| Xukuumada Somaliland oo Ku Dhawaaqday Qeylo-dhaan Abbaareed. |
|
|
|
| Saturday, 06 February 2010 | |
|
- “Waxa jira lixda Gobol ee dalkaba waxa ka taagan abaar ba’an ha sii kala darnaadeene’e, abaarahan waxa keenay markii aanu qiimayn iyo baadhis ku samaynay in kal hore roobkii gu’gu uu aad uga hooseeyay roobabkii inoo da’i jiray meelaha karintu ka da’dana roobabkii karinta ee da’ay ay ahaayeen qaar yar. Meelo badan oo ah goboladaasi bariga sida Tog-dheer, Sool iyo Sanaag roobba kama da’in. Arrimahaasi oo is biirsaday ayaa keenay abaartan ka soo deg degtay wakhtigeedii,”ayuu yidhi Md. Cali Sanyare. Wasiirku wuxuu sheegay inay odarasayaan inay bilaha soo socda ay dalka ka dhacdo abaar baahsan, cunto yaraan, xoolaha oo itaal gaba iyo nafaqo darro saamaysa dadka. “Waxay xukuumada Somaliland ay baaq u dirtay caalamka oo dhan sida dawladaha, Haayadaha caalamiga ah ee qaramada midoobay, ururada aan dawliga ahayn, ganacsatada iyo dadka hantiileyaasha ah waxaanan ka dalbanay inay dadka gurmad deg deg ah la soo gaadhaan,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta qaranku, waxaanu intaasi ku daray “Ilaahay waxaanu ka baryaynaa inuu roobkiisa inoo soo dedejiyo ilaahay uun baana inaga saari kara abaarahane’e. Haayadaha khamiistii shir baanu yeelanay Salaasadan soo socotana waanu isku noqonaynaa waxaanu kala hadlaynaa waxa weeye sidii ay u dedejin lahaayeen gurmadkooda.” Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Maareeyaha Haayada aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland Md. Maxamed Muuse Cawaale ayaa sheegay in dalka ay ka jirto abaar baahsan oo uu xusay in dadweynuhu ugu magac dareen Sima. Waxaanu isaguna beesha caalamka iyo Haayadaha samo falkaba ugu baaqay inay u soo gurmaadaan shacbiga Somaliland isla maraana ay u fidiyaan taageero bini’aadminimo. Togdhnews....hargeysa
|
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..