| Nuxurka Kulan Dhexmaray Md. Rayaale iyo Wakiilka Dawladda Switzerland u Qaabilsan Geeska Afrika |
|
|
|
| Friday, 05 February 2010 | |
|
Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa habeennimadii Khamiistii xarunta madaxtooyada casho ugu sameeyey wefti uu hoggaaminayo ergayga dawladda Switzerland u
u qaabilsan dalka Suudan iyo waddamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni oo Arbacadii booqasho ku yimi Hargeysa. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Siciid Caddaani Mooge waxa Madaxweyne Rayaale iyo weftiga ka socda dalka Switzerland kulankaas kaga wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin geeddi-socodka hannaanka hirgelinta doorashooyinka Somaliland, nabadgelyada mandaqadda Geeska Afrika iyo mashaariicaha horumarineed ee hay’adaha Switzerland ka fuliyaan dalka. Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxweynaha oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:
Waftigaas oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland waxa hoggaaminaya Danjiraha dawladda Switzerland ee dalka Suudan iyo waddamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni, waxaanay isdhaafsadeen Madaxweynaha arrimo dhicayo badan taabanaya, kuwaasoo ay ka mid yihiin; sii xoojinta xidhiidhka labada dal, mashaariicda horumarinta iyo halkay marayaan arrimaha xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland.
Madaxweynuhu mar uu soo qaaday arrimaha xagga nabadgelyada waxa uu yidhi; “Somaliland waa waddanka kali ah ee mandaqadda Geeska Africa ee gacanta ku dhigay argagixiso iyo budhcad-badeed, maantana jeelasha ku xidhan yihiin, kadib markii lagu helay dambiyadii foosha xumaa ee ay dalka ka galeen. Waxaas oo dhan Somaliland keligeed ayey qabsatay iyada oo aan caalamka intiisa kale ka helin wax taageero ah.”
Madaxweynuhu isagoo ka hadlayey arrimaha ictiraafka waxa uu sheegay in Somaliland fulisay wax allaale wixii looga baahnaa dawlad qaran ah oo la aqoonsanyahay, haseyeeshee caalamku u hortaagan yahay arrimo ku tacaluqa dhinaca siyaasadda.
Weftiga ka socda dawladda Switzerland intii ay joogeen dalka waxa kale oo kulamo kala duwan ay la yeesheen axsaabta qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo hay’adda kale oo dalka ka hawlgala. Weftigu waxa kaloo ay soo kormeereen mashaariicda horumarinta ee hay’adda Swiss-croup ka wadaan Somaliland iyo heerka ay marayaan. Martiqaadka Madaxweynuhu u sameeyey weftiga waxa kaloo goob-joog ka ahaa wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Sagal iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Aaden Ismaaciil (Keyse),” ayuu afhayeenku soo gunaanaday warsaxaafadeedkiisa. TogdheerNews..Haragays |
| Home |
| News |
| Somali Music |
| Articles |
| Contact Us |
Abdillahi Yusuf’s Team are Scraped
Bayaan ku socda Beesha Qorulugud.
BIYO MA HELLO CODNA WAY NAGA DOONAYAAN.
Booqashada Rayale ee Togdheer Maxay Daaran tahay.
MA XUUKUMADA BIYO LA"AANT HARGAYSA..
Su,aal ku Socota Reer Togdheer.
Geele, Riyaale and view Issaq Brokers!
Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale
MUXUU U DHINTAY WIIL-KAYGII LIXLE?
Bukaasa iyo Mabuuto midkoodna waxaba namay yeliin.
Hargeysaay: Waxaad Hooy U Tahay
Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland
Somaliland A letter to H.E President Jacob Zuma
Siilaanyo Hadhaagii calan-casta maxaa kala haysta !!!!
Doolow Waxaad Kudafirayso Guddomiyaha Jaliyada Norway..