Home
Gudomiyaha Golaha Dhexe KULMIYE oo shegay in Xisbiga laga sari dono Ninkii Ka Cawda Xil uu Waayay PDF Print E-mail
Tuesday, 27 July 2010


Ninka aannu aragno inuu ka cadhooday wasiir baa la iga dhigwaayeyna
KULMIYE maaha ee waa nin nagula socday khiyaamo, tallaabana waanu ka
qaadaynaa”



“Haddii barmaamujka xisbigu fuli waayo, xukuumadduna tahay KULMIYE
xisbigu wuu is-qabsanayaa oo KULMIYE sacab been ah isku tumi maayo
sidii UDUB”
Mr. Jaamac Shabeel

Hargeysa (TogdhNews)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee
dhawaan ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada dalka ka qabsoontay
26-kii June Mr. Jaamac Ismaacii (Shabeel), ayaa ku hanjabay in
tallaabo ka qaadi doono, isla markaana xisbiga laga saari doono cid
kasta oo ka tirsan xisbiga oo ka cadhooda haddii uu xil ka waayo
xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay Md.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).


Mr. Jaamac Shabeel, waxa uu sheegay in barmaamujkii xisbigoodu
doorashada ku galay ahaa in la dhiso dawlad kooban oo waxqabad iyo
horumar dalka u samaysa, taasna xisbigu ku wada socday, balse haddii
ay dhacdo in siyaasiyiin xisbiga ka tirsani ay ka cadhoodaan xilal ay
ka waayaan xukuumadda ay noqonayaan qaar khiyaamo kula socday xisbiga
oo xil doon ahaa, sidaa daraadeedna aanay oggolaan doonin inay xisbiga
ku sii jiraan.


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE oo shalay u waramayey Warbaahinta

ayaa sheegay  mustaqbalka xisbigooda iyo sida laga yeelayo xilalka ay bannaynayaan
haddii masuuliyiin ka tirsan hoggaanka sare xukuumadda cusub ka mid
noqdo. 


“Xukuumadda la soo dhisi doonaa way koobnaanaysaa sidaannu isku ogayn
ee barmaamujkayagu ahaa, ummaddana waxaannu u ballanqaadnay barmaamuj
cad oo KULMIYE lagula xisaabtami doono, markaa mar haddii xukuumaddu
kooban tahay bartilmaameedkayagu KULMIYE ahaan waxa weeye
barmaamujkaas sidii loo fulin lahaa. Kuma jirto, agtayadana ma taal,
macno ay samaynaysaana ma jirto aniga wasiir ha la iga dhigo iyo aniga
wasiir ha la iga dhigo, marka liiska [magacaabista wasiirrada] la soo
saaro ninka ku cadhooda wasiir baa la iga dhigwaayeyna KULMIYE maaha
ee waa nin nagula socday khiyaamo oo kursi-doon ahaa oo aannu ka dhab
ahayn barmaamujka aannu ummadda u ballanqaadnay. Kaayaga golaha
wasiirrada gala iyo kaayaga dibadda joogaba xilka na wada saaran ee
ummadda aannu ballanqaadnay waxa weeye in barmaamujkii xisbiga la
fuliyo, ninkase aannu aragno inuu ka cadhooday oo uu meelahaa ka hadlo
KULMIYE haddaannu nahay tallaabo ayaanu ka qaadaynaa oo waanu ka
tashaynaynaa, ilaa xad baanu gaadhsiin karnaa xisbigaba aannu dibadda
ka dhigno, iyadoo u taal golaha dhexe, laakiin ilaa halkaa waa la
gaadhsiin karaa, sababta oo ah nin kursi-doon ah oo ummadda ku soo
dhex gabbanaya waa in laga ilbaxo, kaana diyaar uma nihin inuu nala
joogo,” ayuu yidhi Mr. Jaamac Ismaaciil (Shabeel).


“Waxaannu doonaynaa horumar iyo in wax la qabto, waxaanuna doonaynaa
dhibaatooyinka faraha badan ee ummadda iyo waddanka haysta in wax laga
qabto. Odayga [Madaxweynaha cusub] waxaannu siinay xorriyad buuxda in
cidduu is-leeyahay way kula shaqayn karaysa oo hawshaa la fulin
karaysa uu naqaysto, isagana ugama fadhino inuu cid raaligelin kursi
ku siiyo, ummadduna nagama sugayso taas.”


Guddoomiyaha oo la waydiiyey sida uu arko doodda ah in dadkii sida
wayn ugu soo shaqeeyey xisbigu ay u qalmaan inay jagooyin ka qabtaan
xukuumadda cusub, waxa uu yidhi; “KULMIYE waxa isugu yimi aqoontii,
caqligii iyo waxgaradkii Somaliland oo dhan, markaa haddii la is
yidhaa jago ha loo naqeeyo qof KULMIYE dhexdiisa waxa laga helayaa
jago kasta labaadan qaban karaya, markaa labaatankaasi mid uun baa
qabanaya ee inta kale way sugayaan. Dadkiina KULMIYE waxba kamuu tegin
oo way isugu yimaaddeen, haddii barmaamujka xisbigu fuli waayo,
xukuumadduna tahay KULMIYE xisbigu wuu is-qabsanayaa oo KULMIYE sacab
been ah isku tumi maayo sidii UDUB.”


Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in sharciga xisbigu
oggolyahay in xubnaha hoggaanku xilal ka qaban karaan xukuumadda iyo
in kale, waxa uu yidhi, “Distoorka KULMIYE wuxuu qorayaa in xubinta
xilka fulinta xisbiga haysaa haddii ay xil fulineed oo xukuumadda ah
qabato inay xilkii xisbiga wareejiso, qofka asal ahaanba mamnuuc kama
aha inuu xil ka qabto xukuumadda, laakiin wuxuu kala dooranayaa labada
xil in qofku isagoo xil fulineed ka haya xisbiga uu haddana xukuumadda
xil ka qabto.”


“Marka dhismaha dawladda cusui dhammaado waxaannu rajaynaynaa in
Golaha Dhexe ee xisbigu shir isugu yimaad, waayo annaga laftayadu
xisbi ahaan haddii aanan sharciyaddii aannu dhigaynay ku socon wixii
aannu ummadda u ballanqaadnayna waxba kama jiraan ayey noqonaysaa.
Markaa rag badan oo xilal fulineed ka haya xisbiga ayaa xukuumadda
geli doona, waa in dib loo buuxiyo oo xisbiga la dhiso oo aannu noqon
sidii UDUB xisbi ku dhex milma oo ku dhex baaba’a xukuumadda oo iyada
la xisaabtama,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE

 

Kaah Property

Burco iyo Ololihii Balaadhnaa ee Nadaafadda