Togdheer News
Ibraahim Dhegaweyne oo Dhaliilihii ugu Cuslaa u Jeediyey Xukuumadda Somaliland
“Car waakaasi nabad ha ku gaadhsiiyaan dalka muddadii loogu talogalay, anigu xaqiiqada ayaan ogahay, doorasho ayeynu ka hadlaynaa ee waa ta laga werwereegayo”
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UDHIS
Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka hadhay ee UDHIS Md. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne), ayaa dhaliilihii ugu cuslaa abid u jeediyey xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo uu ku tilmaamay inay marayso heer ka liita tii maamulkii nacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.
Muj. Dhegoweyne oo hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo shalay qaar ka mid ah ururradii siyaasadda ee dhacay ku qabteen huteel Xaraf, waxa uu ka sheegay in xukuumadda talada haysa ku sifowday musuqmaasuq, boob, been iyo caddaaalad-darro, isla markaana marayso meel qaranimadii dalku halis tahay, sidaa darteedna ay u muuqato inay ka hoosayso nidaamkii kelitaliskii Siyaad Barre.
“Waxan aynu ka hadlaynaa waa sharcigii ummadda u dhexeeyey, haddii sharci la waayo iyo waxa ummaddu ku kala socoto bini’aadamku wuu lumayaa, dawladdana maanta inoo joogtaa sharci bay meesha ku timi oo aynu ku dhisnay, kuna ixtiraamaynay, xaqii bini’aadamku lahaa ee waxna wuu dooran karaa, waana la dooran karaa weeye, wixii kale oo dhan waynu ku sii daynay lacag ha xado, qamadi iyo mucaawano ha gurato, dhulka ha boobto, been ha inoo sheegto ilaa idaacadeenii iyo telefisheenkii ayey beentu ka baxaysaa; tii Maxamed Siyaad Barre hoos bay ka martay. Dhulkiinnii ayaa laaluush lagu bixinayaa, qarannimadiinii ayaa la isweydiinayaa, colaad aan damayn oo taa saaka (shaqaaqadii shalay ee wershada kabista) iyo dhiig la daadiyo ayaa taagan.”
“Car waakaasi nabad ha ku gaadhsiiyaan dalka muddadii loogu talogalay, anigu xaqiiqada ayaan ogahay, doorasho ayeynu ka hadlaynaa ee waa ta laga werwereegayo, caddaaladdu waa ta laga werwereegayo, in dhiig faraha la idiin geliyo ayaa la rabaa, u malaynmaayo dalkani inuu wada joogo inay doonayaan waa xaqiiq,” ayuu yidhi Ibraahim Dhegoweyne.
Waxa kale oo Muj. Dhegaweyne uu ku eedeeyey Madaxweyne Siilaanyo in aannu daacad ka ahayn daminta colaadaha ka taagan dalka, isagoo tusaale u soo qaatay shaqaaqooyinkii ka dhacay degaannada Ceelbardaale iyo Kalshaale oo uu sheegay in talooyin isagu uu u geeyey Madaxweynuhu qaadan waayey.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha UDHIS waxa uu naqdiyey tallaabada xukuumaddu kaga ansixisay Baarlamanka ka qaybgalka shirarka Soomaaliya oo uu ku sifeeyey mid furtay albaab habeen walba koox ka gasho Muqdisho, waxaannu soo jeediyey in talo midaysan laga yeesho arrimaha Soomaliya.
“Albaab kaloo Xamar ah ayaa la innagu furay oo habeen walba waataa cid guure ku sii socoto. Waar doorasho lama rabo oo caddaalad lama rabo oo dalkani inuu jiro lama rabo ee waxan aynu ka hadlaynaa waa meel soke; waa baaba’eenii oo in nin waliba Xamar guure ku tago ayaa la inala rabaa.
Maba diidanin Xamar ee bal aynu talo uun ku tagno. Waa ummad Soomaaliyeed oo heshiisiintooda iyo wanaaggooda innaga ayaa ugu sokayna Xamar cid Ilaahay abuuray. Waa la ina dilay odhan mayno oo lama inama dilene waxbaynu iska celinay, in aynu ku ciil qabnana maaha ee dhibtooda wax baynu ka qabanaynaa oo waa dad inala dhashay, dawaynteeda ayeynuna leenahay,” ayuu raaciyey hadalkiisa Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne).
