Home
Dhaq-dhaqaqa Xaflada dhaarinta iyo xilwareejinta oo Si Weyn looga dereemaayo Hargaysa PDF Print E-mail
Monday, 26 July 2010

Hargeysa(Togdheernews):- Diyaar-garawga Munaasibadda Madaxweynaha Somaliland ee la doortay Axmed Maxamed

Maxamuud (Siilaanyo) xilka kagala wareegayo Madaxweynaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale Kaahin oo maalinta Berri ah ee 27-ka bishan July ku beegan oo si weyn looga dareemayo guud ahaanba dalka Somaliland, gaar ahaanna Caasimadda Hargeysa.

Guddiga qaban-qaabada Xafladda xil-wareejinta labada Madaxweyne, ayaa la sheegay inay maanta bilaabeen qaybinta kaadhadhka marti-qaadka dadka loogu talagalay inay Munaasibaddaasi berri ka qaybgalaan haddii Allah idmo. Isla markaana waxay Xafladdaasi oo isugu jirta xil-wareejin iyo dhaarinta Madaxweynaha talada la wareegaya Md. Siilaanyo oo isla marka la dhaariyo Madaxweynaha xilka sii hayaa ku wareejin doono.

Munaasibaddan dhaarinta Madaxweynaha cusub iyo la wareegidda xilka, ayaa Salaasada Berri lagu qaban doonaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qaybgali doonaan Wufuud ka kala socda waddamada Somaliland jaarka la ah iyo Masuuliyiin ka kala socda Safaaradda Ingirisiika ee Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, Wakiillo ka kala socda waddamada qaadhaan-bixiyayaasha ah oo Somaliland ka taageera horumarinta geeddi-socodka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka oo la filayo inay ka kala iman doonaan magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Kenya iyo Itoobiya.

Hase ahaatee, Wufuudda kala duwan ee la filayo inay ka soo qaybgalaan Munaasibadda xil-wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha la doortay, ayaa illaa hadda inta la ogyahay waxa Caasimadda Hargeysa soo gaadhay Wefti ka socda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo illaa xalay ku sugnaa Hargeysa, ka dib markii ay fiidkii xalay yimaaddeen, balse caawa illaa subaxnimada hore ee Berrito, ayaa la rejaynayaa siday wararku sheegeen inay yimaaddaan Wufuudda ka imanaya dawladaha Kenya, Itoobiya, Wakiillada qaadhaan-bixiyayaasha iyo Safaaradda Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland ka qabsoomayso Xaflad noocan oo kale ah oo ay laba Madaxweyne oo shicibku soo doortay xilka kula kala wareegayaan, iyada oo si weyn agaasinka munaasibaddaasi toddobaaddadii u dambeeyey u socotay. Isla markaana Ammaanka guud ahaanba Caasimadda Hargeysa, gaar ahaanna Madaxtooyada iyo agagaarkeeda ayaa si weyn loo adkeeyey, maadaamoo ay Madax sarsare oo waddamo kala duwan ka socdaa imanayaan, tahayna xafladdii ugu meeqaanka sarraysay dalka Somaliland. Waxaana maalmihii u dambaysay aad loo qurxiyey agagaarka qasriga Madaxtooyada dhinac kasta oo laga maro iyo waddooyinkeedaba.

Togdheernews.com

Hargeysa/Somaliland

 

Kaah Property

Burco iyo Ololihii Balaadhnaa ee Nadaafadda