Home
MARKAB SHIDAALSIDA OO BUDHCAD BADEED LA TIMI GACAN U DHOW LAASQORAY PDF Print E-mail
Thursday, 04 February 2010

Sanaag(Togdhnews)-Wararka naga soo gaadhaya maagaalada laasqoray  ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa budhcad badeed soomaali ah markab la timi tuulada gacan oo 5km dhanka bari ka xigta magaalada laas qoray

Markabkan oo ah mid sida hadhaaga wershedaha sameeya biraha  sida ay ii sheegeen dad goobjooga ayaa lasheegayaa in laga leeyahay wadanka liibiya inkastoo ay adagtahay in warar sax ah haatan laga elo tuulada gacan  cilad xaga war isgaadhsiinta ah awgeed

Markabkan oo ay soo afduubteen dhalinyaro budhcad badeeda ayaa waxaa laga soo afduubtay gacanka cadmeed

Waxana uu haatan ku suganyahay tuulada gacan

Waxaa la sheegayaa in haatan ay socoto abaabul ku aadan in loo wareejiyo dhanka tuulada eyl oo kutaala maamul goboleedka puntland ee Somalia

Sababta oo ah iyadoo ay budhacadu kabaqayaan in ay weerar ku soo qaadaan ciidanka ilaalada ee xeebaha ee Somaliland iyo kuwa maamulgoboleedka puntland

Waxaa sidoo kale lasheegayaa in ay san jirin wax wada hadalo ah oo ku saabsan waanwaan dhexmarta budhcada iyo mulkiilayaasha markabkan

Ciidamada ilaadada xeebaha ee Somaliland ayaa lasheegayaa in ay isu abaabulayaan in ay wax ka qabtaan dhibaatada xeebaha sanaag oo ah xeeb aad u dheer baaxadeedu

Waxaa jirta in aanay budhcadbadeed ka jirin dhukla Somaliland oo nabdgelyo ka jirto itaasoo ay sababtay iskaashiga ciidamad iyo bulshadu

Wixii warar ah ee ka soo kordha waanu idinla soo socod siin doonaa

Siciid axmed tamreyse

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Ceerigaabo/sanaag/somaliland

 

Kaah Property

Sidee looga Xusay Magaaladda Burco Xuska maalinta Wax Akhris la'aanta iyo Wax Qoris la'aanta