TogdheerNews..Hargaysa
Baneynta jidadka iyo goobaha magaaladda ee uu xidhay geedka garanwaagu oo laga shiray
Gaadhi Xaraggo Loogu Talogalay oo Badda iyo Berrigaba Dhex Soconaya oo Markii u Horreysay la soo Saaray
Mashruuc dheer oo socday muddo lix sannadood ah oo lagu doonaayey in lagu soo saaro gaadhi kuwa xarragada ah oo dhex socon kara berriga iyo badaha, ayaa markii ugu horraysay lagu guuaystay, lana soo bandhigay gaadhigaas nooca uu yahay, kaas oo 12mph oo dhulka ah soconaya, halka uu badweyntaha dhex mushaaxi karo xawaare ah 60mph. (Miter Per Hour).
Gaadhigan oo loogu magac-daray ‘Libaaxii Badda,’ waxa ikhtiraaqay nin la yidhaa Marc Witt, waana gaadhi aad ugu dheereya biyaha iyo berrigaba.
Baabuurkan oo loo soo bandhigay iib, isla markaana lagu xaraashayo qiimahiisa ugu horreeya 259,500 doollar, ayaa khubarada samaysay ku xayeysiiyeen mareegaha wax laga iibsado, iyagoo sheegay in lagaga marmaayo doonyaha iyo baabuurtaba.
Gaadhigan oo ah mid aad u ifaaya, dhalaalkiisuna aad u widh-widhaayo, ayuu Mr. Marc ku sameeyey mishiin la yidhaa Mazda Rotary Engine, kaas oo qolof ahaanna u eg baabuurta waddooyinka lagu wato, waxaannu xamili karaa inuu ku dhex safro badaha iyo harooyinka waaweyn.
Baabuurkan casriga ah waxa uu ka mid yahay 25ka gaadiid ee adduunka ugu dheereeya.
Mr. Marc waqtigii uu bilaabay inuu gaadhigan sameeyo oo ku beegnayd 2006-kii waxay ujeeddadiisu ahayd inuu jebiyo rikoodhka u yaal qalabka ugu dheereeya ee biyaha ku safra oo xawaaraha uu jaraa yahay 45mph, kaas oo dhab ahaantii ku guulaystay inuu derajadaas dhaafo.
Gaadhigan oo halka lagu iibinayo amma mareegta uu iib ahaanta ugu xayeysiisan yahay la yidhaa Fantasy Junction, ayaa weedhaha ku dul qoran waxa ka mid ah; “Gaadhigan Liibaaxa badda ah, waa mid lagu raaxaysan karo ku safarkiisa, taasna aniga kuu caddeeyey, waana gaadhi u dheexaya doon iyo baabuur laamiyeed.”
Ibraahim khadar siciid
togdheernews. com
Somaliland: Celebrating Independence
Celebrating 21 years of Achievement and Progressive Nation Building
On the occasion of 18th May 2012 Somaliland Society in Europe (SSE) wants to extend its heart felt wishes to all the nationals of the Republic of Somaliland, both inside the country and in the Diaspora.
The historic day of 18th May 1991 marked the beginning of a new era for the people of Somaliland and indeed for the people of the Horn of Africa; and an end to an illegitimate union with Somalia. In addition to its 3.5 million people, Somaliland has over the past 21 years offered sanctuary to people fleeing violence, wars and famine. It has become a beacon of stability and democracy and has set an example of nation building to many countries around the world. These achievements give Somalilander reason to celebrate. To celebrating 21 years of sustained progress and political maturation.
SSE wants to congratulate the Somaliland community in the USA which this year is organising one its biggest celebration event. Similar preparations are underway in the UK, Europe, Africa and Asia. Where ever they are Somalilanders are celebrating, and they have a reason to do so.
The historic day of 18th May in not only an occasion to celebrate the reinstatement of Maandeeq (independence) Somaliland has lost 5 days after gaining, it also an occasion to commemorate heavy the price which the people of Somaliland have paid to regain the lost Maandeeq. It is a day to commemorate the struggle and sacrifices they have endured; and a day to remember the tedious reconciliation processes our wise elders have engineered.
Most importantly it is day Somalilanders with one voice remind the International Community of their aspiration to join the League of Nations.
SSE strongly believes that the recognition of Somaliland as a sovereign state is in the interest of the international community as a recognized Somaliland could play a significant and unique constructive role in the reconciliation of the faction in Somalia and it will contribute to the stability of the Horn of Africa region.
SOMALINDERS EVERYWHERE YOU ARE CONGRATULATIONS!
SSE Executive Committee
Email:info@sseuro.com
www.sseuro.com
DAAWO : Cali Waran cade oo Ka Hadlaya Dhacdadii ka Dhacaday Hargaysa iyo Xukunkii Maxkamada.
Md. Cali Waran-cadde oo ka Hadlay Xukunkii Dilka ahaa ee Lagu Fuliyey Dadkii Lagu Qabqabtay Shaqaadii Dhulka ka Dhacday ee Ciidammada Lagu Weeraray
Hargeysa (Togdheernews)- Wasirkii hore ee Duulista iyio Hawada Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa xukunkii lagu riday kooxda dablayda ahayd ee weerarka ku qaaday ciidammada qaranka ku tilmaamay mid lagu deg degay, isaga oo sidoo kalena beeniyey weerar sheegaya in dhulka fadhiisimada ciidanka u ahaa ee shaqaaqadu ka dhacday aan la siin shirkadda Dahabshiil.
Md. Cali Warran-cadde oo maanta hudheelka Safaari shir jaraa’id ku qabtay, waxa kale oo uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaas foosha xumayd.
Md.Cali Warran-cadde, waxa uu tilmaamay in arrintaasi ahayd mid aan loo baahnayn inay dhacdo, waxaannu dawladda iyo shacabkaba ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda Somaliland ku faanto.
“Arrintaasna xogogaal badan baan ka ahayn, waxaanan filayaa halkaa ay maanta gaadhay ku gaadhay talo xumo, waxa meesha jiray ee la isku hayeyna waa dhul. Dhulkaasna waxaan rajaynayaa in si sahal ah lagu dhammayn doono markay ka wada hadlaan beesha dhallinyarada shaqaaqadu ay dhex martay ciidanka ka soo jeedaan iyo dawladda oo go’aan fiican laga gaadhi doono, runtiina waannu ka xunahay, shaqaaqada meesha ka dhacday ee lama filaanka ah, ummaddana waxaannu  leenahay arrintaasi mid lama filaanay ahayd, mana jeclin inay dib-u-dhacdo, inaannu ka hawlgalnana diyaar baannu u nahay, dawladdana waxaan ku boggaadinayaa inay si wanaagsan oo nabadgelyo ah uga hawlgasho, waxaanan rajaynayaa in waxyaabo badan oo shaqaaqadaas la dhex galayiyey oo qaranimada waxyeelaysa meesha ay ka baxdo oo war-xumo tashiilka aan danta inoo wadin ka faa’iidaysan, meelo hoose iyo shakhsiyo wax lagu soo celinin. Sidaa awgeed, waxaannu ballanqaadaynaa in arrintaa gacan buuxda lagu qabto, nabadgelyadana la ilaaliyo, wixii dhib ah ee jirana si degen lagu xaliyo,”
Md. Warran-cadde, waxa uu intaa ku daray; “Arrinta kale ee keentay saska faraha badan ee dadku ilaa xalay ka qayliyey waxay ahayd xukunkii deg dega ahaa ee qaadigu ku riday dhallinyaradii shaqaaqadu ciidanka dhex martay, xukunku wuu dhacaayo, haddii dawladda iyo shacabka wax dhex maraan in dawladdu xukun rido, laakiin sasku wuxuu ahaa dilka faraha badan ee qaadigu xukumay, taana waxaannu leenahay waxa ka dambayn doona xikmadii iyo caqligii Somaliland halkaas ku soo gaadhay, talada madaxda qaranka iyo ta odayaasha ay ka soo jeedaan inamadaasu, markaa taana waxaan qaba inaan wax dhib ah ka iman dadka saska ka qaaday oo ay is dejiyaan, arrintaasina dhib kale inagu soo kordhin, waxaanan leeyahay ha laga daayo arrimaha foosha xun ee fara badan ee dilka keeni doona dhinac walba ha ka yimaadee oo arrintaasi siday tahay ha loo xaliyo.”
Wasiirka hore ee Duulista iyo Hawadda Cali Warran-cadde, isaga oo ka haldaaya wararka sheegaaya in dhulkaa la siiyey shirkadda Dahabashiil, waxa uu yidhi;“Waxaan jeclahay inaan bayaamiyo arrinta Dahabshiil, waxaana la yidhi si xun wax u sheeg sixir ka darran, Dahabshiil waa nin oday ah oo muxtarim ah, waana baayac-mushtar, mana qabo inuu yahay nin u bahaan dad masaakiin ah dhul ay leeyihiin oo u hunguroon karaya, xogogaal baanan u ahay arrintaa wax alaale wax ka jiraa ma jirto, waana shaki ummadda la galiyey oon jecelahay inaan halkan ka caddeeyo inay tahay arrin meel hoose ah in bulshada reer Somaliland la iska hor keeno, waana wax heer qaran jooga waa dawlad iyo shacab dhul ku dacwiyaaya, hore badh baa loo xaliyey, iminkana waa la xalin doonaa.”
Burco: Akadamiga Nabadda oo Tababar ku Saabsan ka Qaybgalidda Haweenka ee Doorashooyinka Degaanka.
Burco (Togdhnews)- Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa tababar ku saabsan ka qaybgalka haweenka ee doorashooyinka degaanka u qabtay 50 xubnood oo ka mid ah dumarka magaalada Burco.
Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa lagaga doodi doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga haweenka ee ku wajahan ka qaybgalka talada dalka, isla markaana uga gudbi lahaayeen caqabadaha dumarka ka hortaagan ka qaybgalidda doorashooyinka.
Marwo Hibaaq Maxamed Khayre oo ka tirsan Akadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland oo furitaankii tababarkaas ka hadashay, ayaa iftiimisay ujeeddada laga leeyahay, waxaanay tidhi; “Muddada tababarkani soconayo waxaannu kaga doodi doonaa saddex qodob oo a kala ah; sidii haweenku isu abaabuli lahaayeen ee u samaysan lahaayeen xidhiidh wanaagsan iyo isku xidhnaan wada-shaqayneed; sidii haweenku isugu diyaarin lahaayeen inay si wadajir ah u wada galaan ololaha doorashada; iyo sidii haweenku uga gudbi lahaayeen caqabadda u weyn ee badanaaba dhibaatada ku ah oo ah dhinaca dhaqaalaha.”
Waxa ay intaa raacisay in haweenku muujiyaan dadaal weyn si u gaadhaan yoolka ay higsanayaan.
Xildhaan Baar Siciiid oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kula dardaarantay ka qaybgalayaasha tababarkaasi inay noqdaan kuwo isku duuban oo meel keliya ka soo wada jeeda.
“Aaad baan ugu faraxsanahay inaan ka qaybgalo tababarkan Burco ka furmay oon haweenka kala qaybgalo doodooda ku saabsan ka qaybgalidda doorashooyinka degaanka. Haddaba, si himiladaas aynu u gaadhno waxa loo baahan yahay isku xidhaan iyo wada-shaqayn wanaagsan oo haweenku muujiyaan, meel kaliyana u wada jeestaan,” ayey tidhi xildhibaan Baar.
Qaar ka mid ah haweenka tababarku u furmay, ayaa iyaguna soo soo dhoweeyey tallaabadaas, iyagoo tilmaamay in dumarku si weyn ugu baahan yihiin tababarrada noocan oo kale ah.
TogdheerNews.Burco.
Shil Gaadhi oo Sababay dhimasho Culus oo ka dhacay wadada Muranga ee wadanka Kenya.
Nairobi_(Togdheernews)-ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay xalay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Kenolo iyo Muranga ee wadanka kenya,Shilkani ayaa dhacay ka dib markii gaari ahaa nooca mataatuuda ama bas casiga lo yaqano uu ku dhacay gaari loori ama xamulka ah.
wararka ayaa intaasi raacinaaya in Shilkani ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale oo loo kala qaaday isbataalada Thika iyo muranga ayada oo qaarkood xaladooda ay halis tahay .
Gaadhiga xamulka ah  ayaa waxa uu ku sii jeeday dagmada Murang’a halka halka bas casiguna  uu isna ku soo jeeday Magaalada Nairobi markii uu shilkani dhacayay .
Qaar ka mid ah dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay in darawalkii gaadhiga xamulka ahaa uu kontaroolku ka lumay isla markana uu ku dhacay gaariga bas casiga ah .
Shilalka ka dhaca wadooyiinka dalka kenya ayaa ah kuwa si aad ah u si abadanaya dad badana ay ku dhintaan,
dhanka kale Wiil uu dhalay wasiirka maaliyada Njeru Githae ayaa saaka isku dilay xaafada Runda,ee magaalada Nairobi.
Wiilkani uu dhalay wasiirka maaliyada ayaa la sheegay in uu xadhig isku daldalay sidaana uu ku dhintay .
Taliya ku xigeenka Booliiska Nairobi ayaa xaqiijiyay dhacdadani waxa uuna sheegay in maydka wiilkani loo qaaday goobta maydadka lagu kaydiyo .
Wiilkani uu dhalay Mr Githae ayaa ahaa sanadkii 4aad jaamacada waxaana la sheegay inaysan jirin cilad dhanka waxbarashada ah oo haysatay.
Booliiska ayaa waxa ay iminka wadaan baaritaanada ku aadan sababta ka danbaysa in uu wiilkaasi is dilo.
Dhanka kale xildhibaanka Kilome Harun Mao ayaa saaka meel u dhaw hotelka serena baabuurkiisa ku jiirsiiyay qof wadada marayay .
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in Gaadhiga markii uu shilkagalay ayaa waxa waday xildhibaanka laftisa,
gadhiga xildhibaanka ayaa waxaa loo kaxeeyay islamarkaana uu iminka yaala saldhiga booliiska ee Kilimani,
shilalka babuurta ayaa ku soo badanaya wadanka kenya iyado bishan aynu ku jirno dhexdedaa ayaa waxa dhacay babuur badan oo geyastay qasaroyin kala duwan oo dhimasho iyo dhawacba leh iyo mid hantiyeed iyado badana ay ciladu ka timado xaga wada yaasha babuurta oo badana
isticmalaya mandoriyada marka ay ku guda jiran hawshoda wadida ah ayna tahay sababa ah badana dhaliya shilalkasi,
Abdurashiid sheeko
Abdurashiidsheeko_7788@hotmail.com
Togdheernews,nairobi,kenya
Xuddunka khilaafka UDUB: Doodaha ay isaga soo horjeedaan Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa saaxiibmo muddo dheer
Hargeysa (Togdhnews)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa markii u horreysay muddaysay dhegaysiga dawcad la xidhiidha khilaaf ka dhex oogan hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo garabka Axmed Yuusuf Yaasiin dhowaan u gudbiyeen.
