Home
Wasiirka Daakhiliga oo soo bandhigay caddaymay muujinaya cidda ka dambaysa qaraxda Laascaanood PDF Print E-mail
Friday, 05 February 2010
Laascaanood (Togdhnews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen caddaymo muujinaya cidda fulisay qarax

 

 aad u culus oo habeennimadii Khamiistii gilgilay magaalada Laascaanood, xarunta Gobolka Sool.

Md. Cabdillaahi Cirro oo isaga iyo wefti aad u ballaadhan oo ka tirsan goleyaasha qaranka Somaliland hadda ku sugan yihiin Laascaanood, ayaa isagoo shalay u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da waxa uu shaaciyey inay heleen xogo dheeraad ah oo ka soo kordhay cidda fulisay qarax hal qof ku dhintay, mid kalena ku dhaawacmay oo habeen hore ka dhacay magaaladaas.


Wasiirku waxa uu sheegay in ciidammada ammaanku markiiba xidheen goobta qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaa ka heleen caddaymo rasmi ah oo ku saabsan cidda fulisay falkaas oo uu sheegay inuu ahaa qofka ku dhintay, waxaannu ku daray inay helaan waxyaabo caddaynaya in qofka qaraxaas ku dhintay ahaa nin doonayay inuu qaraxyo ka fuliyo magaalada Laascaanood, balse ay u suurtogeli wayday, kadib markii walxihii uu isticmaalayey isaga ku qarxeen.

“Annaga oo haysana waayo-aragnimadii qaraxyadii hore waxaannu goosanay inaan loo dhawaan halkii qaraxu ka dhacay, maadaama ay goor habeenimmo ahayd, ciidan baanu ku gedaanay goobtii, waagu markuu beryayna waxaanu halkii ka helnay nin meyd ah oo ah ninkii dhigayey walxaha qarxa. Waxa la yidhaahdaa 'miinaystuhu mar keliya ayuu khaldamaa' khaladkii uu sammeeyey ayaa isaga galaaftay, halkii uu islahaa dadka galaafo.

Nasiib-wanaag waa la helay maydkii, qaarka hore oo dhammi way googo'een, hadday tahay wejigii lagu garan lahaa, hase ahaatee macluumaad kale ayaanu ka helnay, waxa ka mid ah telefoon dhinacna rimuud ka ah iyo telefoon kale oo isau jajabay, oo aanu kaadhkiisii helnay iyo Mobile-kiisii oo NOKIA ah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood, waxaannu intaa ku daray, “Si kasta ha ahaatee, arrintaasi baadhis ayey ku jirtaa, anaga oo ku rajoweyn inaanu raad-raacaa aanu helay uu na tusi doono dariiq fiican, oo aanu ku helno ciddii ka danbaysay.”


Waxa kaloo wasiirku sheegay in ay heleen caddaymo muujinay in qofka ku qaraxaas ku dhintay ahaa ninkii damacsanaa qaraxa fuliyo, balse intii aannu gaadhin goobtii bartimaadka u ahayd walaxihii u sitay ku qarxeen, arrintaas oo uu xusay inay u hayaan caddaymo rasmi ah sida telefoon mobile ah oo ay ku rakiban yihiin aaladaha meelaha fog-fog wax lagaga qarxiyo.

Ugu dambayn, Wasiir Cirro waxa uu ballanqaaday inay xukuumad ahaan sida ugu dhaqsaha badan arrintaas uga hawlgalayaan, isla markaana sharciga horkeeni doonaan cid kasta oo lagu tuhmo inay ku lahayd falkaas.


“Waxaanu ballanqaadaynaa inaanu dhakhso u sheegno wixii aanu qabannay iyo halka raadkiisu maray, laakiin ka hor dhici mayno baadhista,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Beryahan dambe waxa isa-soo tarayay qaraxyada qorshaysan ee ka dhaca Laascaanood, isla markaana badankooda lagu bartilmaameedsaday masuuliyiinta kala duwan ee Somaliland, ayaa qaraxan cusub waxa uu ku soo beegmay xilli toddobaadkii u dambeeyey ay magaalada ka go’naayeen qaybaha ugu muhiimsan isgaadhsiinta sida adeegsiga telefoonnada gacanta lagu qaato internetka oo door weyn ku leh dhinaca war-isgaadhsiinta, arrintaas oo sababtay in aan hore loo kala ogaan xaqiiqda si wax u dhaceen.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxyada muddooyinkan sida isdaba-joogga ah uga dhacayey magaalada Laascaanood oo maamulkeedu gacanta ugu jiro dawladda Somaliland .

Dhinaca kale, waxa shalay warbaahinta loo soo bandhigay maydka ninka ku geeriyooday qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa qofkii doonayey inuu fuliyo qarax lala maaganaa in lala beegsado huteelka Xamdi ee magaalada Laascaanood oo ay degan yihiin wefti culus oo ka kala tirsan golayaasha dawladda Somaliland .

TogdheerNews.

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta