|
Burco(Togdhnews)-T aliyaha Xabsiga dhexe ee magaaladda Laas-Caanood ayaa sheegay in Habeenimaddii xalay ay Jeelka ka Baxsadeen Afar ka Midda Maxaabistii ku jirtay ,
iyo Askarigii Ilaalinaayay.
Taliyaha ayaa Cadeeyay in laba ka midda Maxaabista Baxsatay ay ku Eedaysanaayeen inay xidhiidh la leeyihiin Qaraxyaddii ka dhacay magaaladda Laas-Caanood, wuxuu kala Taliyuhu intaa ku daray in Askarigii Waardiyanta ee Xiligaasina uu Raacay Maxaabistan Baxsaday , Isle markaana la garanayn, meel ay tageen Balse lagu daba Joogo ayuu yidhi Raadintoodi.
Taliyahu wuxuu tilmaamay in la Baadhaayo, sababta keentay falkan Baxsiga , islemarkaana, Gacanta lagu Hayo,Talaabadan ayaa ku soo Beegantay iyadoo Todobaadkii tegay gudaha magaaladda Laas-Caanood, lagu dilay Gudoomiyihuu Maxkamadda Rafacaanka ee gobolkaasi , islamarkaana aan la Qaban Cidii gaystay falkaasi, Haseyeeshe waxay Masuuliyiinta gobolkaasi sheegeen inay dilka Sarkaalkaasi uu qabteen afar qof, kuwaasoo Ciidanka Dambi-baadhistuu ay Su’aalo, waydiinayaan.
sidoo kale, waxa jiray Falal Dilal ah ooh ore uga dhacay hlkaasi, Balse aan ilaa hadda aan la qaban ciddii gaystay Arimahan oo dhan ayaa ku soo Beegmaya Wakhti Soomaaliland ay ku jirto xilli kala guur, oo aanu wali Madaxweynihi la doortay si Rasmi ah ula Wareegin Hogaankii Dalka, isle markaana ay dagaalo dhimasho iyo Dhaawac, keenay ay ka dhaceen degaanka Widh-widh , ee ka Tirsan Degaankaasi.
Waxa iyana Dhaqdhaqaaqyo iyo Ciidamo Urursi, laga Wadaa Degaano ka tirsan Buuhoodle, kaaso ay ka wadaan Qaar ka mida Madaxdhaqameedyaddi Degaankaasi iyo Ururka la Magacbaxay SSC, kuwaaso sheegay inay ka soo Horjeedaan Maamuladda Soomaaliland iyo Puntland.
TogdheerNews
|