Sido ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay, waxa Maxkamadda Sare muddaysay in 20 May 2012 oo ku beegan Axadda toddobaadkan la gudo-galo dhegaysiga dawcad ka dhan ah guddoomiyenimada xisbiga UDUB Md. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu bishii April ee isla sannadkan 2012 maxkamadda u gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Dawcadda Maxkamadda Sare ee Somaliland muddaysay ka garnaqeeda waxa la sheegay inay la xidhiidho guddoomiyenimada UDUB ee Daahir Rayaale oo qayb xisbiga UDUB ahi aaminsan yihiin inay dhammaatay markii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010 iyo sharcinimada go’aanno xisbigaasi gaadhay muddadii uu ku-simaha guddoomiyaha ahaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Khilaafka xisbiga UDUB ayaa bannaanka u soo baxay, kadib markii horraantii bishii January e sannadkan 2012 guddida fulinta ee xisbigaasi murrashaxa jagada Madaxweynenimo u doorteen Jamaal Cali Xuseen, waxana go’aankaas ka soo horjeestay madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku doodayey in murrashaxnimadda xisbiga la qabto marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka, balse Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna dhinaciisa ku adkaystay sharcinimadda go’aanka Jamaal Cali Xuseen loogu doortay murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB, waxaannu khilaafkaasi sababay in Axmed Yuusuf Yaasin uu u gudbiyo Maxkamadda Sare dacwad la xidhiidha arrimahaas, iyadoo maxkamadduna gudo-galka dhegaysiga dacwaddaas u muddaysay 20ka bishan May 2012.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo dheer ahaa saaxiibbo dalka uga arrimin jiray xarunta madaxtooyada, ayaa xilligan u muuqda kuwo fiintu dhexmiranayso, iyadoo Daahir Rayaale ku doodayo inuu yahay guddoomiyaha UDUB oo wixii go’aanno ah ee xisbigu gaadho aanay isaga la’aantii waxba ka soconayn, halka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin isna dhiniciisa ku doodayo in go’aannadii xisbigu gaadhay oo murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen ku jirto sharci yihiin, isla markaana waajib tahay in sidooda loo dhaqan-geliyo, maadaama uu ahaa ku-simaha guddoomiyaha muddadii Rayaale dalka ka maqnaa.
Maaha markii u horreysay ee Maxkamadda Sare ee Somaliland ka garnaqdo khilaafka xisbiyada ka dhex dillaaca, balse waxa jiray inay hore uga garnaqday murankii xisbiga UCID ee kala fogeeyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha Wakiillada, ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Jmhuuriya
Qaabka u samaysnayd warqadda codbixintu, tirada dadka ka qaybgalay iyo waqtiga Komishanku ku wadaan qabsoomidda Doorashada Degaanka
Hargeysa (Togdhnews)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa doorasho tijaabo ah ku qabtay shalay magaalada Hargeysa, taas oo ku ekayd hal maalin oo hordhac u ah u diyaargarowga doorashada golayaasha degaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto
Doorashadan tijaabada ah oo ku koobnayd hal goob oo xarunta Komishanka Doorashooyinka ah oo ay ka codeeyeen dad 200 qof ah oo laga soo xulay qaybaha bulshada oo isugu jira kuwa wax qora ama akhriya iyo qaar aan waxba akhriyin, waxa ujeeddada laga leeyahay ahayd in lagu qiimeeyo baaxadda ay yeelan doonto doorashada golayaasha, si loo ogaado waqtiga qof walba ku codayn karo iyo baahiyaha kalee ka soo baxa, si loogu saleeyo baahiyaha doorashada soo socotaa u baahan tahay.
Goobta lagu qabtay sanduuqa codbixinta doorashada tijaabada oo la dhigay dhammaan agabka codbixinta, kana shaqaynayeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskooda, waxa dadku ku codaynayeen warqad ballaadhan oo ay dusha kaga qoran yihiin magacyada sagaalka urur-siyaasadeed ee isugu soo hadhay tartanka doorashada dawladaha hoose, taas oo magaca urur kasta hoostiisa lagu taxay 25-ka murrashax ee Golaha Degaanka Hargeysa ka kooban yahay oo tusaale ahaan loo soo qaatay magacyadooda oo afarran iyo lambar gaar u ah oo lagu beddelayo astaantii hore loogu doortay xildhibaannada Golaha Wakiillada.
