Home
Muadaharaad Hal Qof Ku Naf Wayey Oo Saaka Arday Ka Sameysay L/Canood PDF Print E-mail
Saturday, 06 February 2010
Laascanood( Togdhnews) qaar kamida ardeyda wax barata dugsi quraaneed yada  magalada L/canood   xarunta gobolka Sool ayaa Saaka galinkii hore Mudahaharaad ka dhigay gudaha magaaladaa, ka dib markii ay Ciidamada booliska Laascaanood sida ay sheegayaan war warka ka imanay gobalkaasi  ay xabsiga u taxaabeen macalimiinti  ardaydaa wax u dhigi jirtay.

Xadhiga ay Ciidamada boolisku kula kaceen macalimiintan quraanka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay, ka dib markii ay raadad lagu daba joogay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ay galeen dadka la qab-qabtay.

 Arintaasina ay dhalisay in ay ardaydii malcaamaduhu ay mudaharaad ka sameeyaan Jidadka magaalada, kuwaas oo la sheegay in ay dhagxaan ku tuurayeen xarumaha booliska isla markaana ay Taayiro ku gubeen wadooyinka qaar ka mid ah.

Isu soo baxaas ardayda oo ay boolisku markii dambe kala eryeen ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Hal Qof, ka dib markii uu gaadhi uu boolisku lahaa oo dhagaxtuurka ka gudbaayay uu ku xarooday Guri ay leeyihiin dad Shicib ahi kaas oo uu Alle haw naxariistii ku dhintay dadkii guriga daganaa mid ka mid ahi.

Togdheernews...........Laas-caanood

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta