|
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay Hangash iyo Haybti Garanwaa Ku Hungoobay Halgankaan
kuu Soo Galiyo Hannadadaan Waayey.
Waxaan salaamayaa saxaafada Somaliland inta tooshka la daba socota dulmiga iyo
dibindaabyada dalka iyo dadka lagu hayo, waxaan kaloo salaamayaa shacabka Reer
Somaliland inta garaadka iyo garashada leh, ee garanaya qiimaha Xoriyadu leedahay.
Illaahay ha u naxariisto mujaahidiintii dalkan u soo dhimatay inta Noolna illaahay
ha garansiiyo waxay u soo dagaalameen.
Kow iyo labaatan sanadood (21) ayaa laga joogaa markii SNM, Qaadatay go,aankii
qadhaadhaa ee aan nin waliba qaateen sida loo liqaana ay adkeyd waayo wuxuu ahaa
go,aan geeri iyo nolol u dhexeeyey oo weliba nin waliba ogaa in geeridu badan
doonto, laakiin gunnimadii iyo gumaysigii taliskii siyaad barre ku hayey Reerka
Isaaqa, ayaa sabab u ahayd guda galkii fajacisada iyo filanwaaga ahaa ee lagu soo
galay Burco 27.05.88,iyo Hargeysa 31.05.88. iyaba waa taariikh wayse Tabaaloowday.
illaahay Subxaana watacaalaa: wuxuu Quraankiisa inoogu sheegay in ay gef iyo denbi
aad u weyn tahay dulmiga iyo tacadigu waxaanu yidhi illaahay(SWC): sidaan naftayda
uga xaaraantimeeyey Dulmiga ayaan Ummadaydana uga xaaraantimeeyey inay is Dulmiyaan.
Shalay taliskii siyaad Barre ayeynu dulmi ka sheeganaynay oo kula dagaalanay,hadaba
maantana ma Gaani iyo Moorgan ayaa jooga oo mar labaad hargeysa ka taliya oo ina
dulmiyey mise isaaq baa is dulmiyey oo isugu awood sheegtay wiilashoodii la
qarameeyey?.
Somaliland weli aduunyadu uma aqoonsana dawlada jirta sidaa darteed shacbiga Reer
S/l waxay samaysteen dhamaan hayadihii dawladeed oo dhan iyo weliba xeerarkii ay ku
kala bixi lahaayeen,laakiin nasiib daro xukuumada jirtaa ma aha haba yaraatee mid
lagu sheegi karo xataa inay leedahay dhaqanka Aadamiga waayo dhan kasta oo laga eego
wey ka aradan yihiin la dhaqanka dadka iyo milgaha masuuliyadeed, iskaba daa inay
wax xukumaane waa Koox Reer walba intii ugu xumayd ee aan waxba ka xishooneyn xidid
iyo xigaal kulay ku tahay aan waxa xeerineyn ee nolosha ku guul daraystay ay isu
Qayla diratay si ay dalka u boobaan oo carabka iyo cidida u mariyaan dhamaan hantida
ummada iyo qayraadka Dabiiciga ah ee illaahay ku maneystay Somaliland una maleynaya
inay kaga baxayaan saboolnimada.
Maanta oo kale 3105.88, Qof nool oo looga sheekaynayaa ma jiro siday xaalada
Som/land gaar ahaan Hargeysa ay ahayd, Rajo badan oo laga filayey in cidi ka
badbaadayso may jirin waayo taliskii siyaad barre wuxuu ku talo galay inuu gebi
ahaanba cagta mariyo kana tirtiro gobolada woqooyi oo dhan Reerka isaaqa wixii
hadhaana ay Raaciyad noqdaan la adoonsado.
Hormo Sulub Miyaanaan Lahayn Hanado Laayaana Miyaanaan Ka Hawl Gelin Maalintuu Rag
isu Haaneedey Hangashtiyo Miyaan Baandadii Hororka Loo Loogin (cabdi-Baraar)
Wax laysula hadhay ma jirin diyaaradihii iyo dubaabadihii dalkan lagu dumiyeyna
weydinkaa arkaya ee ay meel walba yaalaan burburkoodii.Hargeysa waxa taariikhda u
gashay magaaladii intay diyaaraduhu duqeeyaan hadana dib u fadhiisanayeen si ay
shidaal uga qaataan ay dib ugu garaacaan. sidaa darteed Isaaq inta dhimatay iyo
inta noolba naf iyo maalba wuxu isugu geeyey sidii hargeysa loo xorayn lahaa,u
malayn maayo in maanta layga baahan yahay inaan ka sheekeeyo taariikhdii madoobeyd
iyo habeenadii murugada iyo welwelka badnaa ee xataa aduunka la waayey cid ka
hadasha wixii meesha ka dhacayey, iskaba daa cid tidhaahda ka daaya ee ku digasho
iyo magacyo quudhsi leh ayaa loogu yeedhi jiray marka la qabto intaan la dilin ama
la xidhin Qofka isaaq ku abtirsada amase loo maleeyaba.
Waxan xasuustaa Muj.Siilaanyo oo BBCdu weydiinayso Axmedow hadii uu jiro dagaal
idinka dhexeeya idinka(SNM)iyo Siyaad Barre maxaa aduunyadu uga hadli weyday,
jawaabtii Siilaanyo:
“Aniga iyo Siyaad barre Aqal madoow oo daaqadaha iyo albaabadu u xidhan yihiin
ayaanu ku dhex dagaalameynaa Aduunyaduna debeday naga daawanaysaa waxayna sugayaan
ninka meydkiisa daaqada laga soo tuuraa ka uu noqon doono”
Hargeysa waa caasimadii Somaliland:waxaa la filayey markii si wanaagsan oo gobanimo
iyo geesinimo leh looga xoreeyey cadawgii caqiibada xumaa ee cududaha gooyey inay
noqoto hooyadii Reer Somaliland oo dhan, Astaana looga dhigo magaalo ay ka caagan
yihiin dhamaan inta dulmiga iyo xumaanta jeceli, oo weliba laga sameeyo Maxkamad
Dabagal ku Samaysa Dadkii Denbiyada Dagaal Geystay. Si gaarana looga xurmeeyo intii
hiil iyo halgan u soo gashay dalkan iyo dadkaba, Laakiin nasiib daro waxay noqotay
magaalo xarun iyo hooy u ah Dhamaan Hadhaagii Siyaad barre intii woqooyi u
dhalatay,ka sii darane weliba golaha xukuumada oo dhan iyagaa gacanta ku
haya,kooxdaasu waxay xidhiidh toosa iyo midaan toos ahaynba la leedahay dhamaan
qaybaha kala duwan ee bulshaweynta Reer somaliland ka koobantahay,gaar ahaan dadka
ka soo jeeda deegaan ahaan Hargeysa iyo degaanka ku xeeran,kuma jiraan Dadka
wanaagsani sharafna wey iga mudan yihiin laakiin waxaan ka hadlayaa inta Damiirka
Dadnimo ka Dhintay, waxayna u suura geliyaan sidii ay dalka iyo dadkaba xakame
xaaraana ugu hayn lahaayeen ummada Reer somalilandna waxay ka dhex wadaan xumaan iyo
xajiin Qabiil oo la rabo in walaalaha dulman ee darxumaysan laysaga horkeeno Aano
qabiil oo Qawlaysatadu ku cimri dheeraysato.intaa waxa u dheer dagaal xaga nolosha
ah oo la doonayo inaan waxba ka hadhin waana muuqataa 18 sano maaweelada caruurta,
7dii sano ee u danbeeyey ha ugu daraadeene. Dhacdooyinka Dhiilada Xanbaarsan ee
Ummadan laga galay iyo ku Tumashada iyo Tacadiga lagu hayo Qaybaha kala duwan ee
Bulshada, Gaar ahaan intii ugu Qiimaha badnayd ee lagu Tilmaami jiray
Birmageydada,lama taabtaanka iyo Musqalbalka Ummada waxaa lagu bah dilaa cadaawad
iyo Ceeb aanay lahayna loogu geystaa Hargeysa. malaa waa iska amarada illaahaye
Hargeysi dhaqan uma laha ficilka xumaanta lagu diido ee xaqa iyo xumaanta lagu kala
saaro, markaa Run buu noqonayaa hadalkii muj Maxamed Xaashi Cilmi ee ahaa”illaahayow
ummadayda sidooda iga dhig ama iyaga sidayda ka dhig.
Muj Axmed Siilaanyo xamar oo aanu xidid iyo xigaal midna ku lahayn ayuu kaga
adkaaday siyaad barre iyo xulafadiisii,laakiin isagana waa siilaanyo,e hargeysa oo
uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ayaa lagaga adkaaday isaga iyo SNMba
“Nin Ku Xiga Naxliga Kuu Galaa Nudeyga Kaa Gooye,Mar Hadaanan Naaskii Walaalnimo
Idinka Nuugeynin Nugaalna Aan Tagee Reer Xirsow Nacay Agtiinii”. (faarax nuur)
Tolow sidee wax u dhaceen? wax kale ma dhicine waxaa meesha yaala xin iyo xumaan
nin waliba xawlalmariidka is gooyey.
“Dhidarkuba xabaalaha kuma dhaadheceenoo kuma dhiiradeen Ruux celin kara dhawaaqee
markuu meydka dhiiliyo dhaqdhaqaaq ka waayuu hore ugu dhawaadaa oo dhinacyadiyo
feedha sararaha ka dheegtaa” (hadraawi).
Hargeysana waxaan leeyahay Dulmigaa illaahay xaaraantimeeyey xalaaleyn mayno
Halyeeyadii qaaliga ahaa ee dhiigoodu sida daadka U Qulqulay Dooxa Hargeysana
Hooyooyinkii dhalay, Ubadkii iyo Ooryihii ay ka tageen maalin walba naga dul Ooyi
maayaan, Anaguna daawasho iyo doorashaa dhici doonta ku jiri mayno.
“Hadba Cududahaagaan Dayaa Cali Salaanoow Goormaan Ku Ciil Bixi Tolkay Calan La ii
Saarye”.(salaan Carabey)
Waxaan ku soo gaabinayaa isaaq Reer walba intii ugu xumayd si wanaagsan ayaa loo
ogaaday sida ugu dhaqsaha badana dhegta ayaa dhiiga loogu darayaa,gowracooduna wuxuu
noqonayaa guushii ugu danbaysay ee Somaliland lagu xoreeyo.
Somaliland guul
Xasan cali abokor,Ottawa Canada.
|