Waxa kaloo goobtaasi doorasho goob-joogenimo ugu sugnaa wakiillo ka kala socday 6da urur-siyaasadeed iyo saddexda xisbi qaran ee doorashada degaanka ka qaybgalaya iyo weliba xubno ka socday qaandhaan-bixiyayaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera hannaanka dimoqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood eegayey sida hawshu u socoto iyo natiijada ka baxda.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Qaranka Axmed Maxamed Xisri Geelle oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada doorashadan tijaabada ah laga leeyahay iyo qaabka loo galay, waxaannu daboolka ka qaaday inay laaleen astaamihii murashaxiinta ee sawirrada ahaa, kadib markii ay aad u waynaatay warqadii codbixintu, isla markaana lagu beddelay lambarro murashax kastaa gaar u yeelan doono.
War-murtiyeed uu halkaasi ka akhriyey Afhayeenku oo uu arrintaa kaga hadlay, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;
“Kadib markii sharci laga soo saaray in si toos ah loo doorto murrashaxiinta goleyaasha deegaanka (open list) waxa badatay tirada dadka la dooranayo ee magacyadooda lagu soo qori doono warqada codbixinta.
Guddida Doorashooyinka Qaranku iyagoo arrimahaa ka baaraandagaya wuxuu goostay in maalin tijaabo ah lagu sameeyo doorasho.
Laba boqol oo qof ayaa tijaabada doorashada geli doona, waxaannay ka koobnaan doonaan dad waayeel iyo dhallinyaro ah, kuwa wax akhriya iyo kuwa aan waxba akhriyin, isugu jira rag iyo dumar. Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya bulshada Somaliland noocyadeeda kala duwan.
Sababaha Guddida Doorashooyinka ugu baahdeen in la qabto maalinta doorashada tijaabada ahina waa in si mug leh looga baaraandago baaxada hawlgal ee codeyntu yeelan doonto xilliga doorashada deegaanka ee fooda inagu soo haysa, ahna markii ugu horreysay ee si toos ah loo soo dooranayo xildhibaannada Golaha Deegaanka oo tirada murrashaxiintuna ay aad u badan tahay.
Waxa kale oo Guddida Doorashooyinku goosteen in loo adeegsado doorashadan tijaabada ah wacyigelin caam ah oo bulshada rayidka ah, ururrada iyo xisbiyada siyaasadduna la socdaan kana qaybqaataan hannaanka cusub ee Doorashadu u dhacayso,” ”ayuu ku soo gebogabeeyey qoraalkiisa Afhayeenka Komishanku.
Dhinaca kale, Afhayeenka Komishanka oo la wax laga waydiiyey waqtiga ay suurtogal tahay inay qabtaan doorashada golayaasha degaanka, waxa uu sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsoonto ka hor xilliga jiilaalka ee sannadkan oo ku beegan inta ka horraysa bisha tobnaad ee 2012-ka, isla markaana waxa uu caddeeyey in aanay wax welwel ah ka qabin helida kharashka doorashada ee laga sugayo dalalka qaandhaan-bixiyayaasha.
Geesta kale, xubno ka mid ah goob-joogayaasha ururrada siyaasadda uga qaybgalay doorashadaas, ayaa soo dhaweeyey tijaabadan iyo nidaamka ay u qorsheeyeen Guddiga Doorashooyinku oo ku tilmaameen mid wax weyn ka beddelaysa culayskii doorashadu yeelan lahayd.
Xoghayaha Guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha Warfaafinta ee UCID Cabdinaasir (Qodax) iyo Dr. Cabdishakuur oo metalayey urur-siyaasadeedka UMMADA, ayaa iyaguna isku raacay in qiimayntii uga soo baxday nidaamka komishanku u dejiyey doorashada tijaabada ah uu hal qof ku codayn karo wax ka yar hal daqiiqo ama daqiiqad keliya, taas oo meesha ka saaraysa werwerkii laga qabay in waqti badan ku lumi doono nidaamka doorashada tooska ah ee murrashaxiinta u tartamaya doorashada dawladaha hoose.
Haseyeeshee, masuuliyiintan iyo Afhayeenka Komishanka Doorashooyinkuba, waxay caddeeyeen in weli khaladaad yaryar jiro oo u baahan in wax laga beddelo, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dadka codeeyey qaarkood calaamadiyeen meel aan ahayn halkii ay doonayeen ama illaaween lambarradii murrashaxiinta tusaalaha loo soo qaatay.
TogdheerNews
Wasaaradda Waxbarshada oo Caddaysay inaanay Jirin Arday Reer Sool ah oo Diiday inay u Fadhiistaan Imtixaanaadka Shahaadiga
Burco (Togdhnews)- Guddoomiyaha Xafiiska Guud ee Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Mr. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si kulul u beeniyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in arday ka tirsan dugsiyada Gobolka Sool ay diideen ka qaybgalka imtixaannada shahaadiga dugsiyada dhexe iyo sare oo dhowaan dalka ka bilaabmi doona.
Mr. Daa’uud waxa uu xusay inay warka noocaas ah faafiyeen dad uu sheegay in aanay ka mid ahayn ardayda dugsiyada Gobolka Sool oo la soo ururiyey.
Guddoomiyaha saxaafadda kula hadlay shalay magaalada Burco waxa uu caddeeyey in ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee reer Sool ka qaybgeli doonaan imtixaannada shahaadiga ah ee dalka, Magaalada Laascood ee xarunta Gobolka Sool waxa ku yaal saddex dugsi oo kala ah, Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf, Dugsiga Sare ee Ilays iyo Dugsiga Sare Nugaal, waxaanan idiin sheegayaa in dugsiga Muuse Yuusuf ay dhex oroday wax yar oo aanan garanayn oo lagu dhex tuuray carruurta, balse markiiba nala soo xidhiidheen waalidiintoodii oo soo gudbiyeen foomamkii looga baahnaa. Liisaskii ardayda saddexdaas dugsi ee ka qaybgali lahayd imtixaanka hadda gacantayada ayuu ku jirtaa oo warbaahinta waannu u soo bandhigi doonnaa, sidaa awgeed nin ku farxa iyo nin ka naxaba waxaanmu idiin sheegaynaa inaanay jirin araday reer Laascaanood ah oo diidday imtixaankii, laakiin nin tuurta uu ku sito nin siyaasi ah ma sheegi karo, waxaanse idiin caddaynaynaa in imtixaankii ka dhici doono gobolkaasi sidii caadiga ahayd, isla markaana ardayda reer Soolna u fadhiisan doonaan,” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.
“Labadii qof ee ka hadlay warbaahintu waxay ahaayeen gabadh yar oo dugsiga hoose ah oo aan ka mid ahayn ardayada dugsiyada sare iyo wiilka oo ka mid ahaa ardaydii hore ugu fadhiistay imtixaanaadkii sannadihii hore.”
Waxa kaloo Guddoomiye Daa’uud uu tilmaamay in ardayda dugsiyada sare ee magaaalada Laascaanood yihiin kuwo inta badan natiijo wanaagsan ku gudba imtixaannada, “Sannadkii u dambeeyay imtixaanaadkii la qaaday Gobolka Sool ma jirin arday keliya oo dhacay,“ ayuu yidhi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland waxa uu beeniyay war laga baahiyey idaacadda Radio Hargaysa oo lagu sheegay in heerka waxbarshada ee Gobolka Togdheer uu liito, waxaannu yidhi; “Waxaan sheegayaa in heerka waxbarshada ardayda Gobolka Togdheer uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa, iyadoo ay ku ammaanan yihiin guddoonka waxbarshada Gobolka Togdheer.”
Waxa kaloo uu carrabka ku dhuftay inay laayaabeen warka laga baahiyay idaacadda dawladda Somaliland ee Radio Hargeysa, “Waannu ka daba tagaynaa oo baadhaynaa warkaas oo aannu maqalnay annagoo Togdheer joogna, wasaarad ahaanna ka hadhi mayno ilaa la caddaynayo halka warkaas been-abuurka ah ka yimi,” ayuu Guddoomiye Daa’uud hadalkiisa ku afmeeray.
Geesta kale, wefti ay horkacayso Wasiirka Waxbarshada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo saraakiil kale, ayaa kormeer ku soo maray shalay degaanno ka kala tirsan gobollada Togdheer iyo Oodweyne, iyadoo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhay u kuurgelidda xaaladda guud ee waxbarashada degaannadaas.
TogdheerNews..Burco