Togdheer News » Maqaal iyo Aragti
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Intuu Ku Hawllanyahay Sii-daynta Gacan-ku-dhiiglihii Aabahayo Dilay Waxa Uga Haboon Isagoo 13-kayagii Uu Marxuumku Ka Tagay Badhka Geeya. By C/salaam-Abuhurayra
Ugu horreyn waxaa mahadoo dhan iska leh Ilaahay (SWT). Marka xigtana waxaan u mahad-celinayaa bulshadayada qiimaha badan ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku kala sugan, ee ka damqatay dhibaatada nagu dhacday ee haatanna lanoogu biiriyey dibin-daabyooyin lagu rabo sidii loo fakadsiin lahaa Gacan-ku-dhiiglihii Aabahayo dilay.
Wax la ogaa iyadoo marar dhawr ah aanu warbaahinta marinay isla markaana xafiisyadii ay khusaysay u gudbinay, digniino iyo cabashooyin xooggan  oo aanu kaga dardaar-werinay, Shirqoollo dhagaraysan oo ku xidhiidhsan isla Shirqoolkii Aabahayo lagu khaarajiyey taariikhdu markay ahayd 22/02/2005.
Ma
illawno maalintaasi iyo masiibadii nagu habsatay. Qoyskayagu caruur yar-yar ayey u badnan yihiin, goobihii waxbarashada ayey xilligaas uun kasoo rawaxeen, qaarkoodna jidkay kusoo jireen. Miridho gudahood waxaa nasoo gaadhay Warkan dhiillada ah ee sheegayey Dilka Aaabahayo. Wax yar ka bacdiba, waxaanu gaadhnay goobtii, waxaanan ka dul-dhacnay Aabbahayo oo Mayd ah oo si aad u fool-xun oo axmaqnimo ah Rasaas madaxa lagaga shaandheeyey, dhiigguna qulqulaayo oo tin iyo cidhibna uu qariyey. Sidoo kalena gaadhigii u watayna ay xinjirihii dhiiggu dhan walba u dhaafeeen una dareereen. Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyo Aaabbahay xilligaasi wuxuu kusii socday Masjidka.
Ma aanan jeclayn soo hadal-qaadka dhacdadaasi oo maankayaga degtay, goor walbana na hor-taagan. Si alla si aan maskaxdayada uga saarnana aanu garan laanahay. Waxaase noogu biiray wer-wer iyo walbahaar nagala soo dersay dhanka Maxkamadda Sare, gaar ahaan wixii ka dambeeyey hadidaadyo aanu kala kulanay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil, oo si toos ah iyo si dadbanba noogu caddeeyey damaciisa ah sidii uu u sii dayn lahaa Gacan-ku-dhiigliha u xidhan fulinta dilkii aabahayo. Kaasoo ku xukuman Xabsi-daa´in, inkastoo maxkamaddii hore ay cadaaladda waafajisay kuna xukuntay Dil Toogasho ah.
Godob ay agoontayadaasi ka gashay Guddoomiye Yuusuf ma jirto. Hadana tan iyo intii la magacaabay, gaar ahaan intii Kiiskan dhaq-dhaqaajintiisa uu toos u bilaabay, wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay, sidii uu u sii dayn lahaa Gacan-ku-dhiiglihii bururiyey xinjirtii Aabayo.
Rag ka mid ah kuwo aanu u tuhunsannahay inay ka dambeeyeen Shirqoolkii Aabbahayo lagu dilay, ayaa sidaanu marar badan oo horeba soo sheegnay ugana dignay, waxay abaabuleen Odayaal ay u dhiibeen wax ay ku sheegeen Mag. Kuwaasoo doonaya si khiyaanaysan inay ugu soo furtaan isla markaana ugu fakadsiiyaan, Gacan-ku-dhiiglahan xidhan ee fuliyey Shirqoolkii ay maleegeen ee Aabbahayo lagu dilay.
Qayla-dhaantayadii iyo Digniinahayagii aanu Maxkamadda geynay 21/02/2012, inta dhagaha laga furaystay, ayaaba la isku shubay Maxkamadda Sare, waxaanay Odayaal abaabulani dalbadeen in lasii daayo Gacan-ku-dhiiglaha, iyagoo ku doodaya in la heshiiyey Mag-na lakala  qaatay. Odayaashaasi waxay garab-sanayaan Shirqool-wadayaashii oo iyaguna is-muujiyey.
Inkastoo dabacsanaan badan ay Shirqool-wadayaashu ka haysteen dhanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo ay aad ugu dhiiranaayeen, hadana Ilaahaybaa fashiliyey oo been-abuuradkii ay la tageen wuu u socon waayey. Annaguna haddii aanu nahay Agoontii, ma aanaan yaraysan oo Media-yaha iyo meel walba waan ka sheegnay go´aankayaga.
Kudaygaa hore markuu fashilmay ayaa maalin maalmaha ka mida uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Kulan gaar ah igula yeeshay Xafiiskiisa. Waxaana kulankaasi ku weheliyey ku-xigeenkiisa iyo qaar ka mida garsoorayaasha Maxkamadda Sare. Kulankaasi oo qiyaastii Rubuc Saac qaatay, ayuu guddoomiyuhu iigu soo bandhigay dulucda uu iga leeyahay, Waxaanu ii sheegay inuu doonayo Codsi ah, in Magta aanu qaadanno, gacan-ku-dhiiglahana iska Cafino. Anigoo Codsigaasi aanan u qaadan wax xumaan ah ayaan guddoomiyaha ugu celiyey go´aankayaga iyo halka aanu ka taagannahay. Waxaanan u sheegay, Wax Mag ah in aanaan qaadanayn, Hadh iyo habeenna aanu ugu hawllannahay annagoo Maan, Muruq iyo Maalba hurayna sidii lanoogu qisaasi lahaa Gacan-ku-dhiiglahaasi bururiyey xinjirtii Aabbahayo.
Codsigii guddoomiyaha Maxkamadda Sare, markuu noqon waayey sidii uu jeclaa, ayaa shirqool-wadayaashii hadana soo jileen weji kale. Waxaana 14/09/2012, la iiga yeedhay Maxkamadda Sare. Hoolkii weynaa ee dacwadaha ayaa aniga iyo Shirqool-wadayaashii lanoo furay. Guddoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo Garsoorayaasha Maxakamadda Sare ayaa ila boobay Su´aalo darandoorriya, oo salka ku haya Beentii Shir-qool-wadayaashu dhoob-dhoobeen ee ahayd Mag-bay qaateen. Waxaan anna goobtii ka caddeeyey Been iyo Jiidhsiin inay yihiin waxaa ay sheegayaan Shirqoolwadayaashu, anigoo jawaabahaygii kusoo af-meeray hadday run sheegayaan hanagu soo caddeeyaan.
Ileen Beenaale Markhaatigiisuu fogeeyaaye, Fashil kale dabadeed, waxay Shirqool-wadayaashii miciin bideen oo ay yidhaahdeen "Odayaashiisii oo Itoobiya jooga Magtana aanu u dhiibnay ayaanu u yeedhiye, wakhti hanala siiyo", Waana laga aqbalay waxaanay Maxkamaddu siiyey wakhti ku filan.
Ballantaa hore iyo dhawr ballamood oo kale markii ay waxba ku keeni waayeen, guddoomiyaha Maxkamadda Sarena dhawrkii jeer ee ballamaha la qabtay oo aan xaadiri jiray Maxkamadda laasimna ahayd inaan  isaga wax weydiiyo uu guddoomiyuhu, anigaygii daalac ii raaco isla markaana hadallo deelqaafa oo aan qaban dhibbanahaygan dulman igula dul-dhaco, ayaan goostay inaan dhabarka u rito hawshii loo diray Shirqool-wadayaasha, oo maalintii u dambaysana fara-madhnaan la shir yimi Maxkamadda. Waxaanan Maxakamadda u ballan-qaaday inaan Odayaashaasi aan wakhtiga ugu dhakhsaha badan ku keeno, si Shirqool-wadayaasha Mar-marsiiyahoodu usoo af-jarmo. Wakhti iyo Adduunkastoo igaga baxayba Odayaashii keenay, balse intaa kadib maxaa dhacay?
Odayaashii markii ay hor-yimaadeen Maxakamadda. Waxna la waydiiyey ayaa waxay  caddeeyeen wax Mag ah agoontu in aanay qaadan oo beri´ ay ka tahay, isla markaana aanay ogolayn xasaasiyadna ka qabaan Magtaasi iyo soo hadal-qaadkeedaba. Iyagoo maalintii xigtayna intii ay Maxkamadda ka hor-sheegeen oo Qoraal ah kuna saxiixan yihiin, ay guddoomiyaha Maxakamadda Sare farta ka saareen, una sheegeen dhibaatooyinka ka iman kara Shirqoolka la wado.
Waxa halkaasi isna kusoo idlaaday, wejigii kale ee Shirqool-wadayaasha iyo intii kula socotayba ay soo jileen. Ilaahay uunbaa garan waxa meesha ka socda´e, waxaa hadana la daah-furay weji cusub oo dardartiisa wata, si toos ahna uu bud-dhige uga ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil.
Qawl iyo Qoraalba markay Odayaashii ku sheegeen siday wax u jireen kuna beri´ yeeleen agoontii, ayuu Guddoomiye Yuusuf aad u cadhooday, isla markaana isagoo xanaaqsanna ay jawaab-celintiisii noqotay, is-muujin badheedh ah. Waxaanu goobtii isagoo hanjabaya uu kaga dhawaaqay, Dibu-eegis inuu ku samaynayo xukunkii Gacan-ku-dhiiglaha ee Shanta Sanno ka hor uu Shinkiisii dhammaaday.
09/03/2013 ayey Maxkamaddu u fadhiisatay Dibu-eegistii uu guddoomiyuhu noogu hanjabay. Iyadoo maalintaasi Maxkamadda la dhoobay Booliis aad u fara badan, kuwaasoo nooga dhaartay inaanu foodda gelino Maxkamadda, Kiiskayagana dhagaysano. Tallaabadaasi oo aanaan baciidsan, maadaama dagaalka ba´an cidda nagu haysa ee dulmiga noola soo badheedhay, Shirqool-walayaashuna garabsanayaan uu yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil. Sidii aanu maalmahaasiba u soo gudbinay, wuxuu arrinkayagii noqday "Waxa la yidhibaa La Yidhi" Waxaanu qareenkayagii noo sheegay, in dooddii looyarka gacan-ku-dhiigluhu ahayd, "Mag-baa lakala qaatay". Markii la su´aalay cidda kala qaadatayna ay jawaabtii noqotay kuna af-go´day "Odayaashii Reeraha", isagoo waraaqo ay ku saxiixanyihiina halkii kusoo bandhigay. Mar kaloo la waydiiyey Heshiiskaasi cid uun inay kaga jirto Agoonta Ilma Cismaan Cumar-jeex iyo Hooyadood? Ayaa jawaabtiisii oon baydh-baydh lahayni noqotay MAYA. Kadib Qareenkayagii ayaa siduu noo sheegay isna Maxakamadda hor-dhigay, go´aankayagii aanu horreysuti dambaysaba taagannahay, oo ah In Lanoo Qisaaso Mooyee In Aanaan Wax Mag Ah Qaadan, haddii aanu nahay ubadkii uu Marxuumka ka tagay iyo Hooyadood.
Waxa kale oo Qareenkayagii uu daboolka ka qaaday, in lacagahaasi la sheegayo ay Odayaashu qaab khiyaamaysan u kala qaateen oo aanay khusaynba gacan-ku-dhiiglaha xidhan. Waxaanay Waraaqihiii Maxkamadda la keenay sheegayeen in 82% lacagahaasi lakala qaatay taariikhdu markay maraysay 20/02/2013, xilligaasi oo ahayd muddo yar kadib markii guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhawaaqay Dibu-eegista.
Maxkamadda Sare iyadoo dibu-eegistii ku guda jirta ayey hadana 04/04/2013 u yeedhay Odayaashii xigtadayada ahaa, waxaanay Odayaashii ay mar kale Maxkamadda horteeda ka caddeeyeen sidii ay wax u jireen iyo sida aanay agoontu Wax Mag ah u qaadan una diidan yihiin horreysiyo dambaysaba, looguna taag waayey. Waxaanay Odayaashu ay Maxkamada u soo jeediyeen inay aqbasho dalabka AGOONTA ee kasoo yeedhayey tan iyo maalintii aabahood la dilay, oo ay u Qisaasto gacan-ku-dhiiglahan aabahood dilay ee la hor wad-wado, laguna weyrixanayo. Intaas ka bacdi Maxkamadda oo Odayaasha ka dalbatay inay keenaan lacagtii lagu wareejiyey, maadaama Agoontu ay bari´ ka yihiin oo aanay ogolayn, ayaa waxay Odayaashu ugu jawaabeen "Lacagtan Odayaal ayaa heshiis ku kala qaatay imikana haddii lala kala noqonayo Odayaashii uunbay u taalaa".
Maalintaasna Maxkamaddu sidaasi ayey kusoo dhammaatay, waanay kala fasaxday Odayaashii, oo dhawr jeer Yeedhmadooda isku soo xil-qaamay ugana yimi dalka Itoobiya oo ay deggen yihiin. Intaa kagadaal maxaa dhacay? U Fiirsada Walaalayaal, waayo waa dulucda aan u socdo ee igu kalliftay inaan Qalinka u qaato Qormadan oo aanan jeclayn inaan qoro balse ay dantu igu kalliftay markaan ka geyn waayey, ee fajacisadu nagu habsatay.
Xaqiiqada oo caad-na aanu saarnayn waxay maxkamaddu ogaatoba, hadana waxaan meesha laga saari karin, doonistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu ku rabay inuu xuquuqdayada ku duudsiyo oo uu oodda kaga guro Gacan-ku-dhiiglaha, kaasoo halgan adag uu ugu jiro sii dayntiisa. Anoo taasi og, maalin walbana isleeyahay tolow maxkamaddu xaggeebay hadana ka fad-kudin, ayaan maalin aan fogayn aan mooganaan ku tagay maxkamadda. Maalintaasoo ahayd 07/05/2013, waxaana Waraaq ii dhiibay mid ka mida garsoorayaashii kiiskan waday.
Waraaqdaasi oo ah ta amakaaga nagu ridday, ujeedadeena aanaan fahmin ilaa hadda, ayaa tixraaceedu ahaa MS/DB/C/02/012. Waxaana Cinwaan looga dhigay "QARAARKA MAXKAMADDA". Iyadoo lagu socodsiiyey Odayaashii ay dhawrka jeer maxkamadda hor-keeneen. Isla markaana Og ama Ogaysiina ay raaciyeen kuna sunteen Agoonta Ilma Cismaan Cumar.
Warqaddan oo Shan Garsoore ay ku saxiixanyihiin ayaa waxaa lagu farayaa Odayaashaasi, inay muddo 14 Cisho ah gudahood oo ka bilaabmaysa 07/05/2013, ku keenaan Magtii ay qaateen taariikhdu markay ahayd 20/02/2013. Waxa intaasi la raaciyey, qoraalkaasna lagu soo gunaanaday labadii layn ee noogu layaabka badnaa oo ah "Haddii Muddadaasi Lagu Keeni Waayo, Waxay Maxkamaddu U Qaadanaysaa In Aad Qaadateen Magta, Arrinkuna Heshiis Ku Dhammaaday".
Maadaama Maxkamadda iyo cid walba ogtahay go´aankayaga cad ee wax caad ahina aanu saarnayn horreysiyo dambaysayba, bari´na aanu ka nahay waxaasi ay mal-malluuqdeen una gaarka ah Odayaal Shirqool-wadayaal ah oo ujeedo dhagaraysan wax u bixiyey iyo kuwo si khaldan uga guddoomayba, ayaa waxaan isweydiinay, haddii aanu nahay agoontiina uu maankayagu ka ladi waayey "Cidda Maxkamaddu ay leedahay waxaan u qaadanaynaa inaad qaadateen Magta, arrinkuna heshiis ku dhammaaday".
Yaa lacagta qaatay, heshiiskana galay? Odayaashu se, haddii lacagtan la sheegayo ay keenaan iyo haddii aanay keenin-ba, maxaa la gudboon Maxkamadda? Marinkoodu ma wuxuu noqonayaa sida qoraalkaba laga dheehan karo, Agoontaa Misko La Fuullo Leh, oo u fudud jiidh-siin iyo is-hamba-raacinba.?
Warqaddan markii la ii dhiibay, ee ujeedkeeda aan fahmi waayey, ayaan u geeyey Qareenkayagii, markuu akhriyey isaguna, wuu yaabay. Waxaanu soo waydiiyey garsoorayaashii qoray, kadibna wuxuu ii sheegay inuu garsooruhu qiray khaladka ku jira, gaar ahaan Labada Layn ee hoose. Mar Garsooraha aan aniga laftaydu waydiiyeyna waxa uu ii sheegay in Maxkamaddu ay ogtahay in Agoontu aanay Shaqo ku lahayn Magtaasi, balse Odayaashii loo dhiibay uun ay ka dalbayaan inay soo celiyeen.
Haddaba ilaa hadda Maxkamaddu si cad uma aanay caddayn ujeedka waraaqdan, waxaana marka la rog-rogo siday u dhigantahay ay dulucdeedu ku arooraysaa uun, dhamaystirka dagaalkii iyo doonistii guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Waayo, intii uu kiiskani socday waxyaabaha aan ka xasuusto ee maankayga aan ka guurin waxaa ka mida:
Haddii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, uu ilaa hadda ku hawllan yahay sidii uu Gacan-ku-dhiiglahaa u sii dayn lahaa, waxaa uga habboon annagana nooga fiican in uu Badhka na joojo. Waayo walaalayaal intii la qaylin karayey waanu qaylinay, kana dignay Shirqoolka laga wado meesha, hadana waxaasoo dhami ma qudh-qudhsana.
Guntii iyo gebo-gebadii, waxaan ka codsanayaa bulshadayada gudo iyo dibad-ba inay noo soo duceeyaan, cidkastoo xaqayaga rabta inay duudsidana Ilaahay u baryaan inuu naga qabto. Waxaanan Insha Allah dhawri doonaa dabayaaqadan bishan go´aanka Maxkamadda Sare oo si weyn loo sugayo, dad badanina naga soo waydiiyaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra), Oo Metelaya Kuna Hadlaaya Afka Agoonta Ilma Cusmaan Cumar-jeex Oo Ka Kooban 12 Ruux Iyo Hooyadood.
salaanmuctasim@hotmail.com.
hambalyo meher
waxa halkan tahniyad ka direya dadka kala ah
hooyo xaliima warsame cali
cabdiraxmaan cawed cali sanyare iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa
xaawo cawed cali
maxamed cawed cali iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa
amina cawed cali iyo caruurteeda
cumar cawed cali iyo caruurtiisa
sahra cawed cali iyo  caruurteeda
siciid cawed cali iyo caruurtiisa
maryan cawed cali iyo caruurteeda
saynab caweed cali iyo caruurteeda
xasan cawed cali iyo caruurtiisa
xuseen cawed cali iyo cali cawed cali iyo
caasha cali maxamed  xasan  waxay tahniyad u direyaan  boqorka cali maxamed cali dayr iyo boqorada  nashaad maxamed maxmuud cabdi gaas  oo meherkoodu ka dhacey  15 05 2013  magaalada hadaaftimo waxaan leyahay ilahay haydiinka dhigo reerkii lagu farxo ubad khayr qabana ilahay haydin kal siiyo amiin main amiin barakalaahu laka waabaarka calayka wajamaca baynakuma filkhyarilahay waxan idinka baeryayaaa in uu bashbash iyo barwaqo idinku gadhsiiyo aqalgalkinanan ameen ameen
weriye: mohamoud hamud badle
SSUK: Hanbalyo Munaasibadda 18 May
Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) waxay iyadoo kala gayb galaysa shacbiga Somaliland meel kastoy joogaanba farxada iyo dabaaldega 18 May,  maalinta qaaliga ah ee aynu  dib ula soo noqonay gooni istaageena iyo xornimadeena.
Waxaanu halkan uga soo gudbinaynaa salaan aan la koobi Karin Madaxweynaha iyo shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland,  anagoo u rajaynaa inuu ilaahay inagu gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa horumar iyo inagoo xubin buuxda ka noqona QM.
Allaa Mahad Leh,
Abdalla Salim.
Gudoomiyaha SSUK
Xuska 18ka May Iyo Duurxulkii Madaxweynaha Soomaaliya ByXasan Hoori
18kii May 2013 oo ku beegnayd sannad-guuradii 22aad ee la soo noqoshada qaranimada Somaaliland waxaa si weyn looga xusay dalka gudahiis iyo jaaliyadaha shanta qaaradood. Yididiilada iyo farxadda waxaa Somaaliland la wadaagay inta badan qoomiyadaha Somaaliyeed meel kasta oo ay joogeen iyadoo dawladaha qaarkoodna u soo direen madax ka qayb gasha munaasibadda. Hase ahaatee, waxaa ayaan-daroo weyn ah Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaaliya in uu warbaahinta ku firdhiyay afxumo uu ugu duur xulayay xuska 18ka May.
Madaxweyne, Xassan Shiikh Maxamuud isagoo ka hadlayay xarun Turkigu u dhisay Agoomaha waxaa uu warfaafinta soo mariyay farriin dulucdeedu ahayd in dadka reer Somaaliland ka waantoobaan waxa uu ku sheegay Caadifadda isagoo ku guubaabiyay in la gaadhay xilligii dib loo yagleeli lahaa midnimada Somaaliya tasoo uu ku sheegay inay tahay MUQADAS ah.
Waxaan qabaa Madaxweynaha Somaaliya inuu dib u liqi laha erayada laabtiisa ka guuxayay haddii uu garasho u leeyahay saddex arrimood oo uu ku xisaabtami karo masuul kasta oo farriin u gudbinaya UMMAD ama QARAN.
