Home
Waftiga Jabuuti oo Kulamo la Yeeshay Madaxweynaha La Doortay iyo Madaxweynaha Shaqada ka Tagaya PDF Print E-mail
Monday, 26 July 2010

Waftigii ugu Cuslaa ee Jamhuuriyada Jabuuti u soo Dirtay Xil Wareejinta Xukuumadaha Somaliland oo Galabta soo gaadhay Hargeisa.Hargeysa(Togdheernews):- Wefti ka socday dawladda Jabuuti oo tan iyo xalay ku sugnaa magaalada Hargeysa, ayaa maanta

 kulammo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha shaqada ka tagaya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ee talada la wareegaya ka tirsan iyo qaar ka mid ah Madaxda Baarlamanka.

Weftigan Jamhuuriyadda Jabuuti, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaadhsiinta dalka Jabuuti Cali Cabdi Faarax, ahna Afhayeenka Madaxtooyada Jabuuti, ayaa ujeeddada socdaalkoodu ay la xidhiidhaa ka qaybgalka Munaasibadda Madaxweynaha la doortay Axmed-Siilaanyo uu xilka kagala wareegayo Madaxweynaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale, isla markaana Madaxweynaha cusub lagu dhaarin doono oo Berrito ka qabsoomi doonta xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Kulanka Weftiga Jabuuti ka yimi la yeesheen labada Madaxweyne ee talada Somaliland isu beddalaya, ayaa la sheegay inay kaga wadahadleen arrimihii doorashada Madaxtooyada 26 June 2010 oo ay Weftigu ku tilmaameen mid aad loogu qushuucay oo aan Afrika inta badan lagu arag nooceeda, hambalyo ay si gooni-gooni ah u hambalyeeyeen Madaxweynaha xilka ka dagaya iyo Madaxweynaha la doortay, xidhiidhka iskaashi, ganacsi, nabadgalyo ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Sidoo kale, Weftiga ka socda dawladda Jabuuti, waxay isla maanta la kulmeen Wasiirrada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland iyo sidoo kale, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga doorashada ku guulaystay ee KULMIYE iyo qaar ka mid ah Madaxda Baarlamaanka Somaliland, gaar ahaan Wakiillada.

Togdheernews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Kaah Property

Burco iyo Ololihii Balaadhnaa ee Nadaafadda