| Cidamado Hor Leh oo lagu Soo kordhinayo Soomaaliya |
|
|
|
| Friday, 23 July 2010 | |
Madaxa Ururka Midowga Afrika Jean Ping ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Guinea ay deg-deg ugu direyso magaalada Muqdisho Koox ciidan ah kuwaasoo kaabaya ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Go`aankan ayuu sheegay in uu yimid kadib markii maanta madaxda Midowga Afrika uu uga furmay shirkoodii 15-aad magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.
"Guinea diyaar ayay u tahay in ay deg-deg koox ciidan ah ugu dirto Soomaaliya, waxaana dooneynaa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan u buuxino tiradii sideeda kun ee aan horay u qoondeynay" ayuu yiri Mr. Jean Ping. Waxa uu sheegay in ay talaabtan xigi doonto mid iyana lagu kordhinayo ciidamada Amisom ee Somaliya kuwaasoo tiradooda la gaarsiinayo toban kun oo askari.
In ka badan 6000 oo ciidanka Amisom ah ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana shaqadoodu tahay in ay difaacaan xarumaha iyo madaxda dowladda.
Talaabadan lagu kordhinayo ciidamada AMISOM ayaa imaanaya xilli kooxda ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ee Al-Shabaab weeraro argagixiso la beegsatay caasimadda Uganda ee Kampala, halkaasoo ay ku dileen 76-ruux oo daanayay ciyaarta finalka ee Koobka Aduunka, kuna dhaaweceen 80 kale.
Weeraradan argagixiso ayay kooxda Al-Shabaab sheegtay in ay uga aargudaneysay dowladda Uganda, waxeyna ugu baaqeen in ay kala baxdo ciidamadeeda magaalada Muqdisho. |
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..