| Wararkii Wargayska Ogaal |
|
|
|
| Monday, 08 February 2010 | |
|
Wararkii Wargayska Ogaal
Tirada dhimashada Tahriibayaal ku soo caaryay xeebta Sanaag oo kordhay
“Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dhici karta in khasaaruhu…”
Ceerigaabo 08, Feb.2010 (Ogaal)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, ka dib markii Laash ay saarnaayeen kula soo caaryay xeebaha gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland. Waxa uu sheegay inay haatan xaaladoodu liidato ilaa 70 qof oo ka mid ah Tahriibayaashaas oo Itoobiyaan u badan, isla markaana la la’yahay ilaa 30 kale, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Yemen. “Waxa la xumaaday Laashkii ay wateen, waxayna ku soo caaryeen xeebta Waqdariya,” ayuu yidhi. “Dadkani waa Itoobiyaan. Xog badan kama hayno, mana ogin inta maalmood ee ay Doonta dulsaarnaayeen, laakiin Tahriibayaashu waxay noo sheegeen inay ku socdeen Yemen, kana yimaadeen Boosaaso,” ayuu raaciyay Siciid Cige oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal.
Waxa uu sheegay in xaalada dadkaa ay haatan Ciidanka Xeebuhu ku hayaan Waqdariya ay la socodsiiyeen hay’addaha gargaarka degdega ah ee gobolkaa ku sugan. “Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dhici karta in khasaaraha dhimashadu sii kordho. Waxaanu ku wargelinay hay’adda Bisha Cas ee Ceerigaabo oo noo sheegay inay u baxayaan degaankaas,” ayuu yidhi Madaxa laanta Socdaalka gobolka Sanaag. “Waxay ahaayeen 110, ilaa todobaatan waa la hayaa, kuwii dhintay waa la aasay, intii kalena baadi-doonkoodaa lagu jiraa,” ayuu raaciyay. “Inta la hayo, waxa ku jira qof keliya oo Soomaali ah,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cige. Shirguddoonka Guurtida oo shaaciyay waqtiga ay soo af-jaryaan khilaafkii u dhaxeeyay
“Ilmaadeerayaaloow haddaydaan midoobayn, waxaad na tidhaahdaan Shirguddoon kale keena” Hargeysa, 08 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horraysay shaaciyay waqtiga ay rasmiyan heshiis buuxa ka gaadhayaan khilaafkii kala qaybiyay Golahaas.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud waxa uu arrintan kaga hadlay Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu guddoominayay, waxaanu sheegay in khilaafkii u dhaxeeyay Shirguddoon ahaan ay soo af-jarayaan, isla markaana waxay isla gartaan ay Golaha horkeeni doonaan. Saleebaan Maxamuud waxa uu ka hadlay muddada ay Shirguddoon ahaan xal ka gaadhayaan khilaafka oo ay soo af-jarayaan. “Xeerka xakamaynta hubka fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato, Anaguna Shirgudoon ahaan waa inaanu wixii aad na farteen galnaa oo keenaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Intaa ka dib, mudanayaal uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo halkaa hadallo ka jeediyay, ayaa isaga oo dhawaaqaya hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waxaanu ku cel-celinay waar khilaaf kale nama hayo oo sadexdiinaasi (Shirguddoonka) haddii aad soo midowdaan, Goluhuna wuu midoobayaa. Ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn, waxaad na tidhaahdaan Saddex kale (Shirguddoon kale) keena, Golahan ayaananu soo dhex fadhiisanaynaa. Khilaafka waxa ka wayn Golaha’e yaanu inaga burburin.” Xisbiga KULMIYE oo ka digay khatar amni-darro oo ka soo korodha G. Sool Hargeysa, 08 Feb, 2010 (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan-darro ee dhawaanahan ka taagnaa Magaalada Laascaanood, waxaanu ka digay in ammaan-darradaasi horseeddo fidmo dalka ku baahda.
Warsaxaafadeed uu Xisbiga KULMIYE soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Xisbigaas Keyse Xasan Cige, ayaa lagaga hadlay arrimaha la xidhiidha ammaanka Laascaanood, waxaanay baaq u jeediyeen Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo shacabka Somaliland-ba.
“Waxaynu bilihii ugu dambeeyey la soconaa ammaan daradda kasoo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood halkaaso ay qaraxyo isdabajoog ahi ka dhaceen.
Shaki kuma jiro in haddii ay qaraxyadani sii socdaan ay u horseedi doonaan Somaliland fidno iyo burbur aad u ballaadhan oo curyaamin kara geedi socodka nabadda, xassiloonida iyo dimoqraadiyad aynu maanta hadhsanayno. Isgaadhsiinta gobolka Sool oo xayiraadii laga qaaday
Caynabo: Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Xabsiga ku booqday 65 qof oo arday u badan
“Xataa haddii Midowga Yurub iyo NATO awood Milateri adeegsadaan, ma soo celin karaan Nabadda Soomaaliya”
Munich 08, Feb.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Ururka Midowga Yurub, ayaa sheegay in iyaga iyo isbahaysiga NATO aanay awood u lahayn inay nabad ku soo celiyaan Soomaaliya.
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..