| Saxaafada caalmka oo ka hadashay Fursadaha Somaliland uga banana Go’aanka ICJ da |
|
|
|
| Friday, 23 July 2010 | |
|
Saxaafada caalamka ayaa maanta si weyn indhaha ugu haysay ku dhawaaqista Go’aan in badan laga sugayay Maxkamada Aduunka ee ICJ (International Court of Justice)
Kadib markii ayaa maanta Duhurkii ku dhawaaqaday in Wadanka Kosovo yahay wadan madaxbanaan.
Madaxweynaha Maxkamda ICJ Mr Hisashi Owada ayaa ku dhawaaqay in Madxbanaanida Kosovo aanay ka hor imanaynin shuruucda caalamiga ah sidaa daradeedna Kosovo tahay wadan xor ah isla markaana aanay shuruucda caalamiga ah diidayn in wadan ku dhawaaqo Madaxbanaanidiisa. Arintaan ayaa wax si weyn usoo dhaweyay Dawlada iyo dadka reer Kosovo waxayna ka nixisay Dawlada Serbia ee ay ka goday Kosovo. Kosovo ayaa madaxbanaanideeda ku dhawaaqday 2004 February
Go’aankan ayaa waxa tageeray 10 ka mid ah Qareenada (Judges) ICJ waxan diiday 4 sidaasanu ku ansaxay Go’aanku oo guul ah wadamo badan oo Somaliland ka mid tahy. Hadaba Go’aankan Maxkamada ICJ muxu ugu fadhiya shacabka Somaliland lakiin xukumada cusub maxa uga meel yaal Albaabkan u furmay Aqoonsi caalamiya oo ay hesho Somaliland
Saxaafada caalmka oo ka hadashay Fursadaha Somaliland uga banana Go’aanka ICJ da
Dagbladet
Wargeyska Dagbladet oo kamid ah Wargeysyada ugu waa weyn dalka Norway ayaa warbixin uu ka qoray Go’aanka ICJ ku soo qaatay Qadiyada Somaliland sida ay maanta albaab cusub ugu furmay waxaana uu yidhi “ Go’aankan ICJ waxa uu so jiidanay Wadamada Somaliland iyo West Sahara oo ka go’ay Wadamadda Somalia iyo Morocco isagoo qoraalkiisa sii wata waxa uu yidhi Somaliland waxay ku dhawaaqen madax banaanidooda 1991 oo ay ka go’een Somalia waxay sidoo kale qabteen Afti dadweyne oo 97% ogalaaden madaxbanaanida Somaliland waxa sido kale ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.
Het Laatste Nieuws
Sidoo kale Wargeyska Het Laatste Nieuws ee ka soo baxa dalka Belgium ee xarunat EU ayaa Maqaal ka qoray sida wadamo badan faa’ido ugu tahay Go’aanka ICJ waxaanu wargeysku qoraalkisa ku yidhi “ Go’aankani samayn kuma laha oo kaliya wadamada Serbia iyo Kosovo ee waxa uu samayn weyn ku yeelanaya wadama badan oo raadinaya aqoonsi caalamiya oo ay kamid yihiin Somaliland, Northern Cyprus, Nagorno-Karabakh, South Ossetia, Abkhazia and Transnistria, oo dhamaantod hore ugu dhawaaqay Madaxbanaanidoda lakin aan heli aqoonsi calamiya wadamadani waxay maanta u tahay faa’ido weyn go’aanka ICJ
Sidoo kale U- TVoo ah TV ku yaala dalka UK gaar ahaan Northern Ireland. Ayaa website kiisa ku qoray warbixin uu ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa dalka UK waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay “ Wadamada Goonida u gostay iyo Kuwa madaxbanaanidooda ku dhawaaqay ee ay kamid yihiin Taiwan , Xinjiang iyo Somaliland waxay si weyn uu soo dhawaynaya Goaanka sharciga ay gaadhay ICJ
Hadaba Somaliland maxa la Gudboon
Waxa maanta sida ka muuqata Wararka Dunida ay baahinayaan in Somaliland iyo wadama kale oo badan ay fursad qaaliya u tahay Go’aanka Maxakamada ICJ ka gaadhay arinta Kosovo, waxa aynu filayna in dhawaan dawlada cusub ee Somaliland la wareegto xilka arintani waxay noqon doonta mid kamid ah Agenda yaasha ugu waa weyn ee horyaala dadaalka aqoonsi raadinta Somaliland oo kamid ah qodobadii sida weyn looga hadlayay xiligii doorshada Somaliland waan bar bilaw cusub oo laga bilaabi karo raadinta aqoonsiga Somaliland ee inta badan la sugayay hadaba Madaxwyne Silaanyo waxa looga fadhiya sidii uu uga faa’idaysan lahaa fursadaas qaaliga, isago sii maray aqoonyahanka Somaliland, Garyaqaanada caalamiga, saaxibada Somaliland, Jaliyadaha debedaha, dadka u ololeeya qadiyada wadamada aan la aqoonsana, ururka wadamada aan la aqoonsan (UNPO) iyo cid kasta oo inga tageeri karta sidii aaynu qadiyadeene u geyn lahayn ICJ marka waxa loo baahan yahay in aqoonyahanka Somaliland iyo Dawlada Somaliland maanta iska kaashadaan sidii loo qaadi laha Jidka maanta Kosovo ku guulaysatay ee ku dhamaada ICJ isla markaana inoo horseedi kara aqoonsi caalamiya.
Balanteenu waa Aqoonsiga Somaliland oo maanta dhexda loo xidho iyo fursada cusub oo aan la dayicin
Halka ka eeg wararka Somaliland ka qoreen warbaahintu ee arinta ICJ
Saeed M Osman This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
http://www.u.tv/News/The-end-of-the-battle-for-Kosovo/477010d0-a146-42ba-bdec-92365c996428
http://www.dagbladet.no/2010/07/22/nyheter/kosovo/haag/selvstendighet/utbrytergrupper/12670784/
Saeed M Osman This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..