Home
Suldaan Cusub oo lagu caleema saaray Magaalada Burco. PDF Print E-mail
Monday, 08 February 2010
Burco(Togdhnews) dhogori_1.jpg-suldaan Cismaan Sh. Ibraahim Aw-Maxamed, ayaa manta lagu caleema saaray magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Munaasibada caleema saarka Suldaan cusub oo ay ka soo qayb galeen, Madax dhaqameedyo, Waxgarad, Cuqaal, Masuuliyiinta gobolka, Booliska iyo Marti sharaf badan oo kale ayaa manta lagu qabtay Huteel Cigaal ee magaaladda Burco.

Cabdi Faarax Nuur, oo ka mid ah Odayaasha Beesha caleema saartay Suldaanka cusub oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Suldaanku yahay Suldaan Reer Soomaliland ah, una dhaxeeya Bulshadda oo dhan, wuxuu intaas ku daray Cabdi Faarax in Suldaanka

ay kula soo dardaarmeen inuu noqdo mid ka shaqeeya cadaaladda oo ka fogaadda dulmiga, isla maraakna noqdo Suldaan Geed, oo ka

fogaada arrimaha siyaasadda oo dhex u noqdda, saddexdda Xisbi Qaran.

Wuxuu hadalkiisii ku soo xidhay oday Cabdi Faarax in Suldaankan ay doorteen Beesha Awal Bari, gaar ahaan Beesha Dhogori, isagoo carabka in Beeshu hore u lahayd Boqor.


Suldaanka Cusub,ee la caleema saaray Suldaan Cismaan Sh. Ibraahim oo isaguna madashii ka hadlay ayaa dhamaanba u mahad
celiyay Marti sharafta kala duwanayd ee ka soo qayb gashay xafaldda, balanqaaday inuu ku shaqayn doono si cadaalad ah,

islamaraana qaadan doono, talooyinka iyo dardaaranka loo soo jediyay waxaana ka mid ahaa Suldaanka hadalkiisa:

"Illaahaw ictiraaf iyo aqoonsi caalamiya ayaan ku waydiisanaynaa , illaahaw Nabadda galyo taama ayaan ku waydiisanayaaa ,

illahaw na siise noo si yaadi, intaa markaan ducada ku dhaafo waxaan ka xal waramyaa maanta wadankasta ama marxadaha uu

Aduunku marayo waa marxalado adag, Wadan kasta waxa ka jirta dhibaatooyin duulimaad oo  la isku duulaayo oo Nabad galyo xumo

keenaysa.

Waxaan dad waynaha sharafta leh ee Reer Soomaliland ugu digayaa in ay ka feejignaadaan wixii Nabadgalyadoo wax yeelaaya, inay

indhaha,dhaqaha iyo qalbiga furaan oo cadawga shisheeye dhexmaraaya ka fiirsadaan."
 

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Cuqaal iyo Waxgarad badan, kuwaaso dhamaantood Dardaaran iyo Duco faray Suldaanka

ilaahayna uga baryay inuu u fudaydiyo xilka cusub ee loo doortay.

munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay,kana soo qaybgaleen marti sharaf badan,ayaa ugu dambayntii lagu shiubay

dhiilo caano ah oo loo sii diyaariyay.

TogdheerNews..Burco.

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta