Home
Ciidamo iyo Gaadiid ka Goostay Soomaaliland PDF Print E-mail
Thursday, 29 July 2010
Ceeri-gaabo(Togdheer). Ciidammo ka tirsan ciidanka qaranka ee

jiidda gobolka Sanaag ayaa xalay fiidkii k agoostay ciidanka, kuwaasoo u baxsaday dhinaca Puntland.

Ciidankan ayaa tiradooda lagu sheegay 40 askari kuwaasoo watay gaadiid ka kooban Afar Baabuur oo ay qoryo saaran yihiin iyo Baabuur nooca loo yaqaan waaraadka ee ciidanku raaco,lamana garanayo sababta keentay xilligan inay ciidammadani u goostaan dhinaca Puntland, balse waxay ku soo beegmaysaa wakhti madaxweynaha cusub ee Somaliland uu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada,isla markaana wasiirka gaashaan-dhigga loo magacaabay mr. Axmed X. Cali Cadami oo ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag.

Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in aanay kala caddayn wali in ciidamadani ku biireen maleeshiyaadka uu horkacayo wadaadka lagu magacaabo sh. Atam,iyo inay ku biireen ciidanka maamul goboleedka Puntland.

 

Kaah Property

Burco iyo Ololihii Balaadhnaa ee Nadaafadda