1.      Aflagaadada Madaxweyne Somaaliya waxay si toos ah ugu dhacday dhegaha iyo quluubta dhammaan dadka reer Somaaliland kuwaasoo 18kii May ku jeeni-qaarnaa calanka iyo astaamaha Somaaliland oo tilmaam u ah nabad taam ah, dawladnimo taabbo qaaday, kala-danbayn, iyo horumar. Hase ahaatee Xassan Shiikh Maxamuud isagoo ka gaabiyay inuu si fog wax u jeedaaliyo, 18ka May waxay ugu muuqatay in reer Somaaliland Caadifad u jeeni-qaaran yahiin iyo in ay ka madhan yahiin garaadka iyo aragtida ay ku maarayn karaan runta iyo xaqiiqada maanta taagan.
2.      Xassan Shiikh Maxamuud, mar labaad, weedhiisa waxaa uu ka soo jeediyay Xarun loo dhisay Agoomaha, balse, waxaa uu ka baaqsaday inuu garto xilka ka saran agoomaha uu hortaagnaa iyo inuu isweydiiyo waxii ay ku dhinteen waalidiintoodu, isla markaana, waalidiin bandan ay u  goblameen. Waxaa la rabay inuu ka hawl galo in aan mar danbe ubadka Somaaliyeed aanay la soo dersin duruufaha ubadkaa soo maray. Sidoo kale, Madaxweynahu waxaa aanu dhaadin dadka reer  Somaaliland ee uu farriinta u dirayo in 70%  ay yahiin dad dhallinyaro ah oo intooda badan ku agoomoobeen ama ku waxyeeloodeen dhibaatadii laga dheefay midnimada Somaaliya.
3.      Mar kale, Madaxweynaha waxaa maankiisa ka maqnayd xarunta uu hadalkiisa ka soo tebinayay inay u dhiseen Turkiga oo ahaa kuwii dhexdhexaadiyay heshiiskii Istanbuul iyo Ankara ku dhex maray Somaaliland iyo Somaaliya. Waxaana uu u badheedhay inuu ka talo baxo ballankii uu hortooda ku galay.
Dhinaca kale, xilliga uu Xassan Shiikh Maxamuud u gefayay shacabka iyo xukuumadda Somaaliland, isla amintaa ciidankiisu waxay ku foognaayeen inay xoog ku kala dsreeriyaan inta badan barlamaankiisu oo ku shirsanaa Hudheel. Waxaa u taallay inuu ka hawl galo Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galguduud, Mudug, Bari iyo Nugaal oo dhammaantood dhabarka u soo jeediyay maamul xumadiisa. Waxaa kaloo loogu fadhiyay inuu agaasimo mooshinka kalsoonida laga la noqonayo xukuumadiisa.
Run ahaantii Madaxweynahu waxuu u muuqdaa qof xilkiisii gabay oo dan mooday in uu dhabarku ku qaado xil ka sii culus kan uu hadda la kacaa kufayo. Sidaa darteed, waxaa talo fiican noqon lahayd haddii uu garawsado in aanu isku raran xamuul aanu lahayn sharciyad, awood  iyo garsho uu ku qaadi karo.
Waxaa xusid mudan Madaxweynahu dhowaan markii uu Madaxweynahu la kulmay jaaliyadda Somaaliya ee London waxaa madasha talo uga soo jeediyay wiil yar (Aniis) oo toban jir ah kasoo ugu baaaqay, “Madaxweyne ma heli doontid amaanta dadkoo dhan, balse, iska ilaali naca dadkoo dhan.”
Nasiib-darro Madaxweynahu kama daadeign dardaarankii qumanaa ee wiilka yar. Madaxweynahu isagoo aan xilka haynin 7 bilood durbaba waxaa uu kasbaday naca gobolo faro badan oo dalkiisa ka mid ah. Maantana waxaa uu ku sii kordhiyay eedda, godobta iyo naca 3 milyan oo reer Somaalinad ah.
Bulshoweynta Somaaliyeed waxay si soke u dhowri doonaa daruufaha Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhammaysan doono sannadkiisa kowaad. Waxaana aan filayaa, Allah kama dhigee.  haddii aanu wax ka bedelin dhaqanka muuqda inuu ummadda ku shubo doono god ka sii madow badan kan hadda laga soo qodayo.
Xassan Cumar Hoorri waxaa uu yahay suxufi deggan Hargeysa. Waxaa uu wax ka qora arrimaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania.
Faallo: Qalinkii Xassan Cumar Hoorri
e s h i TO You Somaliland needs to be prepared to thwart new threats from Somalia
Somaliland needs to be prepared to thwart new threats from Somalia
http://www.medeshivalley.com/2013/05/somaliland-needs-to-be-prepared-to.html
Ka-faaiidaysiga Khayraadka Dabiicigaa Ee Dalka Somaliland W/Q:C/rashiid Axmed Guuleed
In dhawaydba waxa muuqata in bulshada caalamku (international community) ay u soo jeesteen
inay ka shaqeeyaan sidii looga faaiidaysan lahaa khayraadka dabiiciga ah ee Afrikada saxaraha
ka hoosaysa ku duugan. Waxaad moodaa in gobolka Afrikada Bari si gooni ah ay diiradu u saaran tahay oo loo badinayo in laba daraadle khayraadka dabiiciga ahi uu aad ugu badan yahay. Sababaha maanta ay bulshada caalamku ugu soo tafa xaydatay soo saarida shidaalka ama dahabka madaw ee qaarada Africa waxa ugu muhiimsan iyadoo qiimaha shidaalka ee
suuqa caalamku uu aad kor ugu kacay dhawrkii sanno ee ugu danbeeyey. Iyadoo sababtaa laga
duulayo ayaa Somaliyana si gaar ahaaneed loogu soo jeestay oo iyadoo dawlada Xamar aanay itaal badan haynin hadana bulshada caalamku ay bilaabeen inay ula dhaqmaan sidii dawlad buuxda oo maamuuskii ay dawlad wadankeeda hanatay lahayd oo dhan lasiinayo. Waxaas
oo dhan waxaa keenaya baahida loo qabo in degdeg loo helo maamul la ictiraafsan yahay oo kontraatyo shidaal lala saxeexdo. Ingiraaskaa yidhaahda “there is no free meal” oo ka dhigan “ma jirto cunto bilaash laysu siiyaa”. Bal markaa iyadoo maanta uu caalamku jacaly wayn u qabo inuu lasoo baxo shidaalka iyo khayraadka kale ee Africa, isla markaa ka faaidaysiga khayraadka
dabiiciga ahi uu leeyahay khilaafkiisa iyo dhibkiisa, aynu isweydiino suaasha ah Somaliland
maxaa la gudboon?
Khilaafaad Dabiici ah oo ku Lamaan Khayraadka Dabiiciga ah
Somalialnd culayska maanta saarina ma yara. Laba culays oo waaweyn ayaa xaaliyan Somaliland mar qudha lasoo wada darsay. Kow, dawlada Xamar ka hilaacday oo imanka Somaliland la
bilawday sidii wixii iskaga jira Somaliya iyo Somaliland loo kala furdaamin lahaa. Laba, loolanka loogu jiro soo saarka iyo ka faaiidaysiga shidaalka oo isaguna culayskiisa iyo khilaafkiisa soo
kordhinaya. Marka hore bulshada caalamku orodka ay ugu jirto ka faaidaysiga khayraadka Somalia ayaa keenaya in xukuumada Xamar ay iyana xiisahaa iyo orodkaa ay ka faaidaysato oo markaa ay bulshada caalamka hor dhigto shuruudo ay ka mid tahay in laga caawiyo sidii ay somaliyadii hore ay gacanteeda ugu soo celin lahayd. Hawada Somalia maamulkeeda nagu soo wareejiya hadaanu Xamar nahay ayaa ka mid ah
shuruudaheeda. Markaa orodka loogu jiro soo saarka shidaalka Somalia iyo khilaafka uu ku keeni karo beelaha somaliyadii hore dhexdooda, ayaa waxa la mida orodka ay Xamar ugu jirto inay lasoo noqoto 18kii gobol ee uu Siyaad ka tegey. Marka dhinac layska dhigo khilaafaadka labada Somaliyeed kaga iman kara isfahamwaa xaga gooni-isu-taaga iyo midnimada midba dhinacuu wax-u-wado, waxa ka wayn khilaafka ka
iman kara soo saarida shidaalka iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah. Reer galbeedka ayaa Africa ku xanta in aanay lahayn maamul wanaag isla markaana marlayba ka faaiidaysiga khayraadka dabiiciga ahi ay laga maarmaan tahay inuu ku keenayo khilaafaad. Dalka maanta Africa ugu qanisani waa Democratic Republic of Congo ama Congo Zaire. Isla markaana waa meesha uu maanta ka jiro khilaafka Africa ugu xooga badani.
Xeerar loo Baahan yahay
Markaa maxaa Somaliland la gudboon? Horta khilaafka u dhexeeya Xamar iyo Hargeisa ee aad moodo in bulshada caalamku aanay dhamaynteeda daacad ka ahayn, waxa loo baahan yahay
in xukuumada Somaliland ay tacaamulkeeda u waajahdo si ay xikmadi ku dheehan tahay isla
1.markaana caadifada ka fog. Somaliland waa dawlad hayadaheedu u dhamaystiran yihiin oo wixii khilaaf ahi dhinacuudoono haka yimaadee marka ay xukuumada iyo hayadaha ay khusaysaa
arrinkaasi isaga yimaadaan, Inshallahu waxba kuma adkaanayaan.Markaynu usoo noqono nuxurka qoraalkeena, su’aashu waxay tahay maxaa Somaliland kala
gudboon marka laga hadlayo ka faaiidaysiga khayraadka dabiiciga ah. Hawshan yaan la moodin inay sahlan tahay. Waliba markaad tahay wadan dimuqraadi ah, waxa loo baahan yahay in cid walba la qanciyo. Qabiil kasta waa in la qanciyaa. Xisbi kasta waa in la qanciyaa. Baarlamaanka iyo guurtidu waa inay kasoo baxaan waajibkooda hawshan ku aadan.Reer Somaliland iyagoo soo maareeyey xaalado aad u kakanaa oo wadanka soo maray, maanta inay ku adkaato sidii warshad sibidh ah loo bilaabi lahaa waa nasiib darro. Taa waxaan uga
jeedaa, warshad sibidh ah inaad bilawdo ayaa ka dhibyar inaad ceelal shidaal ah lasoo baxdo.
Somaliland hadday doonayso inay noqoto wadan horumaray oo barwaaqo sooran ah waxaa
loo baahan yahay inay noqoto mid cid wal oo wadanka degani ay farxaan tahay. Haddii waxla-kala jiidanayo, horumarna ma imanayo farxadina ma imanayso. Markaa waxaa khatar loogu jiraa inay inagu rumawdo xantii reer Yurub ee ahayd Africa khayraadka dabiiciga ahi siiba dahabka madoobi (shidaalku) waxa uu u kusoo kordhin karaa habaar (resource curse) sida ay yidhaahdaan. Waa inaynu xantaa beeninaa oo laynaga helaa maamul wanaag si markaasi qofwalba halkiisa loogu qanciyo halkiisana uu ku helo qaybtiisa barwaaqo sooranka.
Si ay taasi u dhacdana waxa loo baahan yahay in la sameeyo xeerar qeexaya ka faaiidaysiga khayraadka dabiiciga ah. Arrintu khayraad dabiiciya ayay ku saabsan tahay oo markaasi xeerarka arrintaasi qeexayaa waa inay yihiin kuwo si fiican qodaxda looga guray. Somaliland waxay ka kooban tahay qabaail, qabaailadana waxa nufuud badan ku leh cuqaasha iyo salaadiinta. Markaa aniga waxay ila tahay, xeerarkaasi hadday jiraana khaanadahay ku jiraan halaga soo saaro oo siwaafiya cid wal oo reer Somaliland ahiba ha akhrido (cidaan akhriyi karayna haloo akhriyo) oo markaasi haku qanacdo fulintiisana ha ogolaato. Haddii xeerarkaasi aanay jirina si degdeg ah haloo qoro oo bulshada haloogu bandhigo oo halaga qanciyo. Somaliland horay usoo hoysay magac wanaagsan oo ay qabatay wax lagaga dayan karo marka laga hadlayo xaga nabadgelyada iyo xaga dimuqraadiyadda. Markanna waxaa loo baahan yahay inay qabato hawl wanaagsan oo ku saabsan dhinaca ka faaiidaysiga khayraadka dabiiciga ah.
Lafo-gurka Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo ee 22-guuradda Madax-banaanida Somaliland
Khudbadii Madaxweynaha Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu maanta ka jeediyay munaasibadii 22-guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Waxay   ahayd khudbad adag oo madaxweynuhu  kaga hadlay qodobo badan oo sawir ka bixinayay  xaaladda guud ee dalka, isla markaana ahayd muxaadiro tifaftiran oo  garnaqsi ugu filan Somaliland.
Khudbadani waxay ahayd mid aad loo kala haadiyay oo sida silsilada oo kale iskugu xidhan. Waxay daarnayd oo ay taabaynaysay dhacdooyinka waaweyn ee ka jira dalka iyo  mandaqadda Somaliland dhacdo. Waxay ahayd dubuub iyo dardaaran qoto-dheer oo uu ummadda ku niyaayirgelinayay si ay ugu tacab galaan inay u midoobaan difaaca qaranimadooda qiimaha culus ku joogta.
Khudbadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay ahayd  lix bog iyo badh, waxaanay ka koobnayd  1277 kalmadood. Khudbadani waxay ahayd mid meelaha qaarkood taariikh hore xambaarsanayd.Waxa kale oo aanu madaxweynuhu aad ugu tallax tagin waxqabadkii xukuumadda. Malahayga waxa uu ku xisaabtamayay inaanay dadweynuhu ka caajisin haddii khudbada maalinta qaran u badato wax-qabadkii xukuumaddiisu fulsay mudadii ay ammaanadda ummaddu dhabarka u saarnayd.
Maxaa Ku cusubaa Khudbadii Madaxweynaha
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisa ku ibo-furay oo aaraar u ahayd guubaabo balaadhan oo uu u jeediyay dadweynaha reer Somaliland, waxaanu farta ugu fiiqay in dal kasta horumarkiisa ay halbeeg u tahay sida ummadiisu ay iskugu xidhan tahay uguna soo jeedo taabo-gelinta himilooyinka qaran ee wadankooda.
Waxa uu ka garaabayaa nolosha saboolka ah ee dadweynaha Somaliland ay daa’imeen. Madaxweynuhu isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi : “Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaa ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey waanad ka war-haysaan halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu ugaadhi lahaa meel halkaa ka sii fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyada iga saran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican, waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegankii iyo waliba Beerihii.”
Madaxweynuhu waxa uu si aad u kooban uga hadlay waxqabadka xukuumadda, waxaanu soo qaaday dayactir, balaadhin iyo dhismeyaal cusub oo loo hirgeliyay inta badan xarumaha wasaaradaha dalka, waxaanu yidhi “Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa” Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda.Waxaanu ka bilownay Caasimada wadooyin casri ah, si aynu ula tartano caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, in sha Allaahu goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha wadooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha.”
Md. Axmed Siilaanyo imika waxaabu u galayaa garnaqsiga beesha caalamka, waxaanu difaacayaa iraadada shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi “Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisi iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn.
Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya.”
Waxa kale oo uu ku nuux-nuuxsanayaa inaanay  dib u soo noqonayn Soomaali weynta lagu dholalayaa, waxa uu si taariikhiya u taxayaa hadimooyinkii Somaliland ka soo gaadhay midnimadii Soomaaliya iyo calankii duuduubka loo dhiibay. Waxa uu Madaxweynuhu soo qaadayaa taariikho dhacay shan maalmood ka dib markii Somaliland la midowday Soomaaliya oo markiiba ay siyaasiyiintii iyo indheer garadkii Somaliland ka soo jeeday  ku xaqiiqsadeen lama degaanka ay yuurureen.
Bal dhugo sida uu cadowga Somaliland ugu quus-goynayo, bal dareen u yeelo sida uu  xaqiiqda diirka uga qaaday “Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yuusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey  Midnimadiina lagu Hungoobay,”ayuu Madaxweynuhu ku sheegay khudbadiisa.
Hoggaamiyaha Somaliland waxa uu   kuwa xaqiiqda inkiraya xusuusinayaa siday shacbigii reer Somaliland uga dagaalameen afti u qaadistii dastuurkii Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib darro dhagahaa laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland.”
Dr. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay dareenkii shacbiga Somaliland istaagin ee uu sii hurayay, waxaanu carabaabay mudaharaad la magac-baxay  (Bakayle-qalad) oo jiilka cusubi aad ugu qosleen, waxaanu yidhi “Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho.
Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imika ba caadada u ah Somalia in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ma uu hilmaanin xasuuqii aan loo kala aabo yeelin ee lagu gumaadayay shacbiga aan waxba galabsan, waxa uu si tifaftiran u qodobeeyay halaagii dhacay.
“Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin.Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen ilaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia,”ayuu yidhi Madaxweynuhu inta uu wajigiisu bedelmay.
Madaxweynuhu waxa uu  hoosta ka xariiqay inaan dib dambe loogu yeedh-yeedhi doonin riyadii midnimadii xijaabatay ee Soomaali weyn, waxa uu si geesinimo leh ugu baanay in Somaliland ka dhalatay halgan qadhaadh iyo dhiiga geesiyiinta Somaliland, waxaanu si hubsiimo leh u yidhi “Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada annagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii  Soomaaliyeed.Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.”
Mar labaad waxa uu madaxweynuhu ku soo gunaanaday khudbadiisa  soo jiidashada lahayd dar-daaran  uu u soo jeediyay shacbiga Somaliland oo uu ku booriyay inay qaranimadooda u calool samaadaan isla markaana muruqooda iyo maskaxdoodaba mideeyaan.
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com
DAAWO: Sida Dadweynaha Reer Berbera U Xuseen munaasibada 18 May
Tog-Wajaalle iyo Sida looga Xusay 18 May
Waxamaanta magaalada tog wajaale si aan hore loo,arag looga  xusay 22 guurada kazoo wareegtay markay jamhuuriyada Somaliland lasoo noqotay calankeedii lixdan kii beeltamayga kudhacay  kadib markii dadka reer Somaliland naf iyo maalba uhureen xafladaasi oosi heersare ah usoo agaasimeen maamulka degmada tog wajaale  oo uu hormood kayahay gudoomiyaha degmada tog wajaale iyo xoghayaha fulinta dawlada hoose ee tog wajaale iyago  dadwaynaha ku dhaqan degmada tog wajaale sifiican uga qayb qaateen iyaga oo kooxo kooxa ah waxa ugu horayn  socodku soomaray  adayda dugsiga hoose ee mujaahid mahdi cali   ururka xamaalinta kaargooga ururka rasoolayaasha  ururka gaadidlayda oo iyaguna kaalin mugle ka qaatay goobtaa  madashaas oo noqotay goob ay isku arkaan wajiyaal waayo waayo kalabaaday waxa ugu horayka hadlay mujaahid cabdi nuur jiir oo ka mid ahaa saraakiishii  ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga somaaliyeed eeSNM ee xalganka  hubaysan kala horyimid  rajiimkii kalidiitaliska dhiigyacabka ahaa ee maxamed siyaad bare afwayne mujaahidka oo kazoo sheekeeyey wayihii qadhaadha iyo malhii halganka aya wuu dayarta cusub uuga sheekeeyey  jidkii ay umareen halganka isa oo sheegay inay xornimada 18 may aanay sahalku iman balse kumayaal u shihiideen kumayaalna u naafoobeen waxaanu umahad celiyey alaha  soo gaadhsiiyey  waxa kale oo mujaahidku sheegay in la dayacay mujaahidiintii dalka usoo dagaalamay balse shaqsiyaad gaari ay tvyada  ka sheegtaan inay wadanka  iyagu xoreeyeen waxakale oo halkaa hadlay gudoomiyaha degmada tog wajaale xaashi maxamuud cabdi oo ku amaanay dadwaynaha reer tog wajaale sida wanaagsan  ee ay uuga qayb qaateen munaasibada  22 guurada xuska qaranimada Somaliland waxakale oo gudoomiyuhu sheegay todabaadkan gudihiisa inay samayn doonaan jid laamay ah oo magaalada wajaale  ay kabilaabaan isaga oo sheegay inay bilkahor doonayeen inasameeyaan balse iyadoo lagu jiro xili roobaad  ay duruuftu usaamixiwayday inay sameeyaan jid laamay ah waxakale oo uu mahad naq usoo jeediyey gudiga horumarinta wadooyinka degmada tog wajaale kaalinta ay ka ciyaareen  xaga horumarka waxakale oo uumahadnaqay ganacsatada degmada tog wajaale sida fiican ee ay uga qaybqaataan marwalba waxqabadka magaalada  waxakale oo xaflada soo xidhay badhasaab kuxigeenka gobolka gabilay  cali case oo ku amaanaysiday reer tog wajaale uu dhexmuuqdaan gobolka gabilay iyo wacdaraha ay ka dhigeen sanadguurada 22 ee 18may
Maxamed Cabdilaahi Qombor Tog wajaalle
Aasaaska Ururka Xoraynt Somaliland
Salaanta Islaamka ka dib, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Urur cusub oo mucaarid ah oo reer somaliland ah oo gebi ahaanba diidan in soomaaliya ay kala go'do. waxaa ururkaas la yidhaahdaa 'Ciidamada xoraynt Somaliland' ama 'Somaliland liberation Army'ururkan waxaa nagu kalifay aasaaskiisa markii ay bateen dhibaatooyinka haysta dadka rayidka ah ee ay xukuumaddu ku hayso sida; cabudhinta,
cadaadiska,dilka,shaqo la'aanta, eexda, qabyaaladda iyo qaraabo kiilka,tahriibta ay dhalinyaraddii dalka oo dhami ay ku dhamaadeen badaha sababtana ay leedahay xukuumadda uu qabqablaha ka yahay Axmed Siilaanyo oo ku fashilantay in ay shaqooyin u abuurto dhalinyarada iyo guud ahaanba dadweynaha reer soomaaliland.tiromalaha waxyaabaha nagu kalifay in ururkan la sameeyo waxase ka mid ah xukuumada Axmed
Allaa Mahad leh
Prof: Suleiman warsame Raabbi
Guddoomiyaha Somaliland Liberation Army