Home
Guurtida oo Casuumad Qado Kaga Ducaystay Khilaafkii Golaha Kala Qaybiyey. PDF Print E-mail
Friday, 05 February 2010
Hargeysa (Togdhnews)-Mudanayaasha Aqalka Guurtida Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shalay casuumad qado ah kaga ducaystay khilaaf siyaasadeed si weyn u kala qaybiyeys 

 oo saamayn ballaadhan ku yeeshay wadajirkii iyo fadhiyadii golaha.

Casuumaddan oo ka dhacday hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen dhammaan 82-ka mudane ee Guurtida iyo shaqaalaha golaha, waxa martiqaadkeeda fidiyey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Guurtida Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo Sabtidii toddobaadkan goluhu ka diiday iscasilaad uu dalbaday.

Xildhibaannada Guurtida ee khilaafku kala qaybiyey oo aan beryahan isugu iman kulan noocan oo kale ah, ayaa weedho kaftan iyo duurxul ah isku weydaarsanayey intii la fadhiyey miiska casuumadda Sh. Furre ku martiqaaday, taasoo muujinaysay inuu jiro isu soo dhowaansho dhinaca afkaarta ah oo xal u noqon kara soo afjaridda ismaandhaafka dhinaca awoodda ee ka dhex oogmay xubnaha Shirguddoonka oo saamayn ballaadhan ku yeeshay gole-weynaha oo la kala saftay dhinacyada ishayey.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo ay hareeraha ka fadhiyeen Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa hadal aad u kooban oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu casuumaddan ku tilmaamay mid goluhu kaga ducaysanayey khilaafkii muddooyinkan dambe hadheeyey, sidoo kalena shacabka reer Somaliland ugu muujinayaan midnimada odayaasha Guurtida iyo inay miis qudha wax ku wada cunaan.

“Maanta waxaan golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan iminka nimankii waxbay wada cunayaan oo nimankii colba maaha oo sidaynu moodaynayba maaha, ha la yidhaahdo ayaan isleeyahay.”


Haseyeeshee, Sh. Axmed Nuux waxa uu carrabka ku dhuftay in aan weli si buuxda loo dhammaystirin khilaafkii taagnaa, balse laga heshiiyey inta badan arrimihii laysku hayey, isagoo xusay in waxyaabaha hadhsan ee xaal-xaalka ah lagu soo afjari doono fadhiyada golaha ee maalmaha soo socda.

“Hadalka iyo wixii wax isu sheeg ahna golaheennii ayeynu la tegi haddii Alle yidhaa. Barigii aynu xerta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wada akhristay waa laba naas wada jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahba waa walaalo,” ayuu yidhi Sh. Furre.


Ugu dambayn, Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu Ilaahay ka baryey inuu ka dhex saaro khilaafka iyo tashuushka soo kala dhexgalay Golaha Guurtida, isla markaana ku soo asturo xilka ballaadhan ee ay qaranka u hayaan.

Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna dhawr eray ku darsaday hadalka ku-xigeenkiisa, ayaa markale ku celiyey in la xalliyey ismaandhaafkii beryahan dambe ka dhex aloosnaa Aqalka Odayaasha, gaar ahaan shirguddoonka, waxaannu ishaaray in maalmaha soo socda xaaladdu ku soo noqon doonto wadajirkii goluhu weligii ku shaqaynayey.

Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kaloo uu aad ugu mahad-naqay ku-xigeenkiisa oo uu sheegay inuu kelidii golaha oo dhan martiqaaday, “Sheekhu wuu ku mahadsanayahy hadduu maanta iskugu keen yeedhay oo yidhi, waar baryahan in aynu isku mid nahayba waad illowdeen, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheennii ayeynu la tagaynaa,” ayuu yidhi Md. Saleebaan oo aad isaga dhawrayey inuu hadalku la sii taraaraxo.

Waa markii ugu horreysay ee mudanayaasha Guurtidu isugu yimaaddaan casuumad noocan oo kale ah tan iyo intii uu sida weyn u kala qaybiyey khilaafka siyaasadeed oo golaha soo kala dhexgalay muddo haatan laga joogo sannad ku dhowaad.


TogdheerNews.
 

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta