Home
Barlamaanka Puntland oo laga Eryay Xildhibaano ka Soo jeeda Sool PDF Print E-mail
Wednesday, 28 July 2010
Afficher l'image en taille réelleGaroowe(Togdheer). Barlamaanka Puntland ayaa manta xubnimadii xildhibaanimo  

 ka qaaday saddex xildhibaan oo ka soo jeeday deegaanka gobolka Sool kadib markii ay u qaadeen goluhu cod .

 

Xildhibaanadan ayaa lagu soo eedeeyey inay ku kaceen dambi ka dhan ah jiritaanka Puntland,isla markaana ay galeen khiyaamo qaran,xeer-ilaaliyaha guud  ee puntland ayaa sheegay inay xubnahani ay ku kaceen khiyaamo qaran kana shaqaynayeen kala goynta puntland.

 

Wuxuu xeer-ilaaliyuhu intaas ku daray in dambiyadan ay ku kaceen saddexdan xildhibaan ee ka soo jeeda deegaanka gobolka Sool uu yahay mid culus oo ay ku mija-xaabinayeen jiritaanka puntland sidaas awgeed loo baahan yahay in laga xayuubiyo xubinimada xiisaanda baarlamaanimo ee puntland.Xildhibaanadan laga saaray baarlamaanka puntland ayaa magacyadoodu kala yihiin :

 

1-      Cumar Jaamac

 

2-      Abshir Cabdi Seed iyo

 

3-      Xubin kale oo aannaan magaciisa helin.

 

Kaah Property

Burco iyo Ololihii Balaadhnaa ee Nadaafadda