Home
Burco oolaga xusay maalinta Gudninka Fircooniga ah PDF Print E-mail
Saturday, 06 February 2010

Sample ImageBurco(Togdhnews) Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayay maaalinta Gudniinka Fircooniga amase FGMka, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Barwaaqo ee magaaladda Burco.

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Horumarinta Qoyska, Uruurada Bulshada iyo marti sharaf kale oo badan.

Wakiilka Haya’dda Candlelight ee gobolka Togdheer Xasan Daacad X Faraax, oo madashaasi xalay ka hadlay, ayaa ka warbixiyay waxa ay ka qabteen hay’ad ahaan aafadan F.G.M ka, isagoo sheegay inay mar walba culays saaraan siday dadka uga dhaadhicin lahaayeen dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinkani.

 Isagoo sheegay in sanadkii tagay ay ka wacyi galiyeen dhibaatooyinka ay  Aafadani dad gaadhayaa 1395Qof, oo ku dhaqan gudaha magaaladda Burco iyo Tuulooyinka ka baxsanba. Iyado xarunta aanu iga hirgalinay cisbitalka Buro na lagu daaweyey dad gaadhaya boqol iyo shan iyl labaatan qof oo loo fidiyey adeeg caafimaad isugna jiray qaar talooyin u baahna iyo qaar cafimaad ahaan loo daaweyey oo qaliin lagu  sameyey, isago hadlkisii sii wata ayaa wuxuu yidhi , arrintan gudninka fircoonaga waa arrin dadku ka fahan san yihin fikir khaldan lagula yaabana waxaan aad ka hadlayo, balse waxaad mooda iminka inay sidii hore soo dhaamayso ,oo dadkii imanaya xarumaha caafimaadka oo talooyin waydinayaan siday dhibtan uga bixi lahaayeen gar-garayaasha caafimaadka.

Wuxuu kaloo masuulkani  intaas ku daray  inay  Gudaha Cisbitalka guud ee magalada burco ka hirgaliyeen xarun lagu daaween doono dadka ku wax yeelooba afaadan gudiinka fircooniga ah

Marro Caasha Cali Qabiile oo ah isu duwaha Wasaaradda Arrimaha Qoyska ,ayaa ku dheeraatay dhibaatooyinka iyo tacadiyada alaabada loo gaysto Haweenka .

Iyadoo wax lagu xumaado ku tilmaamtay waxaan diinteena ina farin inaynu ku dhaqano, iyadoo ugu baaqday Bulsha waynta reer Soomaliland inay ka waan toobaan oo, ay dhibaatada ka dayaan dhalaanka ay dhaleen gaar ahaan Hablaha, Caasha ayaa, hoosta ka xariiqday inay mar walba diyaar u yiiin ku wacyi galinta Aafada daran umada ku habsatay.

Sidoo kale waxa yaduna halkaasi ka hadashay Amina Aadan Waraabe oo ka socotay Wasaaradda Horumarinta Goska, oo sheegtayna ina maruun lagu guulaysan daoono, lagana waan toobidoono Aafadan daran.

Munaasibadan oo laysaku waydaarsaday doodo iyo fikaraddo ku saabsan sidii loo darbar goyn lahaa Gudniinka Fircooniga, ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Horumarinta Qoyska ee Gobolka Togdheer.

 Togdheernews.........Burco

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta