews)-Gudoomiyaha Qurbojooga UK,Mr,Rashiid Aadan Dheere,ahna Madaxa hay,adda HAYA,oo ku sugan cariga Ingiriiska ayaa Shabakada TogdheerNews, la yeelatay Waraysi Khaasa,oo ku saabsan doorkii Qurbojooga  Togdheer  ee ka qaybqaadashada horumarka gobolka oo ka gaabiyay ,iyo su,aalo kale oo xiiso  badan.Waxaana Waraysigii u dhacay Sidan:

S-Rashiid waxaad  tahay Gudoomiyaha qurbajooga ee UK,ahna madaxa Hay,adda HAYA,waxaana lagu dhaliilaya

qurbujooga gobolka Togdheer,inay ka gaabiyeen  doorkii ay ku lahaayeen ka qaybqaadashada horumarka  gobolka Togdheer,arintaas maxaad ka odhan lahayd..?

J-Walaal aad baad u mahadsantahay fursadan aad i siiseen ,waxan kale oo halkan ka salamayaa dhamaan madaxda iyo shaqalaha togdheer news waxan ugu hanbalyeyna shaqada iyo xidhiidhka hufan ee ay wadan.Hadaan su’ashaada u soo noqodo anigu oo ka soo jeeda togdheer kuna dhasay magalada Burco.  waxaa marag madoonto ah in ay qurbajoogta gobolka reer togdheer iney habeen iyo maallinba isu taagaan wax ka qabadka deegaankooda ragg iyo dumarba, inkastoo aan odhan karro haweenku waa lafdhabarta, haweenka  waxay isku taagaan wax ka qabadka dhulkooda

wayna ku amaananyihiin haweenka reer Togdheer meelkasta oo ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo iyo  bogaadin, waxaan jecelahay inay sii wadaan intaynu ka gaadhayno hadafkeena , hadaan u soo noqdo hal mid oo  iiga dhex muuqata inta badan shirarka qurba jooga  reer Togdheer oo ah hadal haynta ugu badan waa iyadoo dadka qaar yidhaahaan  intaa dhaqaale baanu bixinaa maxaa lagu qabtay? arintaas oo aan odhanlahaa qofkasta ahoow hadaad moodayso 100,500,1000
dollar oo aad bixisay ay wax ku fillantahay, waxaan ku odhan lahaa markii hore baadan inaad huru marka ka qayb gasho u diyaargaroobin , waayo horumar waxaa lagu gaadhaa muruq, maskax iyo maal midaysan  waxa  lagaaga baahnaa inaad tagto wadankii oo soo eegto baahida hurmarka ee ka muuqata.

 In kasta oo sidaad sheegatay wax ka jiraan hadana waxa jira dad aad u badan oo kaalin muhiima ka qaata  horumarka gobolka iyo wax qabadkiisa, hase ahaate waxa jira dhaliilo badan oo qurba jooga reer Togdheer  ay xanbaarsanyihiin sanadadi ugu danbeyey. Taana maxa keeni kara ayaa la odhan kara, marka loo eego  qurba jog reer Somaliland oo dhan waxad mooda gaabis inuu ka muuqdo reer Togdheer. Waxa ka mid ah markareer Togdheer dhoofan ama ka tagaan gobolka badankoodu dib uma soo eegan, waxanad mooda siiba qurbajoogu inu haduu ugu bato guri ka dhisto, hadii reer ka joogana uu ku dadaalyo sidii u rari lahaa.

Waxakale oo jira qurba joog badan oo reer Togdheer ah oo reera hooddii wadanka debadiisa degan yihiin oo markad weydiiso ku odhanaya aniga ma cidbaa iga joogta, maxa iga galey, tasina  waa wax lala yaabo.Sidoo kalena, waxa cad in qurba joogi reer Togdheer aaney jirin isku xidhanan, wada shaqeyn iyo  iskaashi ka dhexeysa. Taas oo gobolka ku keentay dib u dhac aad u weyn.  Gobolka Togdheer baahi badan baa ka jirta sida Jaadka iyo shaqo la’an ku habsatey dhalinyaradii siiba reer Togdheer, ardeydii jamacadaha iyo schoolada ka baxaysey oo bilaa camal ah. Maanta nin kasta iyo gabadhkasta oo ka soo jeeda Togdheer waxan kula talin laha ku dadaal sidii aad wadanka iyo gobolka wax u tari lahayd ,waayo hora loo yidhi 'Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.'

 

S- way jiraan xubno ka mida qurbajooga Togdheer oo ka hirgaliyay Burco,mashaariic dhinaca

Beeraha,Biyaha, Huteelada,balse waa xubno kooban,Ma jirtaa  wax qorshe ah oo qurbajoogu ugu tala galay inay kaga qaybqaataan horumarka iyo dadaalka loogu jiro  horumarka gobolka. ?

J- Xaqiiqan waxa jira xubno aad u dadaalaya oo ka soo jeeda gobolka ku waas  oo ka fuliyey wershado,mashruucyo ama ka furey wax barasho  private ah. Waxa kale jira qurbajoog ama gobolka degan oo aad u  dad daayala. Waxan dhamaanteen ugu hambalyeyneyna iney sii wadan dadaalka,  waxan dhamanteen ogsoonahay iney Togdheer tahay laf dhabaraka Somaliland  waayo waa gobolka taarikhiya oo lagu yaqaano waxsoo saar badan ,sida wershada, Beeraha, Xoolaha iyo weliba baayac mushtarka.  Hadaba dad badani wax wey qabteen laakin sida ay aniga ila tahay wey is dhintey wax tarkii bulshada. Wey jirtaa bulsho badan oo  rabta iney Togdheer wax geeyan ama wax u qabtan lakiin waxay u bahan yihiin dhiiri gelin ama hor u kicid.

 

S-  waxa jira qurbajoog badan oo marka  ay yimaadaan,mashaariicdooda iyo guryahoodaba ka dhista dhinaca caasimada,arintaas sidaad u aragtaa?

J- Aritaasi waa arin jirta, waana wax is weydiin leh, laakin anigu waxan aaminsanahay iney khalad tahay  waayo, nin walaba hadii uu gobolkisa dhaqaale geliyo waxa ka fa,iideysan kara bulshada ku nool gobolka. Qaarada Africa dhibaatada jirta waxay tahay in wax walba magaala madaxda la geeyo ayaa lagu yaqaana markaa dhaqalahii  wadanka dhex meeraysanayay in magaala madaxda soo dhaafin. Sababaha kale ee keeni kara waxa weeyan badanaa qurbo joogu marka uu wax dhisanayo ama bayac mushtar noqonaya dabo ka wer wer  ayey qabaan hadii aad is tidhaahdo beri iibi,,oo ma laga iibsan iyo weliba xisaabin kale oo ah maxad fa,iido ka heli  kartaa. Hadaba waxa qurba jooga reer togdheer ku boorinaya iney u soo jeestaan  gobolkooda oo ay  Cisbitaalo, iskuulada farsamada gacanta iyo bayacmushtaro ka sameeyaan.

S- Qurbajoog badan oo laga sugayay  inay  bulshada u soo kordhiyaan mashaariic shaqo abuur ah,ama  horumar ah,ama ka qaybqaadashada horumarka dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarshada,ayay waxa  kaliya oo  ay soo raadsadaan sidii ay xilal uga  heli lahaayeen xukuumada, taasina waxay niyad jab ku keentaa bulshadii dalka joogtay,oo rajaynayay in aqoontoodii iyo cilmigii aysoo barteen wax badan ugu soo kordhiyaan dalkooda taasi sidee kuula muuqata.?

J-  waa su’aal mahiim ah, sanadkii la soo dhaafey waxaan booqasho ku imi Somaliland . Waxan la kulmey dhalinyaro aad u farabadan oo aan kula kulmey Hotelka mansoor(Hargiesa) iyo Barwaqo(Burco) waxay  dhamantooda I weydiiyeen ma wasiir baad soon doonatey , markan sii weydiiyey waxay igu jawabeen shaqooyinkii waxa naga qaadey qurba jooga oo meelihi mihiimka ahaa loo wada dhiibey, waxa kale oo ay  intaa ku dareen anagu xagee shaqo u donaneyna. Anigu waxan rumeysanahay qurbojoogu inuu khibrad badan iyo aqoon dheerada wato oo  horseed u noqon karo ,hurumarka gobolka ama wadanka dhamantii.

Laakiin hadaan xukuumada yara eegno ,waxad mooda in qurbojoog aad u dadaalayaan ku jiraan,  laakin qaar ay aqoontoodu aad hoseyso ama khibrad badan lahayn meelo aaney u qalmin loo dhiibey. Aragtideydu waxay tahay in kaalmaha muhiimka ah loo dhiibo dadka xogogalka ah ee wadanka joogey, sidoo kalena aqoon u leh waxa looga baahan yahay.

Anigu waxan kula talin lahaa xukuumada iney il gaara ah u yeelato dadka aqoonta leh ee degan wadanka, oo tababaro loo furo sidii ay shanta sanno ee soo socda qayb laxaad leh uga qaadan lahayeen hurumarinta wadanka. Hadii aanay taasi dhicin waa wax maanta niyad jab ku keeni karta dhaman dhalinyarada reer  Somaliland siiba bulshada reer togdheer, oo sanadadii ugu danbeeyey tahriibku aad ugu badana.

Waxalooga fadhiya raga iyo dumarka qurbajooga ah ee wax soo bartey iney mashruucyo hurumarin ah ka gaysataan wadanka.

S- Maxay tahay fariinta aad ugu dambaynta u diri lahayd  qurbajooga Togdheer,ee aad ka mid tahay adigoo  ka faaiidaysanay fursadan.?

J- Sidaan kor ku soo sheeagay waxan farayaa qurbojooga, aduunkii wuu is bedelay horumar iyo tacliin baa la tiigsanaya, waxana lagu dadalayaa in hore looga gudbo baahida iyo jahliga. Qurba jooga reer togdheer  waxan faraya sanadadii hore siyasad ayaad lacag ku bixin jirteen sanadkan iyo sanadka danbe inaad lacag  ku bixisan hurumarka tacliinta, iyo shaqo abuurka. Reer UK waxan faraya inay isku dubnaadan oo meel uga soo wada jeestan hurimarinta gobolka, lana tartamaan gobolada kale ee wadanka. Gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan.

 

Qurba jooga ku howlan wax qabadka gobolka ama wadanka halkaa ka sii wada ilahayna ha idinla qabto anagu  waanu idinku garab taganahay. Ugu danbeyntii, waxan salamaya dhamaan qurbo jooga, ururada samafalka ee ka shaqeeya dhamaan Somaliland

gaar ahaan gobolka togdheer oo ay ka mid yihiin.J-SAYNA, SOYA, TAYO iyo kuwa kale ee anan halkan ku soo  koobi kareyn,Waxaan Kaloo aan Salaamayaa  Reer Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan.

 
TogdheerNews….Burco
 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)