WAA WASIIRKA KALIYA. PDF Print E-mail
Tuesday, 16 June 2009

Markaan akhriyey maqaal ay qortay wiigii hore walaashay Aamina Siciid, kaas oo ka
hadlaayey Wasiirkeena Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Marwo Faadumo Suudi
Xasan. Wuxuu maqaalkaasi igu beeray inaan markayga waxaan ka aqaan ka waramo
wassirkeenan inala jooga.

Marka hore waxa xusid mudan inaan sheego inaan ka yara hadlo sidii Aamina aqoonta
gaaban ee aan u leeyay Marwo Fadumo Suudi Xassan. Waxay ahayd sannaddu 1989 bishii
November. Waxaan aniga iyo lix carruur ah oon dhalay ka soo degnay magaalada New
York anagoon cidna ka granayn oo qaxootiya. Qof waliba wuu granayaa waxaan ka
hadlaayo dhibaatadeeda iyo naxdinteeda markaad ka soo degto waddan gaalaad oo aad
waxba ka garanaynin. Waxaa ilaahay nagu soo beegay nin Somali ah oo Saudi Arabian
airlines u shaqeeya oo ii sheegay inay jirto inan caynkaas ah oo dadku wada yaqaan.
Wuxuu lahadlay Marwo Fadumo isagoo weydiiyey in reerkan diyaaradda la socday aynan
cidna haysan oo ay kaalmo u baahanyiin. Waxay ka codsatay inay aqalkeeda uu na
keeno. Waxaan la kulanay Marwada isla habeenkaa iyadoo nagu qaabishay waji gacmo
furan. Waxaa isla aqalka aanu kula kulanay reer kale oo sidayada qaxaya kana yimid
carabta oo ku socda Canada. Waxaan ku nasanay aqalka marwada shan cisho oo aanan
waligay ilaabayn. Waxaanay aniga iyo carruurtaydii lana noqotay inaanu joogno
aqalkayagii midla mida, kumana soo koobi karo halkan waxyaabaha fara badan ee uu qof
qaxootiya uu u baahan karo ee ay Fadumo Suudi noo gashay, iyadoon waqtigu ku yaryey.

Waxaa ilaahay Fadumo Sudi I yusay afar sannadood ka dib waqtigaa anigoo Ottowa soo
gaadhay. Waxaanu isgu nimid aqal maxaadaro ka socotay, halkaana waxaan ka bartay
waji cusub oo aanan aqoon oo Fadumo leeday, kaas oo ah aqoon weyn oo ay u leeday
diinta. Waxana isku dayey inaan uga mahadnaqo arrintii ay noo gashay, waxaanse aad
ula yaabay markaan ogaaday in 25 ka dumarra ee meesha fadhiya ay 11 ka mid ay soo
gacan qabatay waqtii la qaxaayey.  Waxay kalooy ii sheegeen inan Marwadu ay waddo
tiil ahayd oo dadku isusoo sheego, oo boqollaal aynan garanayn ay soo mareen.

Waxaa se xusid mudan oo igu lama illaabaan ah, markay hooyaday ay bikhtiyaa nasiib
ku heshay mid ka mid ah 87 aqal oo dadk reer hargeisa loo dhisay, gaar ahaan
xaafadda Abdi Iidaan, aqalladaa oo ay gacan weyn ka gaysatay Wasiirku. Waxaa hawshan
weyni ay ka mid tahay arrimaha ugu waaweyn ee wasiirku ku hawlanayd muddadii ay
wasiirka noqotay. Waxaa mahaddaa leh ilaahay ka sokoow Adiga wasiir Fadumo Sudi.
Waxaana qiranayaa inaan tahay ta qudha ee qoys, ama dumar, ama bulshadaba u maqan
waddankeena. Waxaan kaaga sidaa mahad ballaadhan dhamaan 173 qoysaskaa  maanta
deggan aqallada aad u guntatay siday u hanan lahaayeen dantyarteennu.

Waxaan dareensiinayaa kuwa ila mida ee waddankan Canada jooga in maanta ay nala
joogto wasiirkeena keliya. Maaha UDUB, ama UCID, ama KULMIYE,ama reer hebel baan u
dhaxay ee waa Dumareey ka kaca oo dhoolatusa in wasiirkeenni aqalkeena fadhido.
Siyaasadna yaa laynagu jabin, oo raggu idin odhan dawladda Riyaale iyo UDUB ayay u
shaqaysaa. MAYA waxay u shaqaysaa waa masaakiinta, danyarta, iyo da’yarta
Somaliland. Imisa goor baynu dhegaheen kaga dhagaysanay BBC iyadoo u dagaalamaysa
danta dumarka iyo qoyska. Berri baynu garan markaynu midna ka weyno wasiirada, ama
barlamaankaba.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan, waddankeena Somaliland waxa u shaqeeya waa
dumar, oo intaa gaadhsiiyey. Ninkii markhaati doonayoow orod oo dhulkii dhaayahaaga
ku soo arag. Maanta oo aynu qurbo joognana innaga ayaa reerkaba isuhayna, ee rag
siyaasad haboobsan iyo kanaa xisbi hebel ah, iyo kanaa reer hebel ah ayuu shaqo ka
dhigtay. Mar hadday inala joogto wasiirkeennii, ta keliya ee xukuumadda dhisan inoo
jirta, ee inoo maqan waa inaynu si diiran, oo  hagar la’aanu ku jirto usoo
dhowaynaa. Haddaynu illoowno maalin baa iman aynu cidnaba ka weyno xukuumad rageedda
ina dishootay. Kaca dumaroow, oo hadba tiinna hormuudda taageerra waligiin.

Caasha Saleebaan.
Vancouver Canada
 <
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it >

 

Kaah Property

Sidee Looga Dareemay Magalaadda Burco Ciidal Fidriga ?