Home
G/Xigeenka Barlamanka Kenya oo shegay inay U Talo Jiran Sidi ay Xafis S/land uga Furan lahay Kenya PDF Print E-mail
Wednesday, 28 July 2010

Hargeysa (TogdhNews)- Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo Somaliland u yimi sidii ay goob-joog uga noqon

                                    

lahaayeen munaasibaddii dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha cusub ee shalay la qabtay, ayaa sheegay inay dawladdooda ka codsanayaan sidii ay xafiis ganacsi uga furan lahayd Somaliland.

Md. Faarax Macallin oo shalay markii ay dhammaaday munaasibaddii xil-wareejintu Warbaahintu waydiisey aragtidooda ku wajahan qaabkii xafladdu u dhacday iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Sii qiimo iyo qaayo leh ayey u dhacday munaasibaddu oo u baahan in Afrikaanka iyo adduunka kaleba ku daydo, waxay muujisay Somaliland bisalay aan laga muujin qaaradda Afrika intii ka horreysay hadda. Waa waddan sabool ah, waa waddan aan aqoonsi helin oo ku dagaallamaya ilaa hadda in aqoonsado, iyada oo sidaas ay ayey bileys cajiib ah muujiyeen madaxdeeda kuwii hore, kuwa dambe iyo shacabka.”

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu ammaan u jeediyey madaxda siyaasadda Somaliland iyo shacabkeeda oo uu sheegay inay muujiyeen bisayl siyaasadeed oo aan ka jirin qaaradda Afrika, sidaa daraadeedna waxa uu adduunka ugu baaqay in la taageero laxaad leh loo fidiyo dalka Somaliland oo uu tilmaamay inuu yahay mid sabool ah oo sameeyey taariikh cusub.

“Dareenkayagu waa mid aad iyo aad farxad u leh oo soo dhoweynaya bisaylka Somaliland muujisay, weli doorasho heerkan gaadhsiisan oo cid ku dhimatay aanay jirin ee nabadgelyadeedu sugan tahay, oo cod la kala xaday iyo cid isku dayday aanay jirin oo dawladdii sii jirtay aanay isku dayin inay wax muuniso, ta timidna tahay mid ku dagaallamaysa sidii dadka loo midayn lahaa weli laguma arag qaaradda Afrika. Markaa Somaliland sharaf ayey soo hoysay, annaguna waannu dareensannahay, sidii loo kobcin lahaa dimoqraadiyadda dalka ee marxaladiisa dhaqaale isku beddeli lahayd ayaanu ka codsanaynaa adduunka, in si adag looga hawlgallo sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo noloshiisa kor loogu soo qaado oo garab iyo taageero looga noqdo ayey Somaliland u taagan tahay,” ayuu yidhi Md. Faarax Macallin.

Guddoomiye-ku-xigeenka oo la weydiiyey waxa uu Somaliland u soo kordhin karo socdaalka weftiga uu hoggaaminayo ee dalka yimi, waxa uu ku jawaabay; “Wax badan ayuu soo kordhinayaa socdaalkayagu, waxaannu dawladdayada ku boorrinaynaa inay xafiis ganacsi ka furato Somaliland, waxaananu aaminsannahay in waqti dhow la furi doono, idinkuna [Somaliland] aad Nairobi xafiis ka furan doontaan.”

 

Kaah Property

Burco iyo Ololihii Balaadhnaa ee Nadaafadda