| Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo Maanta la dhaariyey iyo Dareenkii Madasha Madaxtooyada |
|
|
|
| Tuesday, 27 July 2010 | |
|
ayaa maanta si rasmiya ula wareega xilka talada dalka, ka dib markii loo dhaariyey madaxtinimada Somaliland shanta sano ee soo socota isaga iyo ku-xigeenkiisa.
Hargeysa, taasoo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Golayaasha qaranka oo ay ka mid ahaayeen Shirguddoonka Golayaasha Baarlamanka Somaliland, Guddiga doorashooyinka QarankaXildhibaanno, Xisbiyada Siyaasadda, goob-joogayaal caalami ah, Wufuud culus oo ka kala socday dalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti iyo marti-sharaf kale, Warbaahin Caalamiya iyo Warbaahinta dalka.
Ugu horreyn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Maxamed Siciid Xisri (Oommane), ayaa si rasmiya u dhaariyey Madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo laga bilaabo maanta ah noqday Madaxweynaha iyo ku-xigeenka sharciga ah ee shanta sano ee soo socda haynaya hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland.
Wufuudda ka kala yimi dalalka Kenya iyo Itoobiya oo iyagu saaka soo gaadhay Somaliland, ayaa waxa kala hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka dalka Kenya Md. Faarax Macallin kuwaasoo ka koobnaa 9, halka Weftiga Itoobiya uu hoggaamineyey Wasiiru-dawlaha dhaqanka iyo dalxiiska Itoobiya Ambasador Maxamuud Dirir, waxaana weftigaasi Itoobiya xubno ka ahaayeen Madaxweynaha ismaamulka killalka shanaad ee Soomaalida Itoobiya, halka Weftiga Jabuuti oo laba habeenba iyagu Hargeysa ku sugnaa uu ka hoggaaminayey Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo is-gaadhsiinta Jabuuti Cali Cabdi Faarax, ahna Afhayeenka Madaxtooyada Jabuuti.
Hoggaamiyayaasha Weftiyadaasi waxay sheegeen inay si weyn ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka ay ka soo qaybgaleen Munaasibadda dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha la doortay ee maanta Somaliland ay kaga soo qaybgaleen, waxaanay Somaliland ku ammaaneen habkii loo galay ololaha doorashada, doorashadii madaxtooyada, ku dhawaaqistii natiijada ee Guddiga doorashooyinka, go’aankii kama dambaysta ahaa ee Maxkamadda sare iyo Munaasibadda saaka laysugu yimi sida ay u dhacday oo dhan, waxaas oo dhan oo ay ku tilmaameen arrin taariikhi ah oo aan Afrikaba lagu arag.
Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo gebagabadii Munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa mahadnaqa Wufuudda caalamka iyo hambalyaynta ka sokow, waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida hashu u qabsoontay bilaw illaa dhammaad, isla markaana waxa uu Illaahay ka beryey inuu garansiiyo xilka saaka loo dhaariyey, isaga oo sheegay inuu si daacadnimo iyo sinaan ah ugu shaqayn doono muddada uu xilka hayo. Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo, xafladdaasi ka sheegay inuu Liiska magacyada Xukuumaddiisa ku dhawaaqi doono 28-ka bishan July oo ku beegan maalinta Berrito ah.
Si kastaba ha ahaatee, Xafladdan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd aan nooceedu Somaliland hore uga dhicin, ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo aad looga sii shaqeeyey, ammaankeedana aad loo adkeeyey, Ciidamada Bamboyda ayaa qalabka danana kaga sanqadhinayey, waxa loo istaagay dhawaaqa Musiga heesta calanka Somaliland, Madaxweynaha shaqada ka tagay Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha la doortay Axmed-Siilaanyo, ayaa salaan sharaf ka wada qaatay Cutubyo Ciidamada Qalabka sida ka tirsan gudaha Madaxtooyada, ka dib Madaxweynaha shaqada ka tagay Waxa uu ku baxay Baabuurkiisa gaarka ah, iyada oo ay sii galbiyeen laba baabuur oo Sirdoonka ka tirsan iyo Xubno Wasiirradiisa ka mid ahaa, halka Madaxweynaha la doortayna uu dib ugu laabtay aqalka Madaxtooyada. Guud ahaanba bulshadii Madashaasi isugu tagtay ayaa ahaa kuwo aad u faraxsan.
Togdheernews.com Hargeysa/Somaliland.
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..