| BURCO:Kulan lagaga Hadlyay Ka Hortaga Abaaraha oo lagu soo gabagabeeyay. |
|
|
|
| Thursday, 22 July 2010 | |
Burco (Togdhnews) Kulan laga hadlaayay ka hortaga Abaaraha iyo sidii loou Diyaargaroobi lahaa, oo ay ka soo Qayb galeen 12 Xubnood oo soconaayay,
muddo Shan Maalmood ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaaladda Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.
Kulankan oo ay si wada jira Iskaga kashadeen Haya’adda Wadaniga ee Laxmar iyo Action Aid ayaa Muhiimadiisu ahaa sidii looga hortagi lahaa Abaartaha, inta aanay iman, isle markaana loogu diyaar garoobi lahaa .
Mr. Axmed Xuseen Soodaani, oo ah Madax Haya’dda Wadaniga ee Laxmar oo gaba gabadii Kulankan ka hadlay, ayaa sheegay in Bulshadda looga Baahan yahay inay ka hortagaan Arimaha Keenaya ama ay ka dhashaan Abaaruhu, oo ka Mid yihiin Xaalufka Degaanka iyo dhirta, isla markaana ay muhiimadu tahay in laga tabaabushaysto , Wakhtiyada abaartu soo Food leedahay si looga hortago.
Waxa kale oo Axmed Soodaani, intaa ku daray in Dhibaato kasta oo timaada loo baahan yahay sidii looga gudbilahaa , isla markaana Nololshu aanay noqon Mid Marna Burburta marna la dhiso ee ay ahaato mid joogtaysan , isagoo tilmaamay in Wakhtiyada Barwaaqada ee Roobabku da’ayaan in laga faa’idaysto Biyaha, oo aanay noqon Kuwo markasta iska socda oo ina dhaafa.
Wuxuu Axmed Soodaani, ugu danbaynti kula dar daarmay ka soo qayb galayaashi kulankaasi inay Aqoonti aad Barateen aad gaadhsi saan Bulshadii aad ka timaadeen, oo aay daan idinku isku koobin.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida Xubnihii ka qayb galayaashi Kulankaasi kuwaasi oo sheegay inay Aqoon badan oo aanay markii Hore Aqoon ay ka Faa’idaysteen, iyagoo xusay inay ogaan jireen markay Abaartu timaado Balse hadda aanu baranay si yaabaha looga hortagi karo ay ka mid tahay Ilaalinta dhirta iyo Degaanka oo aan la Xaalufin oo la ilaaliyo, waxay kale oo Xubnaha ka qayb galayaashu sheegeen in arimaha kale ee ay ka faa’idaysteen kulankan ay tahay in aan Bulshadu iska fadhiyin oo aany sugin Haya’ad ama Xukuumada Wax u qabata oo qudha, Balse dadku ay noqdaan kuwo wax qabsada oo Muruqooda iyo Maskaxdooda ku Xisaabtama
.
Xubnaha ka qayb galay Kulankan oo ka kala socday Tuulooyinka Bali Hiille iyo Geedidhihaan, ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Noocisa ah ee lagu qabto magaaladda Burco, wuxuuna ahaa mid ay si wayn ka qayb galayaashu u Xiiseynayeen.
Haya’adda Laxmar ayaa ka mida Haya’adaha Wadaniga ee ka Hawlgala gobolka Togdheer, kana sheeqaya dhinacyada Biyaha, Caafimaad , Degaanka, Fayo Dhawrka iyo Waxbarashadda, isle markaana Kaalin wayn ka qaata Horu marka gobolka.
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..