Home
Xildhibaanada Golaha Guurtida oo si weyn uga Qaliyey Qodobka Afraad ee Ajandaha Kalfadhigooda PDF Print E-mail
Monday, 26 July 2010
Hargeysa (Togdhnews)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si weyn
uga biyo diiday Qodobka Afraad ee Ajandaha Kalfadhigooda 41-aad ee

todobaadkii hore u furmay, Qodobkan oo la xidhiidha in la qabto kulamo
kala duwan oo ku saabsan xog ururinta xeerkii lagu soo dooran lahaa
Golaha Guurtida.
Fadhigii shalay oo ay madasha ka soo xaadireen 50 Xildhibaan, isla

markaana uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan
Maxamuud Aadan, waxa laga doodayay ajandaha kalfadhigan oo ka kooban
shan qodob oo kala ah sidan:-
1-    Warbixinta Shirgudoonka.
2-    Warbixinta Guddida joogtada.
3-    Marxalada cusub iyo waayaha ka iman kara iyo kaalinta Golahani
Arrimaha siyaasada Guddo iyo Dibadba
Arrimaha dhaqaalaha, bulshada iyo Nabadgelyada
Mawqifka iyo kaalinta Gole ahaan inagaga aadan.
4-    Qaban qaabada Kulamo iyo shirar kala heer-heer ah oo
ujeedooyinkoodu yihiin Ra’yi ururin ku saabsan xeerka Golahan Guurtidu
yeelanayo mustaqabalka.
5-    Waxyaabo kale.

Waxa fadhigan maanta doodooda halkaasi ka soo jeediyay dhawr Mudane
oo kala ah Md. Siciid Cabdilaahi Yasir, Md. C/Qaadir Maxamed Xasan,
Md. C/Raxmaan Qowdhan, Md. Ibraahim Ciise Buux, Md. Axmed Quulle iyo
Md. C/Raxmaan Cismaan Xasan, waxaanay dhamaan Xildhibaanadaasi ku
doodeen inaan loo baahnayn xiligan in qodobka afraad ee Xeerka
Guurtida lagu soo darro ajandaha kalfadhigan waxaanay soo jeediyeen in
laga saaro Qodobkaasi. Iyadoo Mudaneyaashii kale ee Goluhuna si weyn
ugu guuxeen oo u soo dhaweeyeen ajandaha kalfadhigan.
Arrintan ayay Mudaneyaasha Guurtidu intooda badani ka soo horjeedaan
in la abuuro xeer lagu soo xulayo ama lagu soo dooranayo Aqalka
Odayaasha oo mar kasta oo xilku ka dhamaado mudada iyagu gacantooda ku
kordhista.
Doodii ajandaha ayaa Goluhu u balamay inay sii ambo qaadaan maalinta
Sabtida ee fooda inagu soo haysa.

TogdheerNews..Hargaysa

 

Kaah Property

Sidee Looga Dareemay Magalaadda Burco Ciidal Fidriga ?