XAAJO-BA LA YAAB LEHE BAL AAN QODO XABAALAA !! PDF Print E-mail
Sunday, 01 February 2009

Si kasta  haddii loo cuudiyo oo MALMAL iyo MAWO lagu shido haw fadhiyin in ay saxal baxdo SOOMAALIYA in ay boholo ku sii dhaa-dhacdo mooyee, QUUD AAN JIRIN QORYOOW GURO baan maqli jiray, shaw waxay ahayd riyo been ah oo la isku maawee-liyo dhab-tiina aanad gunteedda gaadhayn oo u muuqda  siddii sawirkii DHALAN-TEEDKA biyaha, waa wax ka mid noqday humaag ka yimi sawir beri jiray  laakiin ay cadaatay CALEEN-TIISII, waxa-na ka soo hadhay sheeko wax lagu cuni karo oo aan haab-keeddii la hayn iyo farsamaddii HUMAA-GAAS loogu celin lahaa shay-gii ay ka soo abuuran-tay asal-kiisii hore, sidaas waa NIN GURANI HAL UU DHIBAY OO DHEBIGA SAAR-SAARAY, DHANA UMA FAYOO-BAA LA YIDHI OO DHEEGA-GAA BAXAYE,

 waa meel ay u dhamaatay oo aan xidid qoyan lahayn hal daba-go'an isu cuntay, mid-ba mid uu saka-xiisa qaaday, qabri-na isku gurtay gebi ahaanba.  ilayn waxay la mid tahay bahalkii la odhan jiray ODAY GEELI BA'AYE oo xero malaha'e, maanta-na  waxa loo MAQAAR SAARAY  aba-guri SHAADIR  isku qari-naysa oo MAGAC ISLAAM sheegata laakiin ah tii lafaha BAGUUGA-HA  ka dhitay, ma aha mid ay ransan karto oo maqal loo dhigi karo ee waa toojo ku darsatay dur-duro ay ku layso UBAD-KEEDA wax ay kaga duwan tahay maamu-laddii hore ee ilmaha marka laga dilo IGADH-NIMO lagu maali jiray kama soo muuqdaan,bal xasuuso GABAGGII QAASIM ee la odhan jiray HASHA, in yar oo aan ka soo qaatay waa-tan:- wax la yidhi gujaa laug lisaa, labada gooroode, golqa-niina waa loogu daray, yaanay gaagi-xine, wax la yidhi gumude naasi-hii, giigsa-naan jiraye, googooye iyo wiil yar-baa gaawa-haw sida'e, gobaad waxay la daaqdaa SAGAAL GOROYO CAWLEEDE.

Waa taas rajo beeshay, ee xataa kuwii lahaa diin baan wadnaa ay u kala baxeen,  kooxo qaarba ay xadiis-kii si u daliil-sanayaan, oo KITAAB-KII hada-na guudka mid walba uu ku sito, kana gedisan yahay ka kale waxa uu sheegaayo, markaas ma kuwa ku heshiin waayey kitaabkii ku soo degay 1430 sanadood oo laga joogo markii CALAYHI SALAAME NEBI MAXAMED ku soo degatay aayaddii ugu horaysay ee la yidhaaho IQRA, dadka taa isku af-garan waayey ee hadalkii ILAAHAY siyaabo kala duwan ku micneeyey,

baa isku fahmi karo far-shaydaan lagu sheegay DISTOOR lagu soo mulaaqay KIINIYA iyo wixii ay u yeedhisay CONDALIIZA RICE ee lagu derderay, DJABUUTI-NA iyada waa u faa'iido oo waxy u tahay NAAS irmaan oo DOOLAR-KAAS lagu ridqaayo baa wax u tar ah, waana taas caado u noqotay in ay kolaba DURBAAN  u garaacdo, ilayn MUSHAR-KII shaqaala-heedda bab laga garooca-yaaye, nina ma daayeen xoolo lagu BUDLI-NAAYO geed sare waab-nimo iyo xaglaa buux-soo xagaa haw noqon, waase ciyaar uu ninba cayn u tuma-yaaye xageey ku laaban sawtan AL-SHYAADIIN ka botori-nayso beer-kooda dhex-diisa, ma cirkay u kici mise dhulka hoos-tiisa bay ugu horayn dawlad wax ku xukunta oo ifka-ba way ka huleeli doonaan. *N.B  dhurwaa-ba-dhurwa ha sii dhuuxoo, dhinta'e hays ku sii dhamaadeen.

. Abdirahman Jama Ahmed (Abdi-shotaly)  

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta