| BURCO:Kulan lagaga hadlayay sidii Bulshadu kaalintooda ugua qaybqaadan lahaayeen Talaalka. |
|
|
|
| Saturday, 24 July 2010 | |
|
Kulankan ayaa ugu horreyn waxaa ka hadashay Marwo,Saynab Yusuf Cabdi Saciid oo ah guddoomiyaha dallada Unita, oo iyagu soo qabqaabiyey kulankan,ayaa sheegtay in muhiimadda looga danleeyahay ay tahay sidii waalidiinta caruurta iyo bulshada loogu wacyi-galin lahaa inay ubadkooda ka tallaalaan cudurka dabaysha, kaasoo maalinta barito ah ka bilaabmi doona magaalada Burco.
Waxay Marwo Saynab, intaas ku dartay cudurka dabayshu inuu yahay mid halis ah oo u baahan in ubadka laga tallaalo si looga badbaado dhibaatadiisa. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Fu’aad Yusuf oo ah wakiilka WHO ee gobolka Togdheer, ayaa isaguna tilmaamay in cudurka dabayshu yahay cudurada aan dawada lahayn,balse tallaalku daawo u yahay. Wuxuu sarkaalkani, intaas ku daray in hawsha tallaalka ee ka bilaabmi doona gobolka Togdheer ay ka hawl-gali doonaan 256 kooxood, isla markaana ay kormeeri doonaan 49 kormeere.
Kulankan oo ay maal-gelisay hay’adda UNICEF, ayna fulinaysay dalladda UNITA,ayaa waxa kaloo ka hadlay ,Maayir ku xigeenka magaalada Burco, Axmed Cabdi Falaay, isagoo bulshada ugu baaqay inay ubadkooda tallaalaan oo ay fahmaan waxtarka iyo faa’iidada uu bulshada leeyahay Talaalku.
Sidoo Kale,Xubno ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha ka soo qaybgalay kulankaas ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, isla markaana ballan qaaday inay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii bulshada loogu wacyi-galin lahaa inay caruurtooda ka tallaalaan cudurka dabaysha kana hortagaan waxkasta oo dhan ka ah hawlaha tallaalka ama lagu dacaayadaynayo.
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..