Home
Wefti Culus oo Ka Socda Dawladda Jabuuti oo Hargeysa Soo Gaadhay iyo Qaabkii loo soo dhaweeyey PDF Print E-mail
Sunday, 25 July 2010
jabuuti.pngHargeysa(Togdheernews):- Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda DJabuuti, ayaa caawa fiidkii soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa,

 

 isla markaana ujeeddada socdaalkooda ayey ku sheegeen inay u yimaadeen sidii ay uga qaybgali lahaayeen Munaasibadda Xil-wareejinta Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu Madaxweynaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale Kaahin talada kagala wareegayo 27-ka bishan Julay.

Weftigan oo uu hoggaaminayey Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo isgaadhsiinta Jabuuti, ahna afhayeenka Madaxtooyada jabuuti, Cali Cabdi Faarax, ayaa waxa madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey Masuuliyiin sarsare oo Somaliland ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, kuwaasoo dhammantood gacmo furan ku soo dhaweeyey Weftigan Jabuuti, ayaa mahadnaq ballaadhanna u jeediyey Weftiga, Madaxda iyo Shacabka reer Jabuuti.


“Waxaan horkacayaa wefti ballaadhan oo isugu jira Wasiirro, Guddoomiyayaal Baarlamaan, Xildhibaanno iyo Ganacsato reer Jabuuti ah, waxaannu halkan (Hargeysa) u nimi ka qaybgalka xil-wareejinta labada Madaxweyne ee talada Somaliland la kala wareegaya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin….” Sidaa waxa yidhi Hoggaamiyaha Weftiga Jabuuti Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo isgaadhsiinta Cali Cabdi Faarax oo Warbaahinta kula hadlayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa.

Guud ahaan weftigan Jamhuuriyadda Jabuuti ka socday, waxa ay u mahadceliyeen Madaxda Somaliland ee soo dhawaysay, isla markaana waxay Somaliland ku ammaaneen dimuquraaddiyadda ay muujisay iyo qaabkii ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyadu 26-kii bishii June 2010. Waxaanay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin qaabka loogu soo dhaweeyey Hargeysa.


Si kastaba ha ahaatee, Weftigan dalka Jabuuti uga yimi ka qaygalka Xafladda xil-wareejinta Madaxweynaha cusub ee Somaliland,  ayaa ah Weftigii ugu cuslaa ay Jabuuti Somaliland u soo dirto, kuwaasoo  isugu jiraa, Wasiirro, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Jabuuti Mr. Cumar Ka-waaliye, Xildhibaanno iyo Ganacsato, isla markaana waxa tiradoodu ka kooban tahay 16 xubnood, waxaana hoggaaminaya Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaadhsiinta Jabuuti, ahna Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyaddaas, waxaanay dalka joogi doonaan bilawga bisha soo socota, iyaga oo kulammo kala duwan la yeelan doona Madaxweyaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo iyo Madaxda labada xukuumadood ee xilka Somaliland la kala wareegaya.

Togdheernews.com

Hargeysa/Somaliland

 

Kaah Property

Sidee Looga Dareemay Magalaadda Burco Ciidal Fidriga ?