Home
Laba Nin Oo Soomali ah oo lagu Dilay Koonfur Afrika PDF Print E-mail
Saturday, 24 July 2010
Afficher l'image en taille réelleCapetown-(TogdhNews) Labo ganasato Soomaali ah ayaa siyaabo kale duwan loogu dilay tuulooyin hoos yimaada magalad cape-town ee dalka koonfur afrika

 , iyadoo sidoo kalena ay jiraan dhaawac loo geystay ganacsade kale.

Dilka loo geystay ganacsatadan Soomaalida ah aya ka kala dhacay tuulada kaliija iyo kalaafooteen, kuwaasoo hoostaga magaalada cape-town ee gobolka Western Cape sida ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa halka falku ka dhacay.

Qowleysato sitay bastoolado ayaa lagu waramayaa inay ka dambeeyeen dilka labadaasi ruux waxaana la sheegay inaysan dhac ka geysan dukaamada burcadaasi, iyadoo halka falku ka dhacay ay gaareen booliska magaalad acpe-town oo sawiro ka qaatay si ay baaritaano ugu sameeyaan cidi ka dambeysay dilalkaasi arxan darada ah.

Labada ganacsatada Soomaalida ah ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jaray Maxamed Cali iyo Cabdulle Yuusuf Cadow, iyadoo lagu aasi doono qabuuraha gidisvil ee magaalada Cape-Town.

 


 

 

Kaah Property

Sidee Looga Dareemay Magalaadda Burco Ciidal Fidriga ?