| Nuxurka Khudbadihii Rayaale iyo Siilaanyo ka jeediyeen Munaasibaddii ay Xilka kula kala wareegeeen |
|
|
|
| Tuesday, 27 July 2010 | |
|
Hargeysa(Togdheernews):-
ayaa khudbaddiisii ugu dambaysay oo uu maanta ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay qasriga Madaxtooyada ku sheegay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ay ummadda reer Somaliland jid dheer u samareen, isla markaana waxa uu intaa ku daray inuu isagu ku faanayo hirgelinta hannaanka dimuquraaddiyadeed ee uu dalka ka hirgeliyey. Waxaanu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay Md. Siilaanyo oo xilka maanta la wareegay.
Madaxweynaha shaqada ka tagay maanta Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay dibad iyo gudaba joogaan, waxa kale oo aan halkan mahad uga jeedinayaa wufuudda dalalka aannu wallaalaha nahay ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ee xafladdan nagala soo qaybgashay. Waxa kale oo aan halkan ku soo dhawaynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimo ee aannu u tartamaynay.”
Madaxweynaha talada Somaliland siddeedii sano ee u dambeeyey hayay Md. Rayaale, waxa sheegay inuu dhammaaday tartankii Xisbiyadu, isla markaana loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado oo qarannimada laga wada shaqeeyo. “Wuu dhammaaday tartankii Axsaabtu guul buu ku dhammaaday, wax ka hadhay ma jiro. Inaynu dalkeenna u shaqaynu ayaynu maanta u wada taagannahay oo dhammaanteen gacmaha is wada qabsanno oo aynu meel uga soo wadajeesanno oo aan taabbo-galinno qarannimadeennan curdinka ah ee muddada aannu soo wadnay. Illaahay mahaddii maanta anigu waxaan ku faanayaa dimquraadiyadda aan hirgeliyey ee uu hindisaheeda lahaa Madaxweynihii iga horreeyey Allah ha u naxariisto’e Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.” Sidoo kale, Madaxweynaha la doortay ee maanta talada la wareegay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jabuuti, Ra’isal-Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo Wufuudda saddexdaasi dal u soo direen ka qaybgalka Munaasibadda uu maanta xilka kula wareegay, dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo dalalka kale ee reer Yurub iyo dhinacyo kale.
Waxaanu intaasi ku daray; “Waxaan mahad u celinayaa Caalamka doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diiwaangelinta iyo doorashada, waxaan mahad u celinayaa, caam ahaan shacabka Somaliland, culima-awdiinka, qurba-joogga, Xisbiyada qaranka, Golayaasha Qaranka, Saxaafadda iyo Madax-dhaqmeedka.” “Illaahay waxaan ka baryayaa inuu ii fududeeyo Walaalayaal xilka maanta ummaddu ii igmatay waa xil wayn oo aad u wayn Illaahay waxaan ka baryayaa inuu ii fududeeyo inaan ummadda sida ay igu doorteen oo sidaan hore u ballan qaaday barnaamijkayagana ku caddeeyey u noqdo nin u dedaala oo noqdo shacbiga Somaliland qof u siman dhaqaalayn iyo caddaalad inaan ku dhaqo ayaan ballan qaadayaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, oo maanta si rasmiya ula wareegay xilkii Madaxweynenimo oo isla saaka loo dhaariyey. Togdheernews.com Hargeysa/Somaliland.
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..