Home
Gudoomiyaha Shirkada Prime Resources Ltd oo la kulmay Kooxda ku ciyaarta Magaca Shirkadiisa PDF Print E-mail
Saturday, 06 February 2010
Burco(Togdhnews)-Gudoomiyaha Shirkada Prime Resources Ltd Maxamed Yuusuf Cali ayaa kulana kula yeeshay magaala madaxada gobolka togdheer ee burco

.

 xubnaha kooxda kubada cagta ee ku ciyaara magaca shirkada.

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayna goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta shirkada ee xafiiska burco waxa ugu horayn halkaa hadalo soo dhoweyn ah ka soo jeediyay Mustafe Aadan Diiriye oo ah tababaraha kooxda wuxuuna si qoto dheer uga waramay gulihii kooxdu ka gaadhay tartamadii ay ka qayb galeen kuwaas oo isugu jiray kuwa heer gobol iyo meelo kale oo ka baxsan gobolka.

Waxa kale oo tababaruhu ka waramay waxyaabaha ay hiigsanayaan mustaqbalka iyo qorshayaashooda ku aadan ciyaaraha ay doonayaan inay ka qayb galaan waxana kooxdu soo bandhigtay koobabkii ay hanteen mudadii ay jireen.

Ugu danbayntii waxa tababaruhu gudoomiyaha u soo bandhigay barnaamijkooda dhow ee ay doonayaan inay kaga qayb galaan ciyaaro u qorshaysan taas oo ay ku dalbadeen taageero kala duwan ee dhinaca loogistikada ah.

Waxa kale oo isaguna kulankan ka hadlay Rashiid Faarax oo isaguna ku hadlayay magaca shirkada gaar ahaan xafiiskeeda burco wuxuuna tilmaamay sida kooxdani u yihiin kuwo ay ka go’an tahay kor u qaadista magaca shirkada iyagaoo ku sifoobay akhlaaq wanaag isla markaana karti muujiya xiliyada ay ku jiraan tartamada kala duwan isla markaana ay ka go’an tahay inay ku taageeraan wax kastoo u fududaynaya hawlohooda.

Geba gebadii kulankan  ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Prime Maxamed Yuusuf  wuxuuna tilmaamay sida uu ugu farxsan yahay kulankan uu la yeeshay kooxda ku ciyaarta magaca shirkada wuxuuna kula taliyey inay ka fogaadaan dhamaan wixii ku keenaya inay ka dhacaan mustaqbalka fiican ee ay hiigsanayaan isagoo markaana kula dar daarmay inay ku dedaalaan waxbarshada oo ah furaha nolosha.

Kulankan ayaa ku soo geba geboobay jawi farxadeed iyadoo dhalinyarada ku ciyaarta magaca kooxdana wejiyadooda laga dareemayay ray-rayn maada ay ahayd markii ugu horeysay ee ay is arkaan gudoomiyaha shirkada oo fadhigiisu yahay dalka ingiriiska.


 
Dhaambaal Media Network
Hargeisa Somaliland
Email